Waa faahfaahin ku saabsan ciidamada dowladda oo dhexdooda ka dagaalamay.Israsaaseyn sababtay dhimasho oo ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya shalay galab ku dhexmartay degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir. TV Universal Somali News Video.
Waa Tacsidii ka dhacday stockholm kadib markii qoys somali ah uu dab ku qabsaday stockholm halkaaso ay ku geeriyoodeeyn hooyo soomaal ah iyo shan caruur ah oo ay dhashay iyo gabadh ay qaraabo ahaayeen.
Axmed Cabdisalaan oo ah wasiirkii hore ee Minister of Information, ayaa dhowaan gaaray Minneapolis wuxuuna ka hor qudbeeyay dad badan oo Soomaali ah oo ay ka mid tahay islaan halkaa ka baraanburtay.
Filmkan, 'Anglesea Road' waa mid ku saabsan xaafad ku taala London oo ah meel ay degan yihiin Soomaali aad u farabadan taasoo keentay inay ka furteen dukaamo iyo goobo kale oo ganacsi. Film gaaban oo warbixin ah ayaa laga sameeyay xaafadda Anglesea Road taasoo dhalin yar soomaali ahi ka sheekeeyeen waxyaabaha ay kala kulmeen nolosha ay ku jiraan iyo deganaanshaha dalka Ingiriiska. Anglesea Road was made as part of the South East Ethnography Mediabox project. It has been screened at many festivals domestically & internationally, including the Leeds Young People's Film Festival, the International Student Ethnographic Film Festival, the University of British Columbias 2nd Anthropological Film Festival and at the European Memento exhibition in Belgium.
Magaalada Muqdisho ayaa dhowaan dib uga soo cusboonaday dagaallo ay dhinacyada isaga soo horjeeda markale isku dhaafsadeen weeraro ay dad isaga dileen iyagoo dad rayid ahna qaadsiiyay wadada aadda isbitaallada kadib markii ay sida caadada noqotay ku dhaawacmeen dagaallada aan kala joogsiga lahayn. Waa warbixin dagaallada Muqdisho ay soo diyaarisay Aljazeera.
Waxaa dhowaan pooliska Kenya ee magaalada Mumbasa ay qabqabteen dhalin yar si tahriib ah ku soo galay Kenya, kuwaas oo ay ku jireen 14 Soomaali ah. Mid ka mid ah dhalinyarta ayaa lagu qabtay kaar Identity Card-ka ah ee Kenya waxaana lagu wadaa baaritaan lagu cadeenayo inuu kaarkaas yahay mid sharci lagu helay.
Garoonka Muqdisho ayaa haatan u shaqeynaya si xowli ah iyadoo lix shirkadood oo diyaaradahoodu isugu jiraan kuwa cargo iyo rakaab ahba ay si joogto ah uga howl galaan garoonkaas. Warbixintan waxaa Universal TV garoonka diyaaradah Muqdisho uga soo diyaariyay Alcadaala.
Waa home video laga soo duubay dugsiga hoose ee Bayaan Primary School ku yaala Kismaayo. Why is the instructor speaking English to the pupils? Somebody explain why the young somali students in Bayaan 'primary' school are lectured in English?
Waa Faahfaahin qodbadii dhowaan madaxweyne Sh. Shariif ka jeediyay baarlamaanka dowladda KMG ah. Madaxweyne shariif ayaa ugu baaqay mucaaradka ku soo biiraan wadahadallada heshiiska ah.
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Somalia Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka qeybgalay kal-fadhigii ugu horeeyey oo Mudanayaasha Baarlamaanka maanta ku yeesheen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Kulankan ay maanta Mudanayaasha Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo Waxii ka dambeeyay 25kii April oo kulankoodii ugu dambeeyay ay ku qaateen xarunta gaadiidka police ka ee isla muqdisho.
Kulankii ay maanta mudanaayasha Baarlamaanka isugu yimaadeen ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Golaha wasiiradda iyo madaxda sare ee dowladda soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweeynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed iyadoo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Adan Max’ed Nuur (Madoobe).
Madaxweeyne Sh.Shariif Sh.Axmed oo halkaas ka jeediyay qudbad aad u dheer ayaa waxa uu kaga hadlay waxqabadkii dowlda soomaaliya tan iyo intii dowlada laguu soo dhisay dalkaasi Jabuuti iyadoo sidoo kalane uu ka hadlay dagaaladii ay dowlada la gashay islaamiyiinta Hubaysan ee dagaalada xoogan kula jiro dowlda soomaaliya waxa uuna sheegay in dowladu ay guulo ka gaartay dagaaladaasi ay la galeen islaamiyiinta hubeeysan.
“Kooxaha mucaaradku way ku hungoobeen inay Dowladda talada kala wareegaan, sida ay ku haminayeen” sidaana waxaa yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweeyne Sh. Shariif Sh. Axmed waxa kale uu ka hadlay Taageerada ay beesha caalamka ay lagarab taagan yihiin dowlada Somalia isagoo xusay in ay jiraan taageero xaga maaliyadeed ah iyo mid maskaxeedba ay ka heleen beesha caalamka
Tan iyo intii dowlada ku meelgaarka ah lagu soo dhisay dalka Jabuuti ayaa waxeey kalfadhi gudaha dalka ku yeesheen 3dax mar oo keliya taa oo 2 kami ah ay ku yeesheen xarunta gaadiidka booliska ee Magaalada Muqdisho
Wakiilka qaarada yurub ee isbaheysiga dib u xoreynta wakiilna u ah Xisbul Islaam Sh. Bashiir Imaan Salaad ayaa laga wareystay sida dib logu midaynayo Xisbul Islaam iyo Alshabaab. Waxyaabaha uu ka hadlayo ayaa ah farqiga u dhexeeya Alshabaab iyo Xisbul Islaam iyo magaca ay wada hoos tegi doonaan marka laba urur ay midoobaan.
Dhalin yarada reer Minnesota ayaa maal mahan waday dadaal ay ku doonayaan inay baraarujaan gabdhaha iyo wiilasha soomaaliyeed iyagoo isugu yimaada Youth Summit. Waxa ay muhiimada saareen in waxii mowduuc ah oo ay ka wadahadlaan uu ahaado mid aan marnaba soo hadal qaadin dagaallada ka dhacaya dalka Soomaaliya, maadaama goolku yahay horumar dagaalladuna yihiin dib u socod. Waxaa ah mid aad kuu dhiiro gelineysa sida gabdhaha iyo wiilasha ka qayb qaata isutagyadaas ay ugu foojig sanyihiin diyaarna u yihiin inay si nidaam ah uga shaqeeyaan hor umarka dalka iyo weliba dadka soomaaliyeed, gaar ahaan dhalin yarta iyo kuwa ah aayatiin Soomaaliya. Daawo Video-gan Kasii waramaya howlaha wax qabadka ah ee ay ku howlanyihiin.
Ma xasuusataa wiilkii ahaa reer Mareykan ee Muqdisho ku dhintay kadib markii uu ka qayb qaatay dagaallada ka socda Soomaaliya? Hooyadiis waateey soo wacday Universal TV iyadoo sheegtay inuu wiilkaas cad ahaa Soomaali uuna ahayen reer Afghanistan sida qaar ka mid ah ciidamada dowladda ay sheegeen. Kaligiisna ma aha dhalin yarta dagaal u aaday Soomaaliya iyagoo ka baxay Mareykanka siiba Minnesota. Hadaba waxaa warbixin dheer ay ka soo saartay wakaaladda warbaahinta caanka ah ee CNN wiilkii Soomaaliga ahaa Jamal Bana ee dhowaan ciidamada dowladda ku dileen dagaal iyaga iyo Alshabaab dhex maray. Waakanaa ee ka daawo.
Dagaallada Muqdisho ayaa noqday kuwa had iyo joor soo noqnoqda oo aan dhamaadba lahayn. Dhowaan ayaa waxaa dagaalka si toos ah ugu soo biiray ciidamada AMISOM oo bilaabay duqeymo ay u geysanayaan goobaha ay dagaalyahanada dowladda ka soo horjeeda ku suganyihiin. Warbixintan waa Universal TV
Quruxda dalka Soomaaliya oo si guud loogu soo bandhagay masawiro. Waa sawirro la isku soo aruuriay oo waqtiyo kala duwan ah. Kuleey anigu si xaq ku ah muuqaladan runtii ma u sharixi karo ee adiga daawo ee indhaha ku nuurso, qalbigana ka jecleyso dalkaaga. Si loosii kiciyo dareenkaaga wadaninimo, waxaa la dulsaaray hees aan magaceeda garan ee uu ku luuqaynayo Xasan Aadan Samatar. Waa Cajiib. Dhalinyarta aanan nolol ku arag dalkeena oo nabad ah waxaa dhaafay waqti waligood aanay chance dambe u heleen. Waxa ay run ahaantii seegeen goortii ay ku raaxeysan lahaayeen dalkooda iyagoo deganaansho ku joogi lahaa, ku damaashaadi lahaa, kuna dalxiisi lahaa, wax barasho wacan ku dhameysan lahaa oo ka shaqaysan lahaa. Balse, nasiib darro waxa maanta ay ku sugun yahiin dalal shisheeye oo ay waligood second class citizen ka ahaan doonaan.
Waa warbixin dheer ee C/nuur Muudey Alcadaala uga soo diray Universal TV goobaha la isugu jiro dhufeysyada ee ah meelaha dagaaladu ka soconayeen beryahan ee magaalada Muqdisho.
Qaramida Midoobay qaybta caawinaada ayaa laga dhacay qalab ay kaga howl galiyeen magaalada Baydhabo iyo Wajid. Sida afhayen u hadlay U.N-tu sheegtay, waxa ay meleeshiyo ka mid ah Alshabaab usoo dhaceen xafiisyada labada magaalo ku leedahay U.N-to iyagoo xoog ku qaatay qalab isgaarsiin iyo weliba baabuur oo ay U.N to ku howl gali jirtay. Sidaa darteedna, U.N-ta ayaa go'aansatay inay si ku meel gaar ah u joojiso waxii shaqo ah oo ay ka qaban jireen Baydhabo, hase yeeshee, weli sii wedi doona howlaha Humanitarian-ka ah ee ay Wajid ka wadeen.
Nin Shiineys ah oo 114 dal ku soo dhex maray baaskiil ayaa soo gaaray Soomaaliya isagoo doonayo inuu baskiilkiisa ku gaaro magaalada Muqdisho Kadibna u gudbi doono Itoobiya.
Li Yu Chi Hang oo ah nin Chinese ah ayaa soo gaaray Garoowe kadib markuu baaskiil ku soo qaaday wadada isku xariirisa magaalada Hargeysa iyo magaalada Garoowe. Chi Hang ayaa isticmaalayay baaskiil taasoo keentay inay ku qaatay hal isbuuc socdaalka Hargeysa ilaa Garoowe. Ciidamada booliska ee Garoowe ayaa u diiday inuu gudaha u soo galo. Chi Hang ayaa sheegay inuu baaskiilka ku soo maray 114 dal taasoo ku qaadatay shantii sano ee lasoo dhaafay. Hase yeeshee, ciidamada Booliska ee Garoowe ayaa u diiday inuu dhex maro magaaladaas iyo deegaanada gobollada beri iyagoo yiri sharci darro ayuu ku soo galay iyagoo sheegay inay ka cabsoodeen in dhibatoyin dhanka amniga ninkaasi loo geysto. Chi Hang ayaa ka xumaaday inuu u heli waayay fursad uu ku dhex maro gebi ahaanba dalka Soomaaliya.
WASHINGTON – The American soldier who went missing June 30 from his base in eastern Afghanistan and was later confirmed to have been captured, said in a video posted by the Taliban that he's "scared I won't be able to go home."
Two U.S. defense officials confirmed to The Associated Press that the man in the video posted Saturday on the Internet is the captured soldier, but the Defense Department has not released his name. The video provided the first glimpse the public has had of the missing soldier.
The soldier is shown in the 28-minute video with his head shaved and the start of a beard. He is sitting and dressed in a nondescript, gray outfit. Early in the video one of his captors holds the soldier's dog tag up to the camera. His name and ID number are clearly visible. He is shown eating at one point and sitting cross-legged.
The soldier, whose identity has not yet been released by the Pentagon, says his name, age and hometown on the video, which was released on a Web site pointed out by the Taliban.
He said the date was July 14 and that he was captured when he lagged behind on a patrol.
He's interviewed in English by his captors, and he is asked his views on the war, which he calls extremely hard, his desire to learn more about Islam and the morale of American soldiers, which he said was low.
Asked how he was doing, the soldier said on the video: "Well I'm scared, scared I won't be able to go home. It is very unnerving to be a prisoner." He later chokes up when discussing his family and his hope to marry his girlfriend. "I have a very, very good family that I love back home in America. And I miss them every day when I'm gone," he said.
He is also prompted by his interrogators to give a message to the American people. "To my fellow Americans who have loved ones over here, who know what it's like to miss them, you have the power to make our government bring them home," he said.
"Please, please bring us home so that we can be back where we belong and not over here, wasting our time and our lives and our precious life that we could be using back in our own country. Please bring us home. It is America and American people who have that power."
A U.S. military spokeswoman in Afghanistan, Lt. Cmdr. Christine Sidenstricker, said the Taliban was using their captive for propaganda.
"I'm glad to see he appears unharmed, but again, this is a Taliban propaganda video," she said. "They are exploiting the soldier in violation of international law."
It is unclear from the video whether the July 14 date is authentic. The soldier says that he heard that a Chinook helicopter carrying 37 NATO troops had been shot down over Helmand. A helicopter was shot down in southern Afghanistan on July 14, but it was carrying civilians on a reported humanitarian mission for NATO forces. All six Ukrainian passengers died in the crash, and a child on the ground was killed.
On July 2, the U.S. military said an American soldier had disappeared after walking off his base in eastern Afghanistan with three Afghan counterparts and was believed to have been taken prisoner.
Details of such incidents are routinely held very tightly by the military as it works to retrieve a missing or captured soldier without giving away any information to captors.
But Afghan Police Gen. Nabi Mullakheil said the soldier went missing in eastern Paktika province near the border with Pakistan from an American base. The region is known to be Taliban-infested.
Afghans in contact with the Taliban told The Associated Press that the soldier was held by a Taliban group led by a commander called Maulvi Sangin, who operates in the area where the American went missing. They said the fighters initially planned to smuggle the soldier across the border into Pakistan but ruled that out because of U.S. missile strikes and Pakistani bombing attacks against militant targets in the area. Instead, they decided to move him north into Taliban-controlled areas of Ghazni province.
The Afghans spoke on condition of anonymity for fear of arrest or reprisal, and it was impossible to independently confirm their information. A brigade commander for the Afghan national army in southeastern Afghanistan, Gen. Asrar Ahmad Khan, said Afghan and coalition forces have been working together for 15 days searching for the missing soldier.
Soomaalida reer Mareykanka ah ee jooga Minneapolis magaalada Saint Paul ayaa beryahan soo gaaraan warar xun taasoo keentay in runta iyo beenta ay kala garan la'yihiin. Iyagoo dhexda uga jira sheekooyin ah caruurtoodii ooy la'yihiin iyo dagaallada Soomaaliya ka socda, ayaa qoysaska oo sidoodaba ah kuwa isku dhow dhow waxaa mashquuliyay faragelin iyo dhibaato soo dhex gashay kuwaasoo ka imaanaya sirdoonka Mareykanka iyo warbaahinta dalkaas oo daba dhigtay.
Saynab Xasan oo u shaqaysa Somali Community ka howl gasha magaalada St. Paul ayaa tiri, "Mar kastaa oo telivisionka ama raadiyaha dhageysato waxaan maqlaa caay ama war aan sax aheyn oo laga faafinayo soomaalida taasoo aan ka xumaado." Saynab oo dalka Mareykanka qaxootinimo ku tagtay 1980's kii ayaa sheegtay in dadka badankood ay is yiraahdaan waa in wax laga qabto arimahaas.
Waxaa dhacday 2008 dii in warbaahinta Mareykanku ay daba dhigteen dadka Soomalida ah siiba dhalinyarta iyagoo soo wariyay in caruur badan oo soomaali ah la waayay kuwaasoo kadibna lagu dhex arkay Soomaaliya gudiheeda iyagoo dagaal ku jira.
Wiil ay soo wariyeen warbaahinta Mareykanka ayaa ah wiil la yiraah Shirwac Axmed oo 26 jir ahaa isagoo sida la sheegay kowdii aaday Xajka. Shirwac ayaa Octobar 2008 ku geeriyoowday ismiidaamin waqooyiga Soomaaliya ka dhacday. Sidoo kale, kulaylahan ayaa Burhan Xassan iyo Jamal Bana lagu dilay Muqdisho kadib markii ay Minneapolis ka baxeen una safreen dhanka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan dagaalka ka socda halkaas. Sida wararku sheegeen, in ka badan 20 wiil ayaa la waayay labadii sano ee la soo dhaafay.
Lama oga waxa ku dhaliyay dhalinyarta inay safraan oo dagaal aadaan, laakiin sida warbaahintu shaaciso dhalinyartaas ayaa waxa soo jiita dad Soomaali ah oo u kaxeeya dagaallada dalkeena ka socda. Sidaa darteed, dowladda Mareykanka ayaa goobeysa inay cadeyso in dhalinyartaas maqnaanshahoodu ka dambeeyaan kooxaha dagaallada ka dhexwada Soomaaliya, siiba ururka Islaamiga ah ee Alshabaab.
Hase yeeshee, waxaa FBI-da ay odayaasha Soomaalidu u sheegaan inay tahay caqli gal in dhalinyartu ay u baxeen wadaninimo kadib markii Ethiopian-ku ku soo duuleen dalkoodii.
Waxaa ugu dhib badan oo saameyn wayn u geesata nolosha Soomaalida ku nool Minneapolis faragelintan dheeraadka ah ee poolisku ku hayaan. Waxa lagu hayaa sirdoon ku gaar ah oo Soomaalida kaliyah lagu wado taasoo had iyo goor ay ka cabanayaan reer Minneapolis. Waxaa u sii dheer iyadoo dadka Soomaalida ah si midab takoornimo ah loosoo xareeyo qaarkood, kadibna la weydiiyo su'aalo daran iyadoo aan lakala soocin dadkaas lana qabqabto dadka waxtarka u ah sida imaamyada iyo kuwa ku leh business-yada ugu waaweyn. Waxaa bishan lasoo xiray laba nin oo Soomaali ah oo lagu tebay dembi ah inay caawinaad u direen kooxo ay ku tilmaameen 'terrist group' ama argagixis taasoo noqotay xiridii ugu horeysay, balse dad kale oo badan maxkamad lagu soo wado.
Gabar Soomaali ah, Nimco Axmad oo iyadana u shaqaysa Somali Community ayaa sidoo kale tiri, "waxaa dhalinyarteena lagu tilmaamaa argagaxis sababtoo ah warbaahintu waxay sheegaan warkii ay u maleeyaan inuu dadka Mareykanka ah ka gadmi karo. Laakiin anaga ah kuwa wax qabadka wada ayaa ku dhiban arinkaa."
Sidoo kale, qoraa Soomaali ah oo ku nool Minneapolis magaciisuna yahay Mohamed Husein, ayaa intaa ku daray in caadkan shaki oo soo dulfuulay soomaalida Mareykanka yahay mid calaamad xun ku reebay dadkeena. Xasan ayaa dhowaan dhib dembi baaris ka yimid loogu geystay mar uu airport-ka Washington D.C ka soo degayay dhowaan isagoo ka yimid Kenya, waxuuna taa ka yiri, "waa nasiib darro dembi uu qalay qof shaqsi ah in lagu tuhmo dhamaan dadka wadanka qofkaas u dhashay."
Sida tirikoobka Minnesota sheegtay, waxaa ku nool Minnesota dad dhan 24 kun oo Soomaali ah, inkastoo ayba intaa ka badan yihiin haddii la tiriyo dadka aan tirikoobku arag. Balse, waxaan cusbayn isqabqabadka ka dhexeeya Soomaalidaas iyo booliiska maadaama ay weligeed jirtay dagaalo ka dhexeeya dhalinyarta Minnesota taasoo keentay in booliisku si soo noqnosho leh ula xariiro soomaalida. Waxaa dheer in waagii 2001-dii Sept. 11-kii kadib soomaalida toos loo abaaran jiray iyagoo ka mid ahaa dadka muslimka ee baarista goonida ah lagu waday.
Tooshka gaarka ah ee lala dul istaagay soomaalida Mareykanka ayaa si layaable ku dhalisay inay Soomaalidu dhexdooda is aamini waayaan. Waxaa wakaalada warfaafinta The Start Tribune ay dhowaan soo sheegtay kadib markii dowladdu baaris ku bilaawday imaamyo masaajid caan ah jooga, masaajidka Abubakar al-Saddique, ayaa qoysaska qaarkood ka fogaadeen masaajidkii oo dhan, iyagoo ka cabsi qaba in iyaga naftooda lala soo aado su'aalaha lagana shakiyo.
Inkastoo la buunbuuniyo cabsida laga qabo argagixisnimo aan jirin ee lagu tuhmo soomaalida Mareykanka degan, hadana waxaa wax garadka soomaaliyeed ee dalkaas ay farta ku fiiqaan in dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya iyo dhalinyarta aadda dagaalka ee ka haajira magaalooyinka Mareykanka ay arinkan ka dambeeyaan. Sidaa darteed waxaa dhacay in booliiskii uu si gooni ah dhalin yarta soomaaliyeed ula daba joogaan midabtakoor ay ku qabqabtaan kay arkaan iyagoo durboba baaris aan loo joogin geliya.
Kooxda funka ee Waayaha Cusub ayaa dhowaan ku gaaray magaalada Gaalkacyo safar ay igu talo galeen inay ku baraarujiyaan Soomaalida inay ka shaqeyaan sidii loogu heli lahaa dalkeena nabad raagta. Kooxdaasi oo soo gaartay Gaalkacyo ayaa waxaa soo dhoweeyay suxufiyiin iyo waxgarad reer Gaalkacyo ah iyagoo la sheegay in dhalinyartaasi ay ku wareegi doonaan magaalooyin kale oo ka tirsan gobollada bari. Daawo faahfaahintan
Waxaa beryahan hoos u sii dhacday xaalada nololeed ee Qoysaska soo barakacay joogana xeryooyin qoxooti ee xaafaha Beledweyne ku yaala. Dadkaan ayaa ah dad kasoo barakacay Xamar iyo agagaarkiisa iyo Jowhar. Daawo warbixinta Universal TV
Asrar Babikar waa fanaanad codkeeda markii ay maqlaan dadka suudaanta ah ay u jadboodaan iyadoo caan ku ah heesaha soo jiita qalbiyada dadka. Waa tanaa hees ay codkeeda macaan ku qaadeyso oo video ah. Waxaa la yaable sida reer suudaan ayagoo fadhiya heesaha u qaadaan. Fanaaniinteenu waa inay istaagaan iyagu oo is luxaan, maxaa keenay?
Magaalada Gabileey oo ay lababeelood oo ka tirsan deegaanka la isku haysto beryahan ku dhex maray iska hor imaad ku saabsan kana dhashay muran dhinaca dhulka ah. Ergo gaartay magaalada dhibkan ka jiro ayaa meel fagaaraha kula kulmay dadweynaha ku nool magaalada Gabilay, halkaas oo ay kala hadleen
C/raxmaan Ibraahin Macoow. gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa TVUniversal u sheegay isagoo jooga magaalada Muqdisho inaysan waxba ka jirin in maamulkiisa burburay isla markaana ciidamadiisu ay ku wareegeen ururka Xisbul Islaam ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa waxaa intaasi raaciyey in run ahaantii ciidamada maamulkiisu ay sidoodii u joogaan isla markaana howlo amaanka lagu sugaayo ay ka wadaan haddatan la joogo magaalada beledweyne iyo wadooyinka waaweyn ee soo gala magaaladaas. Video-gan waa warbixin Universal TV ee warkaas ku saabsan.
The Somali government says it has been gaining ground in its war on the Al Shabab and other insurgents with an undisclosed number of youths defecting from the anti-government ranks. Somali Ambassador Mohamed Ali Nur told a press conference that the administration in Mogadishu is however seeking more international help in fighting the insurgents. NTV