What you may have missed

Saturday, April 17, 2010

Dhalinyarteena Jooga Qurbaha oo Fanka Kusoo Ifbaxaya - Warbixin

Heesaha Macaan
Soomaalida dibadaha ku nool ayaa aad iyo aad u dhex galay dadkii reer galbeedka iyagoo isku taxaluja sida ay dhaqankooda u dhex dabaalan lahaayeen. Fanka ayaa noqday barxadda laga wada siman yahay.
  • Sweet Rush - Siham and Iman Hashi
  • Laila Adem's First Singing Performance
  • Liban Makes Judges Cry - Australian Idol 2009


Soomaalida dibadaha ku nool ayaa aad iyo aad u dhex galay dadkii reer galbeedka iyagoo isku taxaluja sida ay dhaqankooda u dhex dabaalan lahaayeen. Waxaad arki kartaa dad Soomaali ah oo ka qayb qaadanaya barnaamijyada iyo tartanada faneedka ah, sida wiil Soomaali ah oo 2009kii ka qayb qaatay Australian Idol, bandhig faneed ay dhigeen urur Soomaaliyeed 'Somali Talent Show' kaasoo dhalinyar Soomaaliyeed ku soo bandhigeen xirfadooda heesaha, iyo tan oo weliba cajiib ah, dhalinyar Soomaaliyeed oo soo gelaya fanka iyo suugaanta wadamada Yurub iyo America.

Marka hore, aan fiirino Australia oo sanadkii 2009 kii ow wiil Soomaali ah soo bandhigay cod macaan isagoo ka qay qaatay barnaamijka Australian Idol. Barnaamijkani waa mid bar bar socda kan caanka ah ee American idol. Wiil magaciisa la yiraahdo Liibaan una dhashay Soomaali oo weliba goor dhow soo galay dalka Australia ayaa noqday wiil soo gaaray kaalin ku dhow tobanka qof ee ugu codka fiican. Heesta hoos aad ka arki karto waa 'What I wanna Do" taasoo Liibaan ku luuqeynayo.



Liibaan ayaa ka owsiiyay mid ka mid ah judge-yada isagoo hees Soomaali si macaan ugu heesay. Waxaa layaab leh Liibaan waxaa uu oqoon waayay erayada heestii ingiriiska ahayd ee loo soo qoray, sidaana uga haray tartankii Australian Idol 2009. Hase yeeshee, Liibaan waxaa soo celiyay judge-yadii oo mid ka mid ah ku sheegay sababta ay u soo celiyeen in codka liibaan uu taabtay naftiisa.

Austrelian idol Liibaan Soomaali oo ka qeyb qaadanaya



Dhanka kale, barnaamij dhowaan lagu qabtay Washinton oo Jaamacadda University Washington qabatay ayaa gabar Soomaali ahi ka heestay. Laila Adem ayaa ka qaaday halkaas laba hees. Waa kanaa videogii laga soo duubay Talent Show-gaas iyo Laila oo heeseysa.

Laila Adem's First Singing Performance




In kastoo Laila ay si hobby ah u heeseyso, waxaa jira dhalinyaro Soomaali ah oo heesuhu shaqo u tahay.

Mareykanka ayaa waxaa kasoo caan baxaya haatan labo gabdhood oo waloolo ah oo fanaaniin ah. Gabdhahan oo aad u da' yar ayaa dhowaan loo saxiixay qandaraas ay ku soo saaraan albumada heesaha. Gabdhahan magacoodu waa Siham Hashi iyo Iman Hashi. Magaca kooxdooduna waa Sweet Rush. Sii Aqri ama booqo bogga Sweet Rush http://www.myspace.com/sweetrushworld

Heestan waa mid slow-ah oo ku tusaysa codkooda macaan. Hadii ay kuula cod ekaadaan gaalo, ogoow labadan gabdhood waa Reer Toronto, ahna Soomaali dhalad ah.





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

1 comment:

  1. viva somalia people..!!somalia needs help

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.