What you may have missed

Saturday, April 17, 2010

Shirkii wasiirada Africa oo Shalay soo Gabagaboobay



Waxaa kulanka hordhaca ah fadhiyay mudane Aweys oo katirsan wasaarada deegaanka, isaga oo jeelkiisa kale ee qaarada Africa kala doodayay sida qaaradu uga gudbi karto caqabadaha jira iyo waxa wasiiradu arinkaa kayeelayaan.  




Shirkii qaarada Africa ee looga hadlayay Metronolojiga kana socday wadanka Kenya oo maanta lasoo gaban gabeeyay.

 

Shirkaani oo socday mudo shan maalin ah ayaa manta kusoo gaboobay jawi dagan waxaana intii uu shirku socday looga hadlayay arimo kala duwan oo qaarada Africa muhim u'ahaa markii la eego waxa manta dunida kajira iyo sida wadamada horumaray uga cabanayaan isbadalka dunida kadhacay.

 

Markii la eego shirarkii hore uga dhicijiray qaarada Africa kani waa kii ugu horeeyay oo ceenkaani ah kana dhaca qaarada Africa gabi ahaanted waayo waa shirkii ugu horeeyay oo wasiirada Metronolojiga qaarada Africa isugu yimaadaan islamar ahaantaana ay kazoo qayb galaan saxafiyiin ka kalasocda aduunka oo intooda badan ay isaga kala yimaadaan qaarada Africa iyaga oo siwada jir ah uga wada hadlaya danaha qaarada iyo sidii loo xalinlahaa dhibaatooyinka jira islamarkaana saxafiyiintu usuuragalin lahaayeen sidii loo ogaan lahaa xaalada qaaradu kusugantahay si dunida uhor martay wax uga garabsiiso qaarada Africa danaheeda si loo xaliyo baahiyaha jira oo idil.

 

Waxa ayna siwada jira usoo saareen dukumiinti ay doonayaan in ay wariye yaasha hordhigaan si wasiiradu umeel mariyaan.

 

Qodo badani ayaa gaarayay 25 qodob oo siwada jira xubnahani isugu afgarteen in ay haboontahay in wasiirada lahor dhigo.

 

Maanta oo ay ahayd gaban gabadii shirka ayaa waxaa shirka sitoos ah usoo wada fariistay wasiirada oo awal qaar kood aaney soo xaadiri jirin si siwada jir ah loom eel mariyo qodobadii kulamadii hordhaca ahaa kazoo baxay loomeel mariyo.

 

Wasiirada iyo qaybihii kaladuwanaa sida saxafiyiinta waxa ay siwada jira usoo wada saareen 15-toban qodob dukumiinti ka kooban oo ay uga hadlayaan sidii qaarada wax loogu qaban lahaa iyo waxa ka qaarad ahaan loobaahanyahay in lawada qabto si loo buuxiyo kaalinta Africa looga baahanyahay.

 

Waxaana intabadan qodobadani ay ahaayeen kuwii gudigii hordhaca ahaa hore usoo saareen oo qayb ahaan loosoo qaatay kadib markii loo arkay in ay muhim yihiin.

 

Dalka Soomaaliya waxaa shikaas wariye-yaasha uga qayb galay Daa'uud Cabdi Daa'uud oo ah xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Deedaanka Soomaaliya. oo marka magacooda lasoo gaabiyo looyaqaan NASSEJ. 

 

Xoghayaha guud ee saxafiyiinta deegaanku waxa uu maalintii shalay ahayd shirka dhexdiisa ka sheegay in uu burbur xooglihi  soo gaadhay deegaanada soomaaliya oo dhan , intabadana lagu shubo sunta iyo wasakhda ka timaad wadamada caalamka  qaarkood,  wariyayaashii ka shaqayn lahaana deegankana dagaalada dartoo ay uga maqan yihiin islamaarkaana aanay jirin cidkale oo xil iska saarta dhawrista xuquuqda deegaanada soomaaliya.

 

Wxuu kale oo Mr. Daa'uud sheegay in wali uu socdo barakaca saxafiyiinta ee dalka Soomaaliya oo haatan wadankan Kenya ay kusugan yihiin in kudhow boqol saxafi oo soo barakacay sadaxdii sano ee igu danbeeysay waxana uu sii carabaabay in tiro intaa kabadan usii gudbeen dunida inteeda kale wallow ay jiraan buu yiri tirade saxafiyiinta lagu dilay soomaaliya oo gaareeysa 22 sadaxdaa sano marka loo eego kuwa barakacay.

 

Wasiirka deegaanka ee wadanka Soomaaliya mudane Burci Maxamed Xamsa ayaa isagu ahaa masuulka ugu sareeya ee dalka Soomaaliya ufadhiyay shirka waxaana uu manta sitoos ah ulasoo fariistay wafdiga isugu jira saxafiyiinta iyo aqoonyahanada ee kasocday dalka Soomaaliya isaga oo shirkana kajeediyay qudbad aad ugaaban oo uu kusheegayay in ay sax ahayd waxa ay wakiilada dalka Soomaaliya kasheegeen Soomaaliya oo aanu isagu dooneynin in uu wax intaa kasii dheer sheego isaga oo waliba kahadlay dhibaatada guud ee dalka kataagan sikooban.

 

Marqura ayaa sacab waxaa wada garaacay dhamaan kazoo qayb galayaashii shirka kadib markii wasiirka deegaanka ee Soomaaliya mudane Burci Maxamed Xamsa uu sicad uga hadlay sida qaarada Africa ay udayacday Soomaaliya oo ay uga gaabisay kaalmadii iyo wax laqabashadii looga baahnaa islamar ahaantaana ay ilaaween wax tarkii iyo kaalmadii ay Soomaaliya ufiday dalal badan oo African ah oo manta horumar gaaray iskuna filan taana ay tahay wax laga xumaado oo aaney Soomaaliya qaarada Africa kamud neeyn.

 

 

Waxii intaasi dheer fadlan kala xiriir ciwaanada hoos ku qoron ama booqo;

 

Email: newsletter@nassej.org

Website: www.nassej.org


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.