What you may have missed

Thursday, April 15, 2010

Ma Taqaanaa Miski - Fanaanad Somali Rapper ah oo Degan London?

Gabartan 17 jir ah waa gabar degan magaalada London ee dalka Ingiriiska ahna gabar Soomaali ah. Sida ay sheegtay, waxay fanka kusoo biirtay markay jirtay 14 sano goor ay dhigatay dugsiga sare sanadkiisa 1waad. Waxaa firficooni gaar ah oo ay u laheyd Musiga arkeen macalimiinteeda iyagoo si farxad leh warkeeda gaarsiiyay macalamad skoolkiida ka dhigta Muustikada. Sidaa ayay Miski ku bilaawday inay qaadato cashiro ah Musiga.







Miski ayaa ka mid noqotay arday kooban ay macalimadda muusiga ay u ogolaatay inay isticmaalaan Studio cusub oo isla sanadkaas lagu soo daray iskoolka ay dhiganeysay. Isla markii koowaad ay soo gashay istuudiyaha ayaa Mista aad ula dhacday iyadoo ogaatay inuu fanka ka gaarsiin karo heerka ay ka dooneysay. Gabadhan oo si heer sare ah ugu dhawaaqda qaab heeseedka loo yaqaano raapka (rap) ayaa tusaale ahaan waxaa ingineerka studiyaha ay la sameysay hees isla maalinkaas waxaana cajabiyay sida codkeedu ugu macaanaaday muustikada loo saaray.

Waxii markaa ka dambeeyay, Miski waxaa sanadkaas 2009kii ay netka soo gelisay ilaa 15 heeso kuwaasoo ay dhageysigoodu free yahay oo ay ku soo bandhigtay bogeeda http://www.myspace.com/mcnoisy oo ah mid ay hadda ka muuqdaan dhowr hees oo taageerayaasheedu aad u dhageystaan.

Waxaa lagu sheegaa inay u heesto qaabka electronic/dance genre kaasoo ah qaabka ay xiiseeyaan dhalintarta reer yurub.

Miska waxaa intaa u dheer inay ka muuqatay labo filim oo midkood soo saare ka yahay nin aasiyaan ah Gurinder Chadra kaasoo soo bixi doona 2010ka dhamaadkiisa. Filinka labaad waa mid uu soo saare ka yahay Latimer Films oo ku saabsay dhalinyarta reer London iyo Gaangistarnimada kaasoo ay Miski ka tahay atirishada filinka wadda waxaana filinkaasu soo baxay dhamaadkii 2009ka.



Miski waxa ay ka qayb qaadatay barnaamijyo badan oo ay ka mid yihiin BBC Asian Network Festival (Mic Check) W13 Youth Showcase ee lagu qabtay Ealing Town Hall London, Troy Bar, Villiers Leavers Assembly. Sidoo kale waxay ka qayb qaadatay bandhigyo kala duwan ee Soomaali ku dhigatay magaalada London. Hadda waxaa mararka qaarkood looga wacaa raadiyo yaasha community shows soo bandhiga ee magaalada London, sida Reload FM, Urban FM iyo kuwo kale.

Gabadhan xirfadda u leh fanka muusiga ayaa dadka dhageystay heesaheeda ay sheegaan inay mar aan fogeyn ka dhex muuqan doonto fanaaniinta caanka ah ee reer London iyadoo waliba ka wanaagsanaan doonta dhalinyarta da'deeda ah markii lafiiriyo xirfadda wanaagsan ay u leedahay heesaha raapka.

Bishii April 30keedii ayaa Miski waxa ay suuqa muustikada ku soo daysay heesteedii ugu horeysay ey si professional ah u iibiso taasoo lamagac baxday 'I'm Noisy' waana tan video-ga halkan ka daawan kartid. Sidoo kale, Miski ayaa summerka soo socda soo saari doonta albumkeedii koowaad oo la yiraahdo 'Moving on Swiftly'.

Ilaa iyo hadda ma jirto shirkad gabadhan ka caawisa dhanka soo saaridda Musigeeda hase yeeshe ma dheera goorta ay arki doonaan xirfadeeda muustiko.



Xagee kala socdaa Miski?

Facebook http://www.facebook.com/miskimusic
Youtube http://www.youtube.com/user/ladynoisy#p/a/u/1/XhnHSIkRQEw
Myspace http://www.myspace.com/mcnoisy


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

3 comments:

  1. Caadi maahan gabadhan sxb. Waxaa rabaa inaan halkaan uga hambalyeeyo walaashay miski saaxiibay sii wad hoowsha aad heyso hana ka daalin. Laakiin xasuusi dalkaaga iyo dadkaagaba oo represent!

    ReplyDelete
  2. asc dhamantin iyo miski magac maskin maka aha gawertan walashey ah waxandhahaye hasaha xulah kuwo sojidanayo dhalita har aficaa tagaro wac aha gawertan walashey ah waxandhahaye hasaha xulah kuwo sojidanayo dhalita har aficaa tagaro wac

    ReplyDelete
  3. aniga waxan raawa haso raab anqado horayna wa uqaday tag boga youtube ka kuqor okiyalo famileaniga waxan raawa haso raab anqado horayna wa uqaday tag boga youtube ka kuqor okiyalo famile

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.