Ma is weydiisay, maxay qabtaan qurba joogtu. Waxaa daran inaad tiri, ceyr bay qaataane wax kale ma hayaan. Warkaaga waxbaa ka jira oo fikirkaasi waa mid sal iyo sinaba leh. Hase yeeshee, waxaa beryahan soo if baxaya dad soomaali ah oo hadana la tartama dadka kale. Sax ama qalad waxa ay qabtaan ma yahay waa is weydiin ku wanaagsan in qofku su'aalaya uu isago sheego, balse dhaq dhaqaaq la arki karo ayaa soomaali badan oo ku nool dalka dibadiisa bilaabeen inay sameeyaan. Gabdhaha la baxay Mataano, ma ahan kuwo ceyr kaliya dibadda u tagey, ee waa ay shaqeystaan.
Shaqo waxaa ugu fiican tan adigu aad ka tahay amiirka. Mataano waa shirkad soo saarta dharka dumarka oo ay leeyihiin laba dhalinyaro oo Soomaaliya kasoo askuntay. Maraan aqrinayay, bogga 'About us' ee Mataano.com waxaa ku qoran "identical twins Ayaan and Idyl Mohallim are anything but ordinary." Macnahu gabdhuhu caadi ma ahan.
Sida aad warbixintan video-gan Inside Africa ee CNN soo deysay ka arki doonto, gabdhani waxay la tartamaan dad Mareykanka soo galay boqolaal sano ka hor, meesha iyagu ku soo qaxeen dhowr iyo toban sano ka hor. Bal daawo cajiibkan.
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.