What you may have missed

Tuesday, April 6, 2010

Soomaalida China oo Sameeyey Xarun ganacsiga oo laga hirgaliyay dalka china

Xarun ganacsiga ayaa laga hirgaliyay dalka china taasoo bulshada soomaaliyeed u sahlaysa in ay si fudud uga helaan adeegyadooda ay uga baahan yihiin Qaarada Asia  gaar ahaan Dalweynaha China

 

Xaruntaan ganacsiga ayaan waxaa  hirgalinteeda iska kaashaday shirkaddaha Ganacsi  ee  Shirkadda Hilal General Trading Company LTD  

       

Ka dib markii ay ay lagama maar maan noqotay in in la helo Xarun ay shirkaddahaani ku midaysan yihiin in laga furo dalka China si Bulsho waynta Soomaaliyeed ay u helaan Adeeg Gacansi oo ay ku qanacsan yihiin , si ay fududaadto dhamaan wixii Dalabaad ah ee dadka soomaaliyeed ku nool Dunida Dacaladeeda u helaan


Qorshaha hirgalineed ayaan dabo socda heshiis labada shirkadood Mas?uuliyiintooda ugu dhex marey  Magaalada London ee dalka Ingiriiska Dhamaadkii Sannadkii tagey ee 2009-ka



Taasoo labada shirkadood isku  afgarteen in la furo Xarun wayn oo Ganacsi lagana furo dalka China  oo hor mud ah  Suuqa  kala iibsiga Badeecooyinka . ayna horey Xafiisyo uga furatey shirkada Hilaal General Trading Company.



Shirkadda HILAAL  Xaruntooda dalka China ayaa waxay kuu sahlaysaa inaad Dalban  karto waxyaabaha aad uga baahan tahay Dalka China adiga oo aan u Safrin  halka aad ka doonayso Dalabkaaga ,  laguuguna keenaayo meesha aad joogto Dalabkaagii


Xaruntaan Ganacsi ayaa waxay daboolaysa baahi badan oo Bulshada Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan adeegyo fara badan oo ay uga baahan yihiin Dal aysan joogin  waana mida keentay in la hirgaliyo Xarun ay ku midaysan yihiin Shirkaddaha Iibka iyo Hilal

Arrintaan oo ah hor u mar waxtarkiisa sareeyo , ayna maqsuud ka yihiin Bahdiga Ganacsiga  ee Soomaaliyeed   waxii faah faahin ah ee intaasi dheer  waxaad kala Xiriiri kartaa Xarunta Ganasiga  ee laga furay Dalka China

Abdiwali Abdi Elmi
Directing Manager

P.O.Box 322000

Yiwu, Zhejiang Province,
Peoples Republic of China
Tel: 0086-13058993139 Tel: 00442081800698

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.