What you may have missed

Friday, April 16, 2010

Dowlad ma leeyahay deegaanka (Environ) Soomaaliya: Barlamaanka Sweden

Kullan kadhacay baarlamaanka dalka Sweden oo looga wada hadlay si qoto dheer wuxuu dhexmaray xildhibano soomaaliyeed iyo kuwo sweedhish ah.



Dowlad ma leeyahay deegaanka (Environ) Soomaaliya: Barlamaanka Sweden

 

Kullan kadhacay baarlamaanka dalka Sweden oo looga wada hadlay si qoto dheer wuxuu dhexmaray xildhibano soomaaliyeed iyo kuwo sweedhish ah.

 

Xildhiban Abdi Abshir iyo xildhibaan Jimcaale-Numcaan, ayaa usoo jeediyey xisbiga cagaaran – Miljopartiet, sidii arimaha deegaanka soomaaliya ee murugsan loogu soo jeedin lahaa indhaha caalamka iyadoo xildhibaanada swiidhishku  eey aad usoo dhoweeyeen, rabaana ineey arintaas u istaagaan.

 

Baarlamaanka Sweden, Xildh. Abdi Abshir, Xildh. Kaplan iyo Xildh. Jimale

 

Mudadii eey Soomaaliaya dowlad laanta aheeyd waxaa ku soo kordhay caalamka shuruuc kalla duwan oo quseeya deegaanka iyo qorsha loogu talla galay in deegaanka aduunka lagu maamulo – Agenda 21 – oo caalamku dhamaan saxiixay sanadkii 1992, Soomaaliya kaliya ayaan weli saxiixin.

 

Waxaa kaloo jira shuruuc aad noo caawin lahaa hadii si quman looga fiirsado, oo quseeya xaalufinta badaha iyo sumeeyntooda, oo sida qoraalo kalla duwan cadeeynayaan bada soomaaliya eey noqotay qashin qub loo soo fogeeyo haraaga warshadaha kiimikada caalamka. Taas waxaa qiraya qoraalada eey qoreen UN Environmental Program- UNEP iyo hayada kalla duwan oo caalamaka wax ka qora arimahaas.

 

Hadaba, waxaa muuqata in xisbiga cagaaran – MILJOPARTIET- ee dalka Sweden oo Soomaali badan eey codkooda siiyaan, uu diyaar u yahay inuu ka qeeybgalo sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa dhibaatada deegaan ee ka taagan Soomaaliya halkaas oo xildhibaan Abdi Abshir iyo xildhibaan Jimale eey u sharaxeen dhibaatada deegaan ee Soomaliya ka jirta.

 

Mustafe Axmed, Dalkanews.com
Munich, Germany
Email:
munaas3@hotmail.com


Somchat.com

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.