Awel maanso waataan gudboo guriyey waayaaye Waataan galbeedkaas u diray guga hortiisiiye Aan gaasheeyo tii xalay hurdada gamaa ii diidday Galladaha Ilaahay ka badan geedahaas baxaye Guushuu inoo yeelay baan idin garwaaqsiine Guddiyey i maqal waxaa tihiin gacaladaydiiye Najiska gurta xumaa hadduu shalayto geeryooday Godka lagu cadaabkii haddaan gowrac ugu jiiday Uu guduri cunay waa waxay galabsanaayeene Dhurwaagii ka giigaan u diri gacan salaameede Isagay gargaaroo dugaag iiga gooniyahe Haddaan garan gunaan siin lahaa gooriyo ayaane.
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.