What you may have missed

Tuesday, July 28, 2009

Faahfaahin Qudbadii Madaxweyne Sh. Shariif Ka Jeediyay Baarlamaanka

Waa Faahfaahin qodbadii dhowaan madaxweyne Sh. Shariif ka jeediyay baarlamaanka dowladda KMG ah. Madaxweyne shariif ayaa ugu baaqay mucaaradka ku soo biiraan wadahadallada heshiiska ah.



Madaxweynaha Dowladda KMG ee Somalia Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka qeybgalay kal-fadhigii ugu horeeyey oo Mudanayaasha Baarlamaanka maanta ku yeesheen Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan ay maanta Mudanayaasha Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo Waxii ka dambeeyay 25kii April oo kulankoodii ugu dambeeyay ay ku qaateen xarunta gaadiidka police ka ee isla muqdisho.

Kulankii ay maanta mudanaayasha Baarlamaanka isugu yimaadeen ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Golaha wasiiradda iyo madaxda sare ee dowladda soomaaliya oo uu ka mid yahay Madaxweeynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed iyadoo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Adan Max’ed Nuur (Madoobe).

Madaxweeyne Sh.Shariif Sh.Axmed oo halkaas ka jeediyay qudbad aad u dheer ayaa waxa uu kaga hadlay waxqabadkii dowlda soomaaliya tan iyo intii dowlada laguu soo dhisay dalkaasi Jabuuti iyadoo sidoo kalane uu ka hadlay dagaaladii ay dowlada la gashay islaamiyiinta Hubaysan ee dagaalada xoogan kula jiro dowlda soomaaliya waxa uuna sheegay in dowladu ay guulo ka gaartay dagaaladaasi ay la galeen islaamiyiinta hubeeysan.

“Kooxaha mucaaradku way ku hungoobeen inay Dowladda talada kala wareegaan, sida ay ku haminayeen” sidaana waxaa yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweeyne Sh. Shariif Sh. Axmed waxa kale uu ka hadlay Taageerada ay beesha caalamka ay lagarab taagan yihiin dowlada Somalia isagoo xusay in ay jiraan taageero xaga maaliyadeed ah iyo mid maskaxeedba ay ka heleen beesha caalamka

Tan iyo intii dowlada ku meelgaarka ah lagu soo dhisay dalka Jabuuti ayaa waxeey kalfadhi gudaha dalka ku yeesheen 3dax mar oo keliya taa oo 2 kami ah ay ku yeesheen xarunta gaadiidka booliska ee Magaalada Muqdisho


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.