What you may have missed

Sunday, July 19, 2009

Reer Mareykanka oo Caqabad Gaar ah Sirdoonka iyo Warbaahintu ku Heyso

Soomaalida reer Mareykanka ah ee jooga Minneapolis magaalada Saint Paul ayaa beryahan soo gaaraan warar xun taasoo keentay in runta iyo beenta ay kala garan la'yihiin. Iyagoo dhexda uga jira sheekooyin ah caruurtoodii ooy la'yihiin iyo dagaallada Soomaaliya ka socda, ayaa qoysaska oo sidoodaba ah kuwa isku dhow dhow waxaa mashquuliyay faragelin iyo dhibaato soo dhex gashay kuwaasoo ka imaanaya sirdoonka Mareykanka iyo warbaahinta dalkaas oo daba dhigtay.


Saynab Xasan oo u shaqaysa Somali Community ka howl gasha magaalada St. Paul ayaa tiri, "Mar kastaa oo telivisionka ama raadiyaha dhageysato waxaan maqlaa caay ama war aan sax aheyn oo laga faafinayo soomaalida taasoo aan ka xumaado." Saynab oo dalka Mareykanka qaxootinimo ku tagtay 1980's kii ayaa sheegtay in dadka badankood ay is yiraahdaan waa in wax laga qabto arimahaas.

Waxaa dhacday 2008 dii in warbaahinta Mareykanku ay daba dhigteen dadka Soomalida ah siiba dhalinyarta iyagoo soo wariyay in caruur badan oo soomaali ah la waayay kuwaasoo kadibna lagu dhex arkay Soomaaliya gudiheeda iyagoo dagaal ku jira.

Wiil ay soo wariyeen warbaahinta Mareykanka ayaa ah wiil la yiraah Shirwac Axmed oo 26 jir ahaa isagoo sida la sheegay kowdii aaday Xajka. Shirwac ayaa Octobar 2008 ku geeriyoowday ismiidaamin waqooyiga Soomaaliya ka dhacday. Sidoo kale, kulaylahan ayaa Burhan Xassan iyo Jamal Bana lagu dilay Muqdisho kadib markii ay Minneapolis ka baxeen una safreen dhanka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan dagaalka ka socda halkaas. Sida wararku sheegeen, in ka badan 20 wiil ayaa la waayay labadii sano ee la soo dhaafay.

Lama oga waxa ku dhaliyay dhalinyarta inay safraan oo dagaal aadaan, laakiin sida warbaahintu shaaciso dhalinyartaas ayaa waxa soo jiita dad Soomaali ah oo u kaxeeya dagaallada dalkeena ka socda. Sidaa darteed, dowladda Mareykanka ayaa goobeysa inay cadeyso in dhalinyartaas maqnaanshahoodu ka dambeeyaan kooxaha dagaallada ka dhexwada Soomaaliya, siiba ururka Islaamiga ah ee Alshabaab.

Hase yeeshee, waxaa FBI-da ay odayaasha Soomaalidu u sheegaan inay tahay caqli gal in dhalinyartu ay u baxeen wadaninimo kadib markii Ethiopian-ku ku soo duuleen dalkoodii.

Waxaa ugu dhib badan oo saameyn wayn u geesata nolosha Soomaalida ku nool Minneapolis faragelintan dheeraadka ah ee poolisku ku hayaan. Waxa lagu hayaa sirdoon ku gaar ah oo Soomaalida kaliyah lagu wado taasoo had iyo goor ay ka cabanayaan reer Minneapolis. Waxaa u sii dheer iyadoo dadka Soomaalida ah si midab takoornimo ah loosoo xareeyo qaarkood, kadibna la weydiiyo su'aalo daran iyadoo aan lakala soocin dadkaas lana qabqabto dadka waxtarka u ah sida imaamyada iyo kuwa ku leh business-yada ugu waaweyn. Waxaa bishan lasoo xiray laba nin oo Soomaali ah oo lagu tebay dembi ah inay caawinaad u direen kooxo ay ku tilmaameen 'terrist group' ama argagixis taasoo noqotay xiridii ugu horeysay, balse dad kale oo badan maxkamad lagu soo wado.

Gabar Soomaali ah, Nimco Axmad oo iyadana u shaqaysa Somali Community ayaa sidoo kale tiri, "waxaa dhalinyarteena lagu tilmaamaa argagaxis sababtoo ah warbaahintu waxay sheegaan warkii ay u maleeyaan inuu dadka Mareykanka ah ka gadmi karo. Laakiin anaga ah kuwa wax qabadka wada ayaa ku dhiban arinkaa."

Sidoo kale, qoraa Soomaali ah oo ku nool Minneapolis magaciisuna yahay Mohamed Husein, ayaa intaa ku daray in caadkan shaki oo soo dulfuulay soomaalida Mareykanka yahay mid calaamad xun ku reebay dadkeena. Xasan ayaa dhowaan dhib dembi baaris ka yimid loogu geystay mar uu airport-ka Washington D.C ka soo degayay dhowaan isagoo ka yimid Kenya, waxuuna taa ka yiri, "waa nasiib darro dembi uu qalay qof shaqsi ah in lagu tuhmo dhamaan dadka wadanka qofkaas u dhashay."

Sida tirikoobka Minnesota sheegtay, waxaa ku nool Minnesota dad dhan 24 kun oo Soomaali ah, inkastoo ayba intaa ka badan yihiin haddii la tiriyo dadka aan tirikoobku arag. Balse, waxaan cusbayn isqabqabadka ka dhexeeya Soomaalidaas iyo booliiska maadaama ay weligeed jirtay dagaalo ka dhexeeya dhalinyarta Minnesota taasoo keentay in booliisku si soo noqnosho leh ula xariiro soomaalida. Waxaa dheer in waagii 2001-dii Sept. 11-kii kadib soomaalida toos loo abaaran jiray iyagoo ka mid ahaa dadka muslimka ee baarista goonida ah lagu waday.

Tooshka gaarka ah ee lala dul istaagay soomaalida Mareykanka ayaa si layaable ku dhalisay inay Soomaalidu dhexdooda is aamini waayaan. Waxaa wakaalada warfaafinta The Start Tribune ay dhowaan soo sheegtay kadib markii dowladdu baaris ku bilaawday imaamyo masaajid caan ah jooga, masaajidka Abubakar al-Saddique, ayaa qoysaska qaarkood ka fogaadeen masaajidkii oo dhan, iyagoo ka cabsi qaba in iyaga naftooda lala soo aado su'aalaha lagana shakiyo.

Inkastoo la buunbuuniyo cabsida laga qabo argagixisnimo aan jirin ee lagu tuhmo soomaalida Mareykanka degan, hadana waxaa wax garadka soomaaliyeed ee dalkaas ay farta ku fiiqaan in dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya iyo dhalinyarta aadda dagaalka ee ka haajira magaalooyinka Mareykanka ay arinkan ka dambeeyaan. Sidaa darteed waxaa dhacay in booliiskii uu si gooni ah dhalin yarta soomaaliyeed ula daba joogaan midabtakoor ay ku qabqabtaan kay arkaan iyagoo durboba baaris aan loo joogin geliya.



Waxaa qoraalkan laga soo tarjimay - Somali Americans Under Media Siege ee lagu soo daabacay New America Media website

-------------
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.