What you may have missed

Thursday, July 16, 2009

C/Raxmaan Ibraahim Macoow oo Beeniyey in Ciidamadiisii Ku Darsameen Xisbul Islaam

C/raxmaan Ibraahin Macoow. gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa TVUniversal u sheegay isagoo jooga magaalada Muqdisho inaysan waxba ka jirin in maamulkiisa burburay isla markaana ciidamadiisu ay ku wareegeen ururka Xisbul Islaam ee ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa waxaa intaasi raaciyey in run ahaantii ciidamada maamulkiisu ay sidoodii u joogaan isla markaana howlo amaanka lagu sugaayo ay ka wadaan haddatan la joogo magaalada beledweyne iyo wadooyinka waaweyn ee soo gala magaaladaas. Video-gan waa warbixin Universal TV ee warkaas ku saabsan.

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.