What you may have missed

Monday, July 20, 2009

Chi Hang oo 114 Dal Soo Maray oo Garoowe Laga Celiyay

Li Yu Chi Hang oo ah nin Chinese ah ayaa soo gaaray Garoowe kadib markuu baaskiil ku soo qaaday wadada isku xariirisa magaalada Hargeysa iyo magaalada Garoowe. Chi Hang ayaa isticmaalayay baaskiil taasoo keentay inay ku qaatay hal isbuuc socdaalka Hargeysa ilaa Garoowe. Ciidamada booliska ee Garoowe ayaa u diiday inuu gudaha u soo galo. Chi Hang ayaa sheegay inuu baaskiilka ku soo maray 114 dal taasoo ku qaadatay shantii sano ee lasoo dhaafay. Hase yeeshee, ciidamada Booliska ee Garoowe ayaa u diiday inuu dhex maro magaaladaas iyo deegaanada gobollada beri iyagoo yiri sharci darro ayuu ku soo galay iyagoo sheegay inay ka cabsoodeen in dhibatoyin dhanka amniga ninkaasi loo geysto. Chi Hang ayaa ka xumaaday inuu u heli waayay fursad uu ku dhex maro gebi ahaanba dalka Soomaaliya.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.