OOPS! - Attention Visitor - You Just Missed a new update
Please visit the Somchat.tk Front Page at least once! We promise! you will not be disappointed. Blog DirectoryWhat you may have missed
-
Album Heesaha Cusub ee Farxiyo Fiska 2011 iyo kuwa kale oo Videoya Leh ---- Waxaan Heesahan Soo gelineynay bogga Dhageyso Heesaha ee Somchat...
-
Dhageyso Heestan Ku Saabsan Dastuurka Cusub ee DKMG-da Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat Dhage...
-
SU'AALO & JAWAABO DIINI AH DIINTU WAA NASEEXO cilmi qaadasho Waa kanaa video-ga diiniga ah ee dhageyso su'aalaha. Fadlan waxii ...
-
Farxiyo Fiska waa fanaanad aad u cod macaan oo dhamaan dadka fanka xiiseeya ay amaanaan. Gabaddhan ayaa ah mid had iyo jeer soo saarta hees...
-
Heesaha Macaan Soomaalida dibadaha ku nool ayaa aad iyo aad u dhex galay dadkii reer galbeedka iyagoo isku taxaluja sida ay dhaqankooda u dh...
-
Gabartan 17 jir ah waa gabar degan magaalada London ee dalka Ingiriiska ahna gabar Soomaali ah. Sida ay sheegtay, waxay fanka kusoo biirtay...
-
Ma taqaan Mataano? Labo gabdhood oo ka yimid dalkeena ayaa cabsi geliyay suuqleyda ka shaqeysato soo saaridda dharka dumarka. Maxaa keenay?...
-
Over three days in a London studio, Keane and K'NAN created the hit "Stop For A Minute". The track is taking off in the UK, cl...
-
Fanaanadda Caanka ah ee sanadka 2010-2011 Farxiyo (farhia) Fiska oo Qaaday hees cusub la magac baxday 'DHAG DHAG' ayaad ka dhageysa...
-
Qoraagii heestii Qaylo Dhaan magaciisu ahaa Cabdi Shire Jaamac ayaa mar kale qoray hees wadani ah oo uu u bixiyay Kawaankii dadka. Kawaanki...
Tuesday, June 30, 2009
Dowladda oo Howlo Nabadgelyo ah ka Wada Meelaha ay Degantahay
Universal TV ayaa soo warisay: Waa general qeybdiid oo ka hadlay howlgalo ey sheegeyso dowladu iney ka fulin doono meelaha ey joogaan isagoo sheegay in baabuuurta muraayada madow laga mamnuucay meelaha qaar.
Monday, June 29, 2009
Ururka Kafaalo oo Dhalinyar u Qabtay Youth Camp: Biljim
Sh. Maxamad Idiris oo ka yimid dalka sacuudiga ayaa camp-kaas ka soo jeediyay muxaadaro diini ah. Daawo safarkii iyo dhacdooyinkii camp-kaas.
Waa Qaybtii 2-labaad
Waa Qaybtii 2-labaad
Waa Qaybtii 3-Seddexaad
Waa Qaybtii 2-labaad
Waa Qaybtii 2-labaad
Waa Qaybtii 3-Seddexaad
Shacabka maanta lala dhacay madaafiic iyo Hoobiye-yaal.
Duqaymaha loo isticmaalayay oo la isu adeegsaday hoobiya-yaal iyo qoryaha kale ee madaafiic culculus ah ayaa 11-kii barqanimo maanta ka bilaawday Muqdisho. Waxaa ku dhintay ilaa 5 qof waxaana ku dhaawacmay ilaa 7 qof. Universal TV ayaa gaartay guri markii labaad ku dhacayo hoobiye laba bil gadahood. Gurigaas ayaa ku dhintay nin indhaha la'aa gurigaas hortiisa tarjiin ku yaala fadhiyay. Markii hore oo isla gurigaan madfac ku dhaco ayaa ilaa afar qof ku dhimatay.
Shirkii Jaraa'id Madaxweyne Sh. Shariif Dhowaan Ku Qabtay Mataxtooyada
Waa Shirkii Dhowaan Sh. Shariif ku siiyay wargeysyada Madaxtooyada isagoo ka hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin in Soomaaliya ku soo duuleen argagixiso caalami ah oo aan ogoleyn in Soomaaliya iskeed u istaagto.
Sunday, June 28, 2009
Soomaalida S Africa Oo Is Dhex Gal La Sameeynaya Bulshada ay ku dhex nool yihiin
Deegaanka Kaylij ee magaalida Cape Town oo ah meel inta badan ka dhacaan dilalka ka dhanka ah Soomaalida ka ganacsata S.Africa ayaa waxaa soo baxaya talaabooyin Soomaalidu ay ku doonayaan inay isdhexgal kula sameeyaan bulshada Madoow ay ku dhex ganacsadaan. Ganacsate Soomaaliyeed ee halkaasi ka ganacsada ayaa gar gaar quudin ah u sameeyey caruurta eheledoodu faqriga nagaadiyay. Waa video warbixin naga soo gaartay S.Africa
Raashin Loo Qaybiyay Cuuryaamiinta
Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay ilaa 500 ooqoys oo ah Fuqaradii, cuuryaantii, iyo indhoole-yaashii reer Muqdisho. Raashinkan ayaa ah mid ka kooban Saliid iyo Ganleey oo gaaraya 600 loor iyo 600 oo Caag. Raashinka la qaybiyay ayaa ah mid ay soo dhiibeen Hey'ado Samafal ah ee degan Kuwait
Saturday, June 27, 2009
Meles Zenawi oo ka hadlaya Codsigii Ciidamada Gurmad ah
Meles Zenawi oo ka hadlaya codsigii dhowaan dowladda KMG ah ay ku dalbatay ciidamo gurmad ah in laga soo gaaro.
Maamulka Gobollada Waqooyi oo Diiday Casuumaada Mareykanka
Wasiirka Arimaha Dibadda ee gobolada Waqooyi ee la magacbaxay Soomaali-land ayaa ka waramay sababta keentay in maamulka Soomaali-land ay diiday inay ka qayb qaadato shir laga casuumay iyaga, puntland, iyo Soomaaliya kaasoo congress-ka Mareykanka qabanayeen.
Dowladda Mareykanka oo Siyaasad Cusub U Isticmaaleysa Arimaha Soomaliya
Warbixin ah Qaxootiga Nashville ee Dadkeena ah
Kan waa Barnaamij soo lago soo diyaariyay Npt oo ah Television ka soo baxa Nashville oo ah magaalo ku taala dalkaasi Mareykanka. Waa barnaamij ka hadlaya dadka qaxootiga ah - siiba kuwa Soomaalida - iyadoo caamirada lala daba kacay qoys Soomaali ah oo la wareysanayo. Waxa ay qoyskan ka hadleen safarkii ay ku yimaadeen dalka Mareykanka, xeryaha Qaxootiga ay soo mareen iyo xaaladihii ay ku sugnaayeen intii ay xeryahaas joogeen.
Maqaayada Muqdisha ee Isli - Nairobi ku taala
Warbixintaan waa mid ku saabsan Soomaalida degan Kenya oo nabad ku nool kana shaqaysta suuqyada Isli.
Dowladda Kenya oo Ciidamadeedu dhowaan geli doonaan dalkeena
Dowladda Kenya ayaa wada ololo ay ciidamadeeda ugu soo dirayso Soomaaliya. Waxaa kale oo dhanka Public Relations-ka ka caawinaya Dowladda Mareykanka oo uu u hadlayo safiirkooda u fadhiya Nairobi. Ciidamada militeriga Kenya ayaa la geliyey heegan ayagoo ay u socoto qudbaayin looga dhaadicinayo sababta keentay in Kenya ka dhex dagaalanto Soomaaliya. Kenya ayaa ku andacooneysa in Alshabaab ay dalkaasi nabad gelyadiisa ku tahay qatar sidaa darteedna ay xaq u leedahay inay si isdifaacid ah dagaal ugu qaado.
Mareykanka oo Xaqiijiyay Hub uu u Diray Dowladda KMG
Dowladda Mareykanka oo xaqiijisay inay Dowladda KMG ah u direen Hub Cusub. Hubkan ayaa ah mid ay U.S. ugu talagashay in lagu ilaaliyo Dowladda si aan loo afgambin. Afhayeenka u hadlay wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa sida Aljazeera soo duubtay xaqiijiyay jiritaanka hubka ay u direen Soomaaliya.
Friday, June 26, 2009
Yaa yiri Waa Qaxayaan Al-Qaacida?
Barnaamij ay soo bandhigtay BBC World Focus ayaa ah mid ka hadlaya ururka alqaida qax usoo galaya Soomaaliya. Al-Qaeda fleeing Pakistan for Somalia, Yemen ayuu cinwaankiisu ahaa Video-gan. Kan ayaa u eg mid American Propoganda ah laakiin bal adigu dhageyso oo sideed u aragtaa.
Ciidamado Keenyaati ah oo Kusoo Wajacan Dalkeena
Sida Television-ada Kenya sheegeen, waxaa dowladda Kenya ay gelisay 500 oo kun oo Ciidankooda militeriga waxa ay u yaqaanaan 'zulu alert' oo ah diyaar garoow ay isu diyaarinayaan inay ciidamada qaar loo geeyo Soomaaliya si nabad ilaalin ah iyagoo caawinaya Dowladda KMG ah taasoo dhowaan ka codsatay dalalka deriska inay usoo gurmadaan.
Faahfaahin xaalada Muqdisho 26/06/09
France24 Video faah faahinayaa Xaalada Muqdisho sida Alshabaab oo u dhaaratay wadamada deriska ah uguna hanjabay inay ciidamadii ay keenaan ku qaadan doonaan santuuqyo ayagoo mayd ah. Howlaha adag ee nabad sugidda Muqdisho iyo Soomaaliya ee heysata Madaxweyne Shariif, iyo Dadka reer Muqdisho ee ku barakac had iyo goor ku jira.
Waa sidee Xaaladda Suuqa Xamarweyne?
Suuqa Xamarweyne ayaa dhowaan dib u habeeyn lagu sameeyey oo hadda laga furay goobo ganacsi oo hor leh. Suuqa ayaa ganacsiga si xoowli ah u kala socotaa.
Dood Furan: Dhalinyarta Ka Qaybqaadato Dagaallada Dalka Ka Socda, Horta Ma Qaangaareen?
Waa NTV. Dhalinyarta Soomaalida ee dagaalka ku jira ayaa u eg kuwo da'doodu aad u yartahay, hase yeeshee lagu laynayo umadda Soomaaliyeed.
Anigu ma ahi nin soo fiir fiiriyay oo dagaalka si fool ka fool ah ugu dhex arkay. Laakiin fiidiyoow-yada webkaan ku jira badankood waxaad ka dhex arki kartaa dhalin yar da'doodu aad u yar tahay oo qoray ku culus ridaya. Waxaase is weydiin leh, marka hore ma qaan gaareen mana gartaan oo ma fahansanyihiin howsha ay ku dhex jiraan iyo saameynta ay beri iyaga naftooda ku yeelan karto mustaqbal kooda? Maxaad ka leedahay walaal?
Thursday, June 25, 2009
Mareykanka oo Kenya Ku Riixaya In Dowladda Ciidamo Ku Kaalmeeyaan
Wadanka Soomaaliya deriska la eh ee Kenya ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo abaabul siyaasadeed oo Mareykanku ku taageerayo inay ciidamada Kenya soo galaan gudaha Soomaaliya. Kenya ayaa ah meel dadka dagaallada Soomaaliya ku dhaawacmo daaweyn loogu geeyo. Ilaa 50 qof oo dhaawac ayaa shalay loo dhoofiyay Kenya, waa sida CitizenTV oo Kenya ka soo baxa sheegay. Video-gan ayaa ah mid sii faah faahinaya.
Xisbul Islam: Wadanka Ka ma jiro Xukuumad Sharci ah
Xisbul Islaam oo soo bandhigay bayaan qoraal ah ayaa saxaafadda Sh. C/lahi Sh. yusuf u aqriyay ku sheegay qodobka koowaad ee bayaankaas oo sheegaya in ay aqoon saneyn inay jirto dowlad sharci ah. Video-gan ayaa faah faahinaya sababta kentay in bayaankaan oo ururka Xisbul Islaam u soo bandhigo.
Dood Furan: Dhalinyarta Ka Qaybqaadato Dagaallada Dalka Ka Socda, Horta Ma Qaangaareen?
Faahfaahin Shirkii Jaraa'id Xasan Daahir Aweys uu Qabtay
Shir Jaraa'id Sh. Xasan Daahir Aweys dhowaan ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay Aljazeera Qaybta Carabiga.
Wednesday, June 24, 2009
What is Blog - Blogging? and Why Your Business Needs a Blog
Every business, regardless of its size, needs a blog. I know what you're thinking: 'But I have a professional image to uphold. How can a blog possibly attract new customers and how can it provide them with the information they need?' The answer is simple: A blog can be one of the most decisive public relations tools in your marketing and branding tool kit. Read on and I'll educate you on the basics of blogs.

What is a blog?
The term 'blog' is slang for 'web log.' Wikipedia defines a blog as 'a web site where entries are written in chronological order and are commonly displayed in reverse chronological order.' The word can also be used as a verb, meaning to maintain or add content to a blog. To get a feel for the wide use of blogs, consider the following: In September 2007, blog search engine Technorati tracked more than 106 million blogs. Some notable corporations that use blogs are HP, Google, Microsoft and ImageWorks Studio.
Myths and Facts
No doubt the last thing you need is a lecture on the latest Web 2.0 strategies. However, I should correct a few common misconceptions about blogs, as well as why web design companies use them as an effective method for reaching out to their audience.
Myths
In January 2007, Forrester released a research study centered on 'The ROI of Blogging - The 'Why' and 'How' Of External Blogging Accountability' by Charlene Li and Chloe Stromberg.
According to the study, some of the benefits of corporate blogging are: Greater brand visibility in mainstream media on the Web Word-of-mouth advertising Improved brand perception Instantaneous consumer feedback Increased sales efficiency Fewer customer service-driven PR blowups
The Outcome
Consumers are better educated today because of the vast amounts of information available on the Internet. Not only will a blog convey information to your target demographic faster and cheaper than traditional means, but when coupled with search engine benefits, brand visibility, and a value-based proposition, a blog should be an essential part of your marketing platform.

- Blogs are used only by teenagers.
- You need to spend many hours every day to maintain a blog.
- You need to know HTML and have other coding skills to blog.
- Blogs allow a company to control the editorial content of the web site while restricting/blocking users' comments.
- Blogs can be updated as often as you wish. But to make them more effective and valuable to your audience, update them often.
- Blogs require no knowledge of HTML or special coding. There are numerous blogging software packages on the market that are free.
- Blogs allow companies to quickly get information out to customers, unlike traditional communication methods.
- Blogs are an inexpensive way to effectively communicate and share information with your audience. Blogs comprise text and external links, making them search engine-friendly.
In January 2007, Forrester released a research study centered on 'The ROI of Blogging - The 'Why' and 'How' Of External Blogging Accountability' by Charlene Li and Chloe Stromberg.
According to the study, some of the benefits of corporate blogging are: Greater brand visibility in mainstream media on the Web Word-of-mouth advertising Improved brand perception Instantaneous consumer feedback Increased sales efficiency Fewer customer service-driven PR blowups
The Outcome
Consumers are better educated today because of the vast amounts of information available on the Internet. Not only will a blog convey information to your target demographic faster and cheaper than traditional means, but when coupled with search engine benefits, brand visibility, and a value-based proposition, a blog should be an essential part of your marketing platform.
Willalkii loo Soo Istaajiyay in Lug iyo Gacan Isdhaaf ah Laga Gooyo oo NTV laga Soo daayay
Dalalka Deriska oo Wada Abaabul Ciidamo Shisheeye lagu Keenayo Dalka
Telefishinka Kenya oo ku celcilaya abaabulka dowladda Kenya ay wado ee Soomaaliya loogu raadinayo ciidamo shisheeye.
Tuesday, June 23, 2009
Cumar Sharmarke oo Abaabul Ciidamo Gurmad Ka Wada Kenya
Ra'sulwasaaraha Kenya ayaa wada ololo ow ugu raadinaya Dowladda Soomaaliya ciidan iyo caawinaad xagga militeriga ah oo laga helo dalalka daneeya arimaha Soomaaliya si loo fuliyo codsigii dowladda KMG ee dhowaan ku codsadeen ciidamo gurmad ah. Ra'sulwasaaraha DKM Cumar Sharmarke ayaa haatan ku sugan dalka Kenya isagoo wada kulamo aan kala joogsi laheyn uu ciidamo ku raadinayo.
Al-Shabaab oo Xukun Gacan iyo Lug is-dhaaf in laga gooyo ku Riday ilaa Afar Dhalinyaro
Al-Shabaab ayaa maanta xukun gacan iyo lug is-dhaaf in laga gooyo ku riday ilaa afar dhalinyaro oo lagu soo eedeeyay falal burcadnimo oo ay ka wadeen xaafadaha magaalada Muqdisho. Video-gan waa mid lagu soo hor keenay dhalinyaradaas dadka degan Suuqa Xoolaha ee Muqdisho
Monday, June 22, 2009
Faah faahin Xaaladda Muqdisho iyo Dadkii oo Sii Qaxaya
War bixin dheeraad ah oo ka hadlaysa xaaladda Muqdisho iyo qaxootiga iska qaxaya iyagoon aqoon jiho ay qabtaan.
Daawo Video-ga Alshabaab oo soo bandhigtay dhalinyaro laga goynayo lug iyo gacan is dhaaf ah - New Video
Faahfaahin Marshal Law - Shirkii jaraa'id Madaxweyne Shariif ku dhawaaqay Marshal Law
Waa faahfaahin Aljazeera ka bixisay shirkii jaraaid oo uuu maanta ku qabtay madaxweynuhu villa somalia kaas oo u saxixay qorshihii wasiirada ee xaalada deg dega ah.
imbasadoorka Mareykanka ee Kenya oo Taageeray Codsiga Ciidamada Shisheeye
imbasadoorka mareykanka u fadhiya Kenya ayaa taageeray codsiga Dowladda KMG ah ay ku codsatay ciidamo shisheeye oo si deg deg ah ugu soo gurmada isagoo shir IGAD uu la galay ku boori geliyey inay diraan ciidamo caawiya Dowladda KMG ah. Imbaasadoorku waxa uu meesha ka saaray wax wadahadal ah oo diyaarado lagu weeraryo dalka Soomaaliya ah iyadoo dhowaan ay ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho Maraykanka ka codsadeen in kooxaha mucaaradka ah cirka laga soo weeraro. Sidoo kale Renneberger waxa uu ku andacooday in burcad badeedka aan xal loo heli karin ilaa dowladda Soomaaliya ay cagaheedu isku taagto.
Xaabsade oo Si Xanaagsan Afka ugala Diriraya Alshabaab Sharaxayna Codsiga Ciidamada Gurmadka ah
Wararkii Universal TV ee 21 June: Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha ee Dowladda KMG ah Maxamed Ibraahim Xaabsade oo Ka warbixiyey baahida keentay keenista Ciidamo shisheeye oo taakuleeya dowladda ayaa sheegay in ciidamo ajnabi ah oo safka hore kaga jira dagaalka Muqdisho yihiin kuwa sababay in la codsado ciidamada gurmadka ah. Asagoo si xanaagsan ayuu ku tilmaamay Alshabaab inaysan horna u socon gadaalna u socon asagoo weydiiyay sababta ay u keeneen dagaal-yahannada shisheeye.
Sunday, June 21, 2009
Dad aad u farabadan oo ka barakacaya xaafadahii dhowaan dagaallada ka dhaceen ee nawaaxiga Kaaraan
Barakacayaal tiro badan ayaa ka qaxaya xaafadaha ay isku dagaalayaan ciidamada Dowladda iyo Alshabaab iyo Xisbil Islaam oo isku garab ah. Dadka qaxaya ayaa aad iyo aad uga cabanaya dhibaatooyinka ay ku jiraan iyagoo aanan ogeyn meel ay aadaan heysanna dhaqaalo ay ku qaxaan iyadoo gaadiidka qaada qaxootigaas ay aad u qaaliyeeyay qiimaha dadka ay ku qaadayaan.
Somaalida Kenya maxey ka yiraahdeen in ciidamo shisheeye la keeno somalia
Microfoon lala dhexmaray dadka somalida kenya kadib markii ciidamada islaamiyiintu weeraro la beegsadeen dowladda. Aragtidooda halkaan ka daawo
Aadan Madoobe oo Codsaday Wadamada Deriska ah inay Gurmad Deg Deg ah La Soo Gaaraan Dowladda
Gudoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa baaq deg deg ah ugu diray dalalka dariska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti asagoo yiri dalka ayaa ku jira xaalad qatar ah lana rabo in labaabi'iyo, dadkeena, dalkeena iyo dowladdeena. Gudoomiyuhu waxa uu u cuskaday codsigaan sharci baarlamaanku ansixiyey 2006kii ee xukuumaddii Geedi soo bandhigtay sharci ku saabsan in la keeno ciidamo gurmad ah oo nabadda taakuleeya. Sharcigaas qodobkiisa 7-aad ayaa dhigaya in ciidamado dalka loo ogolaado inay soo galaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo xamaasad kacsan kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sharci baarlamaanku u ansixiyey xukuumaddii Geedi qorayo in haddii dowladda iyo dalkuba galaan xaalad qatar ah ay ka codsan karaan dalalka deriska ciidamo gurmad ah. Mar uu ka hadlay Alshabaab ayuu yiri waxay daroogo siiyaan caruurta kadibna dagaal geliyaan.
Mar la weydiiyay in dowladda weli diyaar u tahay in ay wadahadal la galaan kooxaha kasoo horjeeda, ayuu gudoomiyuhu ka muujiyay rajo xumo weyn taasoo uu ku eedeeyey in Alshabaab aysan ogoleyn wax maslaxad ah.
"Si wadahadalka meesha uga baxo, qofkii maslaxo ama dib u heshiisiin ogolaada waxay dheheen waa ridaaway"
Asagoo xanaag muujiyay ayuu Aadan Madoobe intaa raaciyay in kooxaha dagaalka kula jira dowladda KMG aysan lahayn, sida uu warka u dhigay, maskax ay maslaxad ku fahmaan ayagoo diidan dowladnimada.
" Qofkii dowlad ka mid noqda waxay yiraahdeen waa ridaaway...new gaalo weeyaan."
Mar uu ka hadlay dagaalyahannada Alshabaab ayuu sheegay in ay yihiin ilmo daroogo la siiyo oo lagu yiri janada ayaad ku jirtiin, haddii badda isku ridda la yiraahna isku tuuraya.
Hadalkan gudoomiyaha kasoo yeeraya ayaa ah markii ugu horeeysay ee masuul dowladda KMG ka mid Alshabaab ku eedeeyo inay dagaal yahanadooda isticmaalaan muqaadaraadka, balse looma hayo arinkaas wax cadeyn ah. Hase yeeshee, waxaa dowladda hadda ka hor soo bandhigeen dhalin yaro ay sheegeen inay ka soo fakiyeen ururka Alshabaab kuwaas oo loo waday in tababar la siiyo kadibna la geeyo goobaha dagaalka. Dhalinyartaas oo da'doodu aad u yareed ayaa ahaa kuwa tuulooyinka Alshabaab ka taliso, sida caruurtaas warbaahinta u sheegeen, laga soo qafaalay iyagoo qaarkood kubadda cagta dheelayey.
Si kastaba, waxaa Soomaaliya ku jirtaa xili aad u fool xun ahna goor dadka reer Muqdisho ay ku jiraan argagax saameyn ku yeeshay maalin nololeedkoodii ayagoo aanan garaneyn meel ay u qaxaan oo aan looga daba tegi karin.

Saturday, June 20, 2009
Faahfaahin Dagaallada Muqdisho
Dagaalka oo Sii qaraaray beryahaan ayaa sida Aljazeera soo sheegtay dowladdu codsatay in laga soo gaaro. Telivisionka Aljazeera ayaa aqrineysa erayo, sida ay warka u dhigeen, dowladdu ku eedeeneyso in dagaalyahannada mucaaradku hogaamiyo general Pakistaani ah.
Mareykanka oo Kenya Raba inay Ka Howl Geliyan Baddeena
RW Sharmarke oo Cambaareeyay Dilkii Cumar Xaashi
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeynaya Is qarxiskii dhowaan lagu dilay Wasiirkii Amniga ayaa ka jawaabay waxyaabaha laga dhaxli karo hadii rabshadaha iyo dagaallada ay joogsan waayaan, isagoo sheegay in gacanta wadanka u geli doonto nimanka Alqaacida loo yaqaan.
Nuur Cadde oo Oslow lagu Gudoonsiiyay Bilad Sharaf
Ra'iisal Wasaarahii Hore ee Dalka Soomaaliya ayaa dhowaan kulan kula qaatay Soomaalida Norway magaalada Oslow. Masawirradan waa Kuwii Kulankaas. Warkoo Faahfaahin dheer leh ka aqriso Dalkanews.com: Nuur Cadde oo Soomaalida Norway Gudoomiyeen... Sawiradda Halkaan ka Fiirso
Ma Runbaa in la Gowracay Ing. Cadoow?
Inj. Maxamad Xuseen Cadoow oo ahaa xillibaan ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa war lagu soo qoray waagacusub.com sheegayaa in lagu gowracay degmada kaaraan kadib markii aay nolol ku qabteen dagaalyahanada Alshabaab. Sida warku u qornaa, waxaa indhihiisa shanta ah ku dhigay wariye la shaqaeeya website-ka waagacusub.com iyadoo qoortiisa middi lagu gooynayo xillibaankaas.
Degmada kaaraan ayaa dagaal qaraar ku dhexmaray ciidamadda dowladda oo ay horkacayeen kuwa Indhacadde iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda. Dagaalkaas oo la isku weydaarsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa sida warkan waagacusub soo qoray kasoo baxay u eg mid aan cadownimo la isku reeban iyadoo la is gowracayo. Warkaas halkaan ka aqriso. Alshabaab oo Goowracday Xildhibaan Inj Cadoow
UPDATE: Xigashada warkan hoos waa dayniile.com
Xildhibaan Eng. Xuseen Maxamed Caddow oo ka tirsanaa xildhibaanadii ugu horeeyey ee dowladda federaalka KMG Soomaaliya ayaa caawa u geeriyooday Gowrac la sheegay inay u geysteen kooxda Al Shabaab ee dagaalka kala horjeeda dowladda Shariif Sheikh Axmed.
Geerida xildhibaanka oo ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xafiiska madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa la tilmaamay inay ka dambeysay kadib markii uu gacanta u galay kooxda Shabaab, kadibna ay Bireeyeen, sida ay xaqiijinayaan illo madax banana iyo saraakiil ku dhow dhow isaga.
Xildhibaanka ayaa ka mid noqday sanadii 2004 musharaxiin dhowr ah oo isu soo taagay jagamadii madaxtinimada Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa inuu yahay mid ka mid ah xildhibaanada ugu caasan kuwa dowladda federaalka uguna horeeyey.
Eng. Caddow ayaa noqonaya mas’uulkii afaraad ee78 saacadood gudahood ay dilaan kooxaha mucaaridka ee ka horjeeda dowladda, iyadoo maalinimadii dorraad uu Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Cali Siciid, halka shalayna lagu dilay B/weyne Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xashi Aadan iyo C/kariin Faarax Laqanyo.
Maxamed Xuseen Ugaas
Ugaasyare114@gmail.com
Guddi cusub oo ah Maxkamad Ilaalisa Dhaqanka Askarta Dowlada oo Cumar Xaashi Ka Mid ahaa
Madaxweyne Shariif oo Shir-jaraaid Muqdisho ku qabtay kana hadlay dilkii Cumar Xaashi ayaa sheegay in dhulka Soomaliya lagu soo duulay oo dad ajaanib ah oo dhibaato u keenaya dalkeena ay ku soo duuleen. Waxa kale uu sheegay Sh. Shariif in maxkamad u sameeyeen ciidamada qalabka sida si looga ilaaliyo qaladaadka ay ku kacayaan. Maxkamaddaas ayaa waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee Wasiirkii amniga. Daawo faahfaahinta oo dhan.
Faahfaahin af-carabi ah dagaallada maalmahan iyo dilkii Cumar Xaashi
Wariye Cumar Maxamuud oo Aljazeera usoo diyaaray warbixin ku saabsan xaaladda Muqdisho iyo sida dagaallada u saameeyeen dadka reer Muqdisho.Aljazeera
Friday, June 19, 2009
Faahfaaahin Qaraxii lagu Dilay Cumar Xaashi
Qaraxii is miidaaminta ee lagu dilay Wasiirkii Amniga Cumar Xaashi ayaa isla markii uu dhacay ayaa waxaa ciidamada maxkamadaha ee Beledweyne ayaa isla markiiba sheegtay Alshabaab, waxaa Qaraxaas cambaareeyey, Gudoomiyaha Maamulka Maxkamada Islaamiga ee Gobolka Hiiraan Cabdirixmaan Ibraahim Macow oo ku tilmaamay Musiibo asagoo u tacsiyeeyey shacabka Soomaliyeed.
Faah faahin dagaalka Muqdisho ee labadii beri lasoo dhaafay
Faah faahin Dagaalka Muqdisho ah oo laga soo daayay tv-ga Aljazeera. Waxaa ka dhex maqli kartaa madaafiicda la isku garaacayo adigoo arkaya hubka nuucyadiisa kala duwan ee lagu laaynayo shacabka reer Muqdisho. Aan is weydiinee, saanu ma noo xalbaa?
Fadeexo ku Cadaatay WFP oo iibsatay Caawinaadii Qaxootiga
Markaan dhowaan maqalnay in la iibinayo cuntadii caawinaadda ahayd oo dadka u baahan loo keenay, ayaan badankeen u maleeynay in dadkana gedaya cuntada yihiin kooxo xoog kula soo wareegay oo kadibna suuqa geynaya. Balse, waxaa video-gan ka cad inay WFP-da nafteedu tahay kuwa gediya cuntadaas. Masaakiinta qaxootiga Soomaalida ah dhinac kasta ayaa laga soo galey oo xataa dadkii waan caawinaynaa kusoo xareynayay caawinaadda ayaaba dhacaya. Channal4 News ayaa soo diyaarisay barnaamijkan waana mid fadeexeeyay WFP qaybta Soomaaliya ka shaqaysa.
Cuntada la iibsanayo ayaa ah mid ay u baahanyihiin 400,000 oo qaxooti ah. In kastoo cuntada suuqyada lagu gedayo, dadka barakacsan maba heystaan waxay iyagu karsadaan. Waxaad video-gan ka arki kartaa dad karsanaya caleemo si cunto ahaan ah u karsanaya. Balse, dad Soomaali isku sheegaya ayaa dadkaas dhibka heysta ka faa'iidaysanaya.
Xujada ay WFP dadkoodu ku murmayaan ayaa ah inay lacagta ay ku iibiyaan cuntada qaarkeed ku bixiyaan ilaalada cuntada caawinaada ah. Balse taasi waa been, maxaa yeelay, soo ma aha inay hadii ay jirto arrintaas soo ma ahayn inay sharciyeeyaan oo ay ka dhigaan wax policy ah, si lacago gaar ah ooo arintaas quseeya loo siiyo.

Subscribe to:
Posts (Atom)