What you may have missed

Monday, June 22, 2009

imbasadoorka Mareykanka ee Kenya oo Taageeray Codsiga Ciidamada Shisheeye

imbasadoorka mareykanka u fadhiya Kenya ayaa taageeray codsiga Dowladda KMG ah ay ku codsatay ciidamo shisheeye oo si deg deg ah ugu soo gurmada isagoo shir IGAD uu la galay ku boori geliyey inay diraan ciidamo caawiya Dowladda KMG ah. Imbaasadoorku waxa uu meesha ka saaray wax wadahadal ah oo diyaarado lagu weeraryo dalka Soomaaliya ah iyadoo dhowaan ay ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho Maraykanka ka codsadeen in kooxaha mucaaradka ah cirka laga soo weeraro. Sidoo kale Renneberger waxa uu ku andacooday in burcad badeedka aan xal loo heli karin ilaa dowladda Soomaaliya ay cagaheedu isku taagto.




No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.