Gudoomiyaha Baarlamaanka oo xamaasad kacsan kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sharci baarlamaanku u ansixiyey xukuumaddii Geedi qorayo in haddii dowladda iyo dalkuba galaan xaalad qatar ah ay ka codsan karaan dalalka deriska ciidamo gurmad ah. Mar uu ka hadlay Alshabaab ayuu yiri waxay daroogo siiyaan caruurta kadibna dagaal geliyaan.
Mar la weydiiyay in dowladda weli diyaar u tahay in ay wadahadal la galaan kooxaha kasoo horjeeda, ayuu gudoomiyuhu ka muujiyay rajo xumo weyn taasoo uu ku eedeeyey in Alshabaab aysan ogoleyn wax maslaxad ah.
"Si wadahadalka meesha uga baxo, qofkii maslaxo ama dib u heshiisiin ogolaada waxay dheheen waa ridaaway"
Asagoo xanaag muujiyay ayuu Aadan Madoobe intaa raaciyay in kooxaha dagaalka kula jira dowladda KMG aysan lahayn, sida uu warka u dhigay, maskax ay maslaxad ku fahmaan ayagoo diidan dowladnimada.
" Qofkii dowlad ka mid noqda waxay yiraahdeen waa ridaaway...new gaalo weeyaan."
Mar uu ka hadlay dagaalyahannada Alshabaab ayuu sheegay in ay yihiin ilmo daroogo la siiyo oo lagu yiri janada ayaad ku jirtiin, haddii badda isku ridda la yiraahna isku tuuraya.
Hadalkan gudoomiyaha kasoo yeeraya ayaa ah markii ugu horeeysay ee masuul dowladda KMG ka mid Alshabaab ku eedeeyo inay dagaal yahanadooda isticmaalaan muqaadaraadka, balse looma hayo arinkaas wax cadeyn ah. Hase yeeshee, waxaa dowladda hadda ka hor soo bandhigeen dhalin yaro ay sheegeen inay ka soo fakiyeen ururka Alshabaab kuwaas oo loo waday in tababar la siiyo kadibna la geeyo goobaha dagaalka. Dhalinyartaas oo da'doodu aad u yareed ayaa ahaa kuwa tuulooyinka Alshabaab ka taliso, sida caruurtaas warbaahinta u sheegeen, laga soo qafaalay iyagoo qaarkood kubadda cagta dheelayey.
Si kastaba, waxaa Soomaaliya ku jirtaa xili aad u fool xun ahna goor dadka reer Muqdisho ay ku jiraan argagax saameyn ku yeeshay maalin nololeedkoodii ayagoo aanan garaneyn meel ay u qaxaan oo aan looga daba tegi karin.
hahahha kkkkk. war ninku ma comedian baa mise waa nin argagaxsan? qosol gariir sxb alshabaab waligey isma dhihin waa daroogeysanyihiin laakiin maanta war cusub ayaa soo baxay.
ReplyDeleteKKKKKKKKK SHEYDAN ADAM MADOOBE SIDII RI' LA QALAYA OO KALE AYUU U QEYLIYAY,,YAA KU GAARAY DHEH
ReplyDeleteKKKKKKKKK SHEYDAN ADAM MADOOBE SIDII RI' LA QALAYAY OO KALE AYUU U QEYLIYAY,,YAA KU GAARAY DHEH
ReplyDelete