What you may have missed

Saturday, June 20, 2009

Ma Runbaa in la Gowracay Ing. Cadoow?


Inj. Maxamad Xuseen Cadoow oo ahaa xillibaan ka tirsan Dowladda KMG ah ayaa war lagu soo qoray waagacusub.com sheegayaa in lagu gowracay degmada kaaraan kadib markii aay nolol ku qabteen dagaalyahanada Alshabaab. Sida warku u qornaa, waxaa indhihiisa shanta ah ku dhigay wariye la shaqaeeya website-ka waagacusub.com iyadoo qoortiisa middi lagu gooynayo xillibaankaas.
Degmada kaaraan ayaa dagaal qaraar ku dhexmaray ciidamadda dowladda oo ay horkacayeen kuwa Indhacadde iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda. Dagaalkaas oo la isku weydaarsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa sida warkan waagacusub soo qoray kasoo baxay u eg mid aan cadownimo la isku reeban iyadoo la is gowracayo. Warkaas halkaan ka aqriso. Alshabaab oo Goowracday Xildhibaan Inj Cadoow

UPDATE: Xigashada warkan hoos waa dayniile.com

Xildhibaan Eng. Xuseen Maxamed Caddow oo ka tirsanaa xildhibaanadii ugu horeeyey ee dowladda federaalka KMG Soomaaliya ayaa caawa u geeriyooday Gowrac la sheegay inay u geysteen kooxda Al Shabaab ee dagaalka kala horjeeda dowladda Shariif Sheikh Axmed.

Geerida xildhibaanka oo ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xafiiska madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa la tilmaamay inay ka dambeysay kadib markii uu gacanta u galay kooxda Shabaab, kadibna ay Bireeyeen, sida ay xaqiijinayaan illo madax banana iyo saraakiil ku dhow dhow isaga.

Xildhibaanka ayaa ka mid noqday sanadii 2004 musharaxiin dhowr ah oo isu soo taagay jagamadii madaxtinimada Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa inuu yahay mid ka mid ah xildhibaanada ugu caasan kuwa dowladda federaalka uguna horeeyey.

Eng. Caddow ayaa noqonaya mas’uulkii afaraad ee78 saacadood gudahood ay dilaan kooxaha mucaaridka ee ka horjeeda dowladda, iyadoo maalinimadii dorraad uu Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Cali Siciid, halka shalayna lagu dilay B/weyne Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xashi Aadan iyo C/kariin Faarax Laqanyo.

Maxamed Xuseen Ugaas

Ugaasyare114@gmail.com


No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.