What you may have missed

Saturday, June 27, 2009

Dowladda Kenya oo Ciidamadeedu dhowaan geli doonaan dalkeena

Dowladda Kenya ayaa wada ololo ay ciidamadeeda ugu soo dirayso Soomaaliya. Waxaa kale oo dhanka Public Relations-ka ka caawinaya Dowladda Mareykanka oo uu u hadlayo safiirkooda u fadhiya Nairobi. Ciidamada militeriga Kenya ayaa la geliyey heegan ayagoo ay u socoto qudbaayin looga dhaadicinayo sababta keentay in Kenya ka dhex dagaalanto Soomaaliya. Kenya ayaa ku andacooneysa in Alshabaab ay dalkaasi nabad gelyadiisa ku tahay qatar sidaa darteedna ay xaq u leedahay inay si isdifaacid ah dagaal ugu qaado.




1 comment:

  1. TO AXMED

    walal ragaanu waa iska booto warkoodu marka waxba u arkin. Kuwa laga cabsoonayo inay soo laabtaan waa itoobiyaanka

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.