What you may have missed

Monday, March 29, 2010

Muuqaalkii kulankii Mudullood iyo Isu Soo baxii

Daawo Sawirrada Kulankii Mudulood iyo Isku Soo bixii



Courtesy of http://www.Dalkanews.com

Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Abaabulka dagaal ee ASWJ ha hoos yimaado DKMG-da Si garab Cusub oo Dagaal usoo degin Caasimadda

Warar ayaa sheegaya in ASWJ garabka Muqdisho waddo abaabul ay ciidamo ku uruurinayaan Muqdisho kuwaasoo raba inay ka aarsadaan Alshabaab kadib markii la faagay qabriyo ku yaala caasimadda. Maxaan ka qabaa arinkaas?


Marka hore, aniga waxaan aamin sanahay in qofkii laga gardaran yahay gartiisa la siiyaa. Su'aasha waa sidee gar ama xaal loo heli karaa iyadoon qori la qaadan?

Maanta xaalka Soomaaliya ku sugan yahay waan la soconaa. Dagaal, isqaarijis, barakicin iyo madfac isku gumaad ayaa ka mid waxyaalaha dadka ku soo dhaca markii caasimadda laga hadlo. Qabuuro faagistu waa wax dadkeena (iyo caalamka Islaamkaba) ku cusub. Ma aha wax lagu yaqaan dadka isku sheega Muslimiinta ee waa ficilka xawayaanku ku kacaan. Sidaa darteedna ninkii Aabihii lafahiisii lasoo faago, waa inuu yur ka yiraahdaa xayawaankii faagay oo ood ku wareejiyaa qabrigaas. Marka maanta oodii ayaa isku bedeshay weerar dagaal maadaama ay dad waalani qodeen qabriyadii oo lafaha keyd ku guranayaan.

Dagaalka ASWJ ay leeyihiin waa abaabuleynaa muqdisho ayaana ka dagaalamaynaa waa mid aniga ila roon in ay joojiyaan. Maxaa yeelay, Muqdisho uma baahna koox cusub ee dagaal. Waxaa horey u jira Xisbul Islaam, Alshabaab, AMISOM iyo Dowladda. Shacabka reer Muqdisho ma u adkeysan karaan inay koox hor leh afartaas geesood kusoo biiraan oo iyaga dhinac ka degaan magaalada.

Waxaan kula talin lahaa garabka dowladda inay la wareegaan dhamaan abaabulka ASWJ Muqdisho ka waddo kadibna u yeelaan magac dowladeed si dagaalka garabkaasi qaado u noqdo mid sharciyaysan oo dowladda hoos yimaadda.

Ma laha wax isweydiin ah in hadii abaabulka aswj la shariyeeyo noqon karo mid leh waxtar wanaagsan kasoo shacabka reer Muqdisho ee ka daalay gumaadka kooxaha mucaaradku ay ka qayb qaadan karaan.




Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Nimco Dareen - Heestii Cusub - Heestii Ax


Heestii AX-Nimco Dareen
Erayada iyo Laxanka Mustafa Kiiko, Music by Bashiir Hanuuniye, Camera Maxamed Shariif, Editor and produced by Abuukar Mahdi Heestii Ax ee Nimo Dareen. Iyo Mid Jamaican ah oo Ka Dhex Qaylinaya Heesta Haleynaya - Maxuu ka dhex sameynaa heesta codkeeda ayaa maqal macaan leh.

in reference to: Somali Chat and Blog (view on Google Sidewiki)

Ha Moogaan Somali News and Blogs oo Kuu Heysa Heeso Xul ah

Waxaa idiin soo gudbineynaa heeso aan isku soo aruurinay waxaadna ka dhageysan kartaa bogga Heesaha ee Somali News and Blogs (Somchat.com)





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Sunday, March 28, 2010

Waving Flag: Young Artists For Haiti - Fifty Plus Young Canadian Artists sing K'naan's Inspirational Song


In ka badan 50 fanaan oo Canadian ah ayaa isla qaaday heesta Waving Flag oo dib u habeen lagu sameeyay taasoo loo qaaday in lacag loogu aruuriyo dadka dhibaatada kasoo gaartay dhulgariirkii dhowaan ka dhacay dalka Haiti. Heestan ayaa waxaa Youtubeka ka daawaday dad ka badan 1,332,414. Heestan ayaa Radio-yada iyo Televisionada Musica aduunka si isdaba joog ah uga socota. Bal hadaadan video-geeda weli arkin, halkaan ka daawo!





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Friday, March 26, 2010

Barack Obama's Twitter Account Hacked! FBI Arrest 25 Year French Hacker

French police have arrested a hacker who sabotaged the account of US President Barack Obama in one of his attacks on the Twitter online social network, a police source said Wednesday. The unemployed 25-year-old, who used the pseudonym "Hacker Croll", was arrested in the Puy-de-Dome region of central France after an operation conducted jointly with US agents from the FBI that lasted several months.

in reference to: Twitter hacker arrested after French-US operation: police (view on Google Sidewiki)

Watch George Bush Wipe His Hands on Bill Clinton's Shirt after Shaking Hands with Haitian Refugees

During their first joint visit to Haiti this week, George W. Bush appears to have wiped his hand on Bill Clinton's shirt after shaking hands with a crowd of Haitians.

If that is what happened -- Breitbart.TV first raised the question after seeing the video below -- it builds on Barack Obama's story of Bush's compulsive need for hand sanitizer. But whatever Bush's reason, it looks pretty bad. Click on the link below

in reference to: Twitter hacker arrested after French-US operation: police (view on Google Sidewiki)

Watch George Bush Wipe His Hands on Bill Clinton's Shirt after Shaking Hands with Haitian Refugees

During their first joint visit to Haiti this week, George W. Bush appears to have wiped his hand on Bill Clinton's shirt after shaking hands with a crowd of Haitians.

If that is what happened -- Breitbart.TV first raised the question after seeing the video below -- it builds on Barack Obama's story of Bush's compulsive need for hand sanitizer. But whatever Bush's reason, it looks pretty bad. Click on the link below

in reference to:

"During their first joint visit to Haiti this week, George W. Bush appears to have wiped his hand on Bill Clinton's shirt after shaking hands with a crowd of Haitians. If that is what happened -- Breitbart.TV first raised the question after seeing the video below -- it builds on Barack Obama's story of Bush's compulsive need for hand sanitizer. But whatever Bush's reason, it looks pretty bad."
- George W. Bush Wipes Hand On Bill Clinton's Shirt After Shaking Hands With Haitians (VIDEO) (view on Google Sidewiki)

Wednesday, March 24, 2010

Faroole oo Inkiray in dowladda Puntland ay lug ku leedahay Burcadbadeedka

Faroole oo gaaray boosaase ee gobolka bari ayaa shir jaraa'id ku sheegay in U.N to been ka sheegtay dowladiisa markay report cusub ku sheegtay in isaga iyo xubno ka tirsan dowladiisa ay shirko la yihiin burcad badeedda. Daawo video universal tv

in reference to: WaaTV.com Video: somali - WaaTV - Search New Videos (view on Google Sidewiki)

Website-yada <a href="http://abiso.net">abiso.net</a>, <a href="http://somalimirror.com">somalimirror.com</a> and <a href="http://cadaalada.com">cadaalada.com</a> and <a href="http://halgan.net">halgan.net</a> oo La Sheegay inay Xiriir La Leeyihiin Xisbul Islaam

Report Internetka lala meermeerayo oo la sheegay in ururada mucaaradka isticmaalaan Internetka si ay u maal geliyaan dagaalada ay ka wadaan Soomaaliya ayaa shabakadda wararka ee Somalimirror la sheegay inay ka mid tahay kuwa xiriir qarsoodi ah la leedahay ururka Xisbul Islaam. Ka aqriso linkiga hoose reportigaas.

in reference to:

"abiso.net, somalimirror.com and cadaalada.com and halgan.net."
- Somali rebels join forces in cyberspace: U.N. report | CY.TALK News Blog (view on Google Sidewiki)

Professor Tariq Ramadan oo Ka Qaylisiiyay ayda Ayaan xirsi Loo Yaqaano

Gabar waalan oo loo yaqaan Ayaan Xirsi oo ilaahay imaanka ka qaaday ayaa dhowaan dood furan la gashay Taariq Ramadan oo ah Proffessor ka dhiga Oxford University ahna nin Muslim ah. CNN ayaa dhexdhexaadineysay. Daawo doodan.
Ayaan Xirsi iyo Taariq Ramadaan - Dood Dhexmartay- waatv.com






Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Monday, March 22, 2010

Warbixin dheer oo Ku Saabsan Ardaydeedana wax ka barata Jaamacadaha dalka India.

Barnaamij uu soo diyaariyay Axmed Cabdiwali oo jooga dalka India ayaan halkaan idinkaga soo gudbineynaa. Fadlan hoos ka daawo bogga WaaTV.com oo ay wargelintaan dheer ka dhegan tahay.

in reference to: http://www.waatv.com//0/tag/ardayda+soomaalidaa.html (view on Google Sidewiki)

WaaTV.com Video: somali - WaaTV - Search New Videos

Fanaaniinta Reer London
Anagaa iskalee ololinta nooga daa waa mirihii abwaan C/raxmaan Sheekh Axmed Gaas (shiikhaal) Fanaaniinta Jooqle, Gaadaco Jihaan, Nimco dareen, Faysal iyo Orteego London, UK Soosaaristii C/naasir Cirro
Dhulkeena Inagaa Iska Leh - Waatv Search New Videos





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

250 Thousand Somalis live in Britian? And Most of them want Paul and Rachel Chandler Released!

Somali TV presenter tells BBC about his phone-in for Chandlers. The Somali community in England want the captives released immediately and This interview makes clear their intension. Here is the Interview with TV presenter.

in reference to: http://www.waatv.com//0/video/somali/Df-0Sjrx984.html (view on Google Sidewiki)

Thursday, March 18, 2010

Wasaaradda Garsoorka oo muujisay in Dowladdu dadkeena Ku Dhaqeyso Shareecada


Inkastoo kooxaha mucaaradka ay markastaa ku celceliyaan in dowladda KMG ah ay shareecada islaamka si xuub saar ah u ansixisay oo ayna ku talo gelin inay dadka ku dhaqdo, hadana waxaa jira dhaqdhaqaaqyo badan oo ay dowladu, siiba wasaarada cadaaladda iyo garsoorku, ay ku muujinayaan in dowladdu shareecada Islaamka ku dhaqankeedu dhab ka tahay. Maxaa ka mid ah waxyaalaha cadeynaya ujeedada dhabta ee DKMG ah ka leedahay ansixintii shareecada Islaamka?




Dhowaan ayaa waxaa waxaa dhoola tus ama shir ay qabatay wasaaradda cadaaladu ay kaga hadashay hoolalka maxkamadda oo ay fureen kuwaasoo ah kuwo dadka loogu garsoorayo iyagoo lagu kala bixnayo looguna garsoorayo shareecada Islaamka. Video warbixin ah oo ay UniversaltV ka soo diyaarisay shirkaas hoos ka daawo halkaan.

Hoolal loo furay Maxkamadda Ku dhaqanka Shareecada islaamka ee Soomaaliya

Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Wednesday, March 17, 2010

Racism the Biggest Problem in Melbourne Australia. Racist Police Consistently Assult Young Africans.


Ever wonder what Racist Police do when they have nothing else to keep them busy? Racist Police harass, taunt, assault, call names, bash, African youth. This is the case in Melbourne Australia, according to internal investigative reports. Here is the story of in detail about what happened in Melbourne Australia and how African youth there have been racially targeted, taunted and bashed by police across Melbourne.


African youths have been racially targeted, taunted and bashed by police across Melbourne, according to an explosive and scathing report, as Victoria's police struggle to regain pubic confidence after a series of attacks on Indian students.

Victoria Police officers are accused of labelling young African men "monkey" and "black c***", taking photographs of them gathered on the streets for intelligence purposes. In one case, police took off their uniforms to bash black men in a public park.

Police routinely target young Africans by repeatedly arresting and questioning them about crimes, the report by a legal service says, and demand youths give their names and addresses to officers several times each day.

When young Africans complain, front-line officers increase random searches and questioning, the report says. Written by the Springvale Monash Legal Service, the report focuses on Melbourne suburbs with high African populations - Flemington, Dandenong and Braybrook..... http://www.sbs.com.au/news/article/1215017/'Racist-police'-targeted-Africans Police racially abusing African youths: report - POLICE across Melbourne are racially taunting young Africans, with some calling them ''monkey'' and ''black c---'', an explosive report claims.

People interviewed about police treatment of young Africans in Flemington, the City of Greater Dandenong and Braybrook said police were becoming increasingly aggressive towards youths of African background while complaints against police were routinely ignored. The project was funded by the Legal Services Board in 2008 and managed by three community legal centres.

Helen Yandell, director of the Springvale Monash Legal Service, said police were unfairly targeting young African people, using phrases such as ''monkey'' and ''black c---'' and overusing their new stop-and-search powers. ''Almost every single young person we spoke to reported being asked to give police their name and address several times in a single day. For some, this was a regular occurrence..... http://www.theage.com.au/victoria/police-racially-abusing-african-youths-report-20100315-q9n7.html Victoria's chief police officer has conceded there is racism in the force as a damning legal report accuses some police of targeting and bashing African youth in Melbourne. Chief Commissioner Simon Overland said while most of his officers were fair and honest citizens, there were bound to be some who harboured racist views.

Somali wins $70,000 compo for police 'assault' - A 22-YEAR-OLD Somali man has received more than $70,000 in compensation over his claim that he was the victim of a police assault and malicious prosecution. The Age has learnt that the payment to Ahmed Dini was part of an out-of-court settlement that the police force agreed to last month after a civil case for assault against two officers and the state was taken to the County Court. The incident happened on February 14, 2007 at Flemington police station. Mr Dini, from Flemington, was 18. He complained a police officer ran up to him and hit him in the mouth with a torch, while he was handcuffed, smashing some of his teeth.

Another civil case has been lodged in the County Court by three African men against the police over assault claims in which one, a 19-year-old, lost part of the sight in one eye. The claim is for assault and false imprisonment against eight policemen who were based at Moonee Ponds police station at the time of an incident on February 24, 2007. The men, two of whom were under 18, were taken to the police station where one man claimed he had a torch slammed into his face, striking his eye. A complaint was made to the Office of Police Integrity. It was referred to the police and was dismissed.

Here is another report: Victoria's chief police officer has conceded there is racism in the force as a damning legal report accuses some police of targeting and bashing African youth in Melbourne.

Chief Commissioner Simon Overland said while most of his officers were fair and honest citizens, there were bound to be some who harboured racist views..... like the general population, we will have some people in our organisation who hold racist attitudes and behave in racist ways..." (We'll take action against racist police - The Age, March 16) In other words, MELBOURNE, Victoria IS a racist community as is Australia generally. Just ask any black indigenous native Australian, uhh..... But it also exposes Australian police forces as white supremacist institutions with the tacit support of government + the state judiciary - legalists + bureaucrats maintaining their own imperatives.....
Watch Racist Police In Melbourne Australia WaaTV.com Video: somali - WaaTV - Search New Videos

Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Somalida London oo Laga horkeenay Poolis Soomaali u dhalatay

Waxaa beryahan ku soo biiray jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer London, U.K waxyaalo horey loo arag oo ah in dad iyaga u dhashay ay noqdeen pooliiska magaaladaas. Aqriso warkaan Riix hoos.

in reference to: http://www.somchat.com/2010/03/dowladda-hoose-ee-london-uk-oo.html (view on Google Sidewiki)

Dowladda Hoose ee London U.K oo Shaqaaleysa Soomaali Poolis ah.



Ma ogtahay in si loola dhaqmo shacabka Soomaalida ah deganna magaalada London, la bilaabay in la liis geliyo Soomaali farabadan si loogu daro askarta booliska magaalada London? Ma ah wax layaab ah in Soomaalidu galaan meel kasta oo quud ugu jiro, hase yeeshee waxaa tixyeel leh in dowladda dhexe ee London ay go'aan ku gaartay in dad soomaali ah laga dhigo boolis si ay u edbiyaan dhalinyarta soomaalida gangisterada ah iyadoo dowladaasi iska dhowreeso in la yiraahdo racistinimo ayay u dhaqmaan dadkeena.








Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Yaabka Alshabaab. Waayaha Cusub. Hees ay u qaadayaan Alshabaab

Heestan cusub oo dhowaan Waayaha Cusub soo saareen ayaa ah mid ay ku dhaleeceynayaan ururka Alshabaab oo ka dagaalama dalka. Heestan waxaad ka daawan kartaa bogga hoos ku xusan.

in reference to: http://www.waatv.com//0/video/LF4IE2peMzU/LF4IE2peMzU.html (view on Google Sidewiki)

Kooxda Waayaha Cusub oo Hees Cusub u Qaaday Alshabaab

Kooxda heesa ee Waayaha Cusub ayaa dhowaan soo saaray video heeso cusub oo ay u qaadayaan ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya. Heestan la magac baxday No To Alshabaab ayaa ah mid ay ku dhaleeceenayaan Alshabaab iyagoo aan waxna u reeban. Halkaan ka daawo heesta. Riix hoos Ref: linkiga oo daawo video-gan cusub

in reference to: http://www.waatv.com//0/video/XoytzriWWfY/XoytzriWWfY.html (view on Google Sidewiki)

Tuesday, March 16, 2010

Somchat.com Heesaha Cusub Dhageyso - Laga Soo Jiitay Geesguud.com

Heesaha Playlistigan ayaan ka soo jiidanay shabakadda wararka ee Guusguud.com. Waxaan gelinay bogga Heesaha ee Halkan aad ka heli karto.







Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Miisaaniyadda 2010 ee Puntland oo Kaa Yaabineysa

Miisaniyadda uu Madaxweyne faroole iyo Wasiirkiisa Maaliyadu u gudbiyeey in lagu dhaqmo halka sanno ee 2010, waxa ka muuqatay sidaan horey usoo bayaaminayba inaan la isku hawlin oo saacadda u dambeysa inta tii hore la soo qaato lambarada uun la kala beddelay iyada oo aan cidna la gala tashan khaasatan wasaaradaha iyo golayaasha ay khuseeyso.


Miisaniyadda uu Madaxweyne faroole iyo Wasiirkiisa Maaliyadu u gudbiyeey in lagu dhaqmo halka sanno ee 2010, waxa ka muuqatay sidaan horey usoo bayaaminayba inaan la isku hawlin oo saacadda u dambeysa inta tii hore la soo qaato lambarada uun la kala beddelay iyada oo aan cidna la gala tashan khaasatan wasaaradaha iyo golayaasha ay khuseeyso.

In Miisaasiydda 2010 ee maamulka Puntland tahay mid dano gaar ahaneed loo dejiyey waxaa cadayn inoogu filan, maamulku isaga oo aan soo bandhigin kharashka runta ah (actual) ee baxay sannadkii hore 2009 si loo ogaado loona naqdiyi karo faraqa (deficit or surplus) u dhexeeya miisaniyadda mala’awaalka ah (estimate) iyo kharashka runta ah. Ayuu soo gudbistay oo Golaha wakiilada ka ansaxsaday Miisaaniyda 2010 oo wax badan ka badan tii uu dejistay 2009 iyadoo aan xisaab celintii Miisaaniyadii 2009 cidiba is weydiin in Goleheena Barlamaanka aqoontooduba halkaa ma gaarsiisnee!!

Waxa ka muuqata miisaniyadda 2010, been-abuur cad sida miisaniyadda loo qoondeeyay gurmadka deg dega ah iyo gurmadka abaaraha oo aan wax caqliga geli kara aheyn;
ta loo qoondeeyay kharashka madaxtooydu ku bixiso dabaal degyada, Gadasha Gaadiidka iyo Qalabka, Taakulaynta saxaafada, Marti galin iyo Dhowaynada; ta loo qoondeeyay safarada dibada oo aan midna waxba ka jirin (hoos ka daalaco) iyo kuwa kale oo la mid ah. Haddaba waxaan hoos ku soo bandhigayaa dhaliilaha ka muuqda miisaniyadda 2010

Gurmadka iyo Abaaraha la Hafraayo
Kharashka miisaniyadda ugu jira Gurmadka Deg Dega ah iyo Gurmadka Abbaaraha wuxuu dhan yahay oo loo qoondeeyey in bilkasta lagu baxsho:
Gurmadka Deg Gega ah 2,500,000,000 So Shillings
Gurmadka Abaaraha 150,000,000 So Shillings
Isugaynta Wadarta 2,650,000,000 So Shillings

Waa kharaj isugayntiisa bileed hadii doollar laga dhigo dhan tahay $81,583 bilkasta, hadaba su’aasha muhiimka ahi waxay tahay Puntland waa tan oo aynu xogteedaba haynee sadexdii billed oo aynu 2010 ka soo dhaafnay dawladu ma samaysay kurmad deg deg ah ama taakulay abaareed, lacagtiise waa tanoo baxdaye, yaa qaatay?

Maansha Allaa haddii xoolo dhaqatadeena markay abaari hesho iyo dan yarteena bilkasta lacagtan $81,583, (Sodon iyo Sadex kun Sided Boqol iyo Aftan iyo Lix Kun oo Doolar)meel loo dhigi lahaa oo loogu gurman lahaa markay baahidoodu timaado waxaynu la mid noqon lahayn wadamda horumaray.

Kharashka la yaabka leh
Safarada dibada 1,100,000,000 So Shillings
Marti galin iyo Dhowaynada 800,000,000 So Shillings
Kharashka Dabaaldegyada 70,000,000 So Shillings

Waa cajiib waana wax lagu qoslo runtii in Madax weyne faroole oo intii uu xilka hayeyba 3 jeer dibada u baxay uu hadana bilkasta labaxo lacag dhan $33,846 (sodon iyo sadex kun sided boqol iyo aftan iyo lix kun oo doolar) taas oo hadii uu boxo iyo dadii uu joogoba laboxo lacagtaas, kaba darane Puntland waayo cida ay bilkasta marti gelinta iyo soo dhowaynta ugu samaysaa $ 25,000 (labaatan iyo dhanta kun oo doolar)

waa layaabe bilkastana ma dabaal degbaa?
Dabaal degii Kowdii Ogosto ee 2009 waa markii kali ahaa ee Puntland dabaal degtay, kharajkii ku baxayna waa mid ay isu xil saareen qaar ka tirasan golaha wasiirada sida: Wasiiru dawlaha Maamul wanaaga, (Mr Gaashaan) Wasiiradda Wasaarasa Haweenka (Caasho Geele) iyo Wasiirad ku xideennadii hore ee Wasaaradda Qorshaynta ( Saynab Ugaas) kharajkaas oo dhamaantii Wasaaradaha laga dhex qaaraamay oo addeegooda bil ahaaneed laga jaray.
Hadaba xagee ayeey martaa lacatan bilkasta dabaal dega lagu magac daro?

Deynka.
In kasta oo Madaxweyne Faroole la wareegay Maamul dhisan, nidaam iyo kala danbayn ka jirto, hanti badan oo maguurto ah maamula, hadana wuxuu ku dhawaaqay in aanu aqbili doonin wax dayman ah oo maamuladdi hore lagu lahaa,
Garanay oo maamuladii hore waxaa xiliyada qaybtood soo wajahay arrimo colaadeed oo kharaj badani ku baxay sida: Gobolka Sool iyo Mudug (Bandiirad leey)
Hadii Madaxweynuhu waxba kama jiraan aanu isagu shaqo ku lahayn ku tilmaamay daymankii maamuladdii hore shacabku ku lahaa maxay yihiin daymanka uu bilkasta bixiyaa? goorma ayaa la amaahday? yaase laga amaahday?
Dastuurka waxa ku qeexan in wixii deyn ah ee magaca Maamulka lagu gelaayo waa ina uu golaha Barlaanku ansixiyaa. Taasina ma dhicin oo daymanka aan lagalin oo bilkasta bixintoodu taagan tahay golahaba abbid lama horgayn!!

Su’aasha Qormada 4aad:

Lunsiga Hantida umadeed yaa iska leh Mas’uuliyadeeda. ?

 Ma isimada iyo cuqaash Baarlamaanka ku soo xulay hebel Ciyaalka haku korsado ayaa iska leh?
 Mise shacabkii arintaas ka dhiidhiyi waayey oo marin habaabintii Isimada iyo Cuqaasha raaliga ka noqday baa iska leh?


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Saturday, March 13, 2010

Xuubsireed iyo Rag Ka Harey Kooxdii Asmara oo Amiirka Safarkiisa Ka Xumaaday

Zakariye Max'ud Xaaji iyo Xuubsireed oo ku fashilmay shirar iyo borobagaan ay ku carqaladeyn lahaayeen safarka taarikhiga ah ee madaxweyne Shariif ku marayo dalka Ingiriiska.



Zakariye Max'ud Xaaji oo caan ku ah siyaasadaha aan fadhin ee saldanad raadiska ku dhisan ayaa cod qeylo ah ku sheegay inuu xil ka rabo dawladda madaxweyne Shariif kadib is arag ay sameeyeen isaga iyo laba nin oo kala tirsan isbahaysigii laga kala tagay ee Asmara.

Zakariye oo hada ku soo aruuray qaadashada lacagaha Ceryta ah ee ay siiso dawladda Ingiriiska maadama uu siyaasada ku fashilmay aya caan ka noqday fadhi ku dirirada ay Soomalida Birmingham isugu yimaadaan , waxaana dad badan ay ku sheegeen in salfudeyd aan lagu aqoon Zakariye lagu arkay iyo hadalo uu ogaal la'aan isaga hadaaqo tan iyo markii uu ka haray dawladda Shariif.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in uu hamiyey inuu kulamo siyaasadeed iyo borobagaan ku carqaladeeyo safarka madaxweyne Shariif ku maraa dalka Ingiriiska ha yeeshee gudiga qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha oo ka war helay abaabulka Zakarkiye ayaa isugu daray digniin iyo hanjabaad ku aadan hawlaha uu ku damacsanaa carqaladeynta safarka madaxweynaha.

Zakariye Xaaji oo wali sheegta hogaanka ururka lagu kala tagay ee isbaheysiga Asmara ayaa caro iyo madax xanuun ka qaaday sidii magaalooyinka Ingriiska loogu soo dhaweeyey madaxweynaha Soomaliya oo xili ay iskala tirsanaayeen isbaheysigi Asmara lagu unkay.

Zakariye ayaa wali waxaa uu damac kaga jiraa inuu siyaasada meel uun ka soo galo maadama uu jaranjarada ka dhacay xili xasaasi ah iyo isagoo u bukay xil.

Dadka yaqaaana Zakariye ayaa ku mcineeyey sababaha uu u seegay calafkii uu ka heli lahaa dawladda Shariif isagoo fudfudud iyo ka been sheegidiisa waxa uu aaminsanyahay , waxaana ay ku sheegeen nin matala Itoobiyaan naceyb iyo wadan jaceyl ha yeeshee marka gadaal loo sii aqriyo ayaa la sheegay inuu yahay nin intaas oo dhan isaga dhigayey inuu xil helaa kaliya.

Zakariye oo ka soo jeeda Puntland waxaa la rumeysanayhay inuu siyaasadii isbaheysiga markuu soo galayey uu sheegay inuu u soo galay xabashi naceyb ha yeeshee la ogaaday inuu baxsad ka ahaa C/laahi Yuusuf oo diidanaa in ay kawada dhex muuqdaan hogaanka beesha bari.

Dhinaca kale Xuubsireed oo ah C/laahi Yuusuf seedigiis ayaa isna ku hubgoobay hadalo uu fadhi ku dirirada ka waday oo uu ku damacsanaa in taagerayaasha taliskii liicay ee C/laahi Yuusuf uu uga dhaadhiciyo iney abuuraan qorshayaal looga hor imaan karaa safarka madaxweynaha laakin waa uu hungoobay isagoo soo dhaafi waayey inuu isticmaalo bogag ku shaqeeya siyaasado aan la aqoon oo fikradaha dawladnima diidnimada mar walbaa ku shaqeeya.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Baro Shabakadda WaaTV.com oo ah Mid Kusoo Gaarsiisa Video-yada Soomaalida Quseeya

alshabaabka oo dib u qabsaday hotel Global


WaaTV.com Video: WaaTV - Search New Videos"alshabaabka oo dib u qabsaday hotel Global":





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Thursday, March 11, 2010

Waa maxay Macnaha iyo Macaanka Nabadda iyo Ayaatiinka Dalka Aaway?


Bal fiiri ilmahan aad ugu nastay dalka shisheeye oo ay ku soo koreen halka kuwii dalkeenii ku noolaa ay ku dhex jiraan barakac is baas. Aduunyoow xaal kaa ba'. Waa calool xumo in ilmaheena loo naxaariisan waayay har iyo habeena lala dul taagan yahay qaxitaan iyo cabsi aan dhamaad lahayn. Ilmahan video-gan aad ka dhex arki doonto waa caruur sida ka muuqata lagu soo korshay Australia. Waxaa sii dheer in caruurtaas ay ku koreen meel ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas iyagoo weliba u dhashay cid xoolo dhaqato ah.


Nabaddu waa lama huraan. Maxaa yeelay qofka bani aadamku waxa ugu horeysa ee uu u baahan yahay waa cunto, kadibna waxa uu raadiyaa hooy ama meel uu ku nagaado. Markii labadaa la helo uun baa waxii kale aduunyadu ku siiso la raadin karaa. Nabad la'aantu waxa ay kaa hor istaagee labadaas daruuriga nafta bani'aadamnka u ah.

Waxyaabaha caruurteenu gafaan, dagaalada dalka ka socday labaatan sano ku dhowaad, waxa ka mid ah wax barashada. Milaayiin caruur ah ayaa meeshii ay iskuulada u dhaqaajin lahaayeen, beryahaan la geeyaa foronyada dagaalada kuwaasoo halkaa ama ku dhinta amase wax ku laaya.

Hadaadan wax barasho uba soo jeedin, waxaan 'qoriyaan leeyahay' ahayn oo kaloo la sameeyo maba jirto. Hadii ay nasiib leeyihiin beryahaan dambe waa nasiib hadey helaan macalin quraanka bara, maadaama dugsiyadii iyo masaajidyadiiba la isku leynayo.

Filmkan gaaban ee aad halkaan ku arki karto waxaad ka fahmi kartaa macnaha macaanka nabadda. Waa ilmo ku nool guri ku yaala meel banaanada Australia kuwaasoo kuu sharaxaya sida loo dhaqo xoolaha, gaar ahaan sida loo bacrimiyo doorada loogana aruursado ukumaha ay dhasho.


Watch : Somali Farm Kids in Australia Interview



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Somali Music, Mogadishu 1990 Dur Dur Band song by Abdi Nasir " Ladaneey"

Waa video Heestii macaaneed ee Ladaneey iyo fanaankii codkiisa macaanaa ee Abdi Naasir, Kooxdii sagaashameeyadii ku leheed fanka ee Dur Dur. Daawo riix Hoos.

in reference to: http://www.waatv.com//0/video/somali/nht_qx73Rwo.html (view on Google Sidewiki)

Amiirka Dalka oo Laga Wareystay Paul and Rachel Chandler Xaaladooda Halka Ay Ku Suguntahay

Shiikha oo u waramaya is gaarsiinta caalamka ayaa sheegay in dhaq dhaqaaq suuban ku socdo soo deynta lamaanayaasha Paul and Rachel Chandler. Daawo vidyo ah halkii wareysugu ka dhacayay.

in reference to: http://www.waatv.com//0/video/somali/eboXfIueR-E.html (view on Google Sidewiki)

Qofka Aduunka ugu Da'da Weyn oo Noqotay Haweeney U dhalatay Georgia

Antisa Khvichava oo u dhalatay dalka Georgia ayaa laga sheegay in’ay tahay qofka ugu da’da weyn caalamka, kadib markii ay dowladda Georgia khaasatan laanta diiwaan galinta dadweynaha dalkaasi ay shaaca ka qaaday jiritaanka Antisa Khvichava oo la sheegay inay 130 jir tahay.


Dowladda ayaa intaasi ku dartay inay hayso cadeymo muujinaaya in Mrs Antisa Khvichava jirto da’daasi iyadoo ka codsatay Buuga Mucjisada Caalamka ee Guinness World Records diinwaangalinta Antisa, taasoo hadii ay dhacdo ka dhigaysa ruuxa ugu cumriga dheer aduunka.

Antisa Khvichava waxay dhalatay 1880, iyadoo 130 sano ay u dhamaan doonto 8-da July ee sanadkan.

TV-yada dalkaasi Georgia ayaa muujiyay Antisa iyadoo la joogta caruurteeda qaar ka mid ah, caruur ay ayeeyo koobaad, labaad iyo sedexaadba u tahay maalintii dorraad ahayd oo ku aadanayd Maalinta Haweenka Aduunka.


Xasan Cadde

Isha Dhacdooyinka Caalamka
laacib143@hotmail.com

xigasho www.dhacdo.com


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Radio Moqdishu : Ciidamada Xoogga Dalka oo galabta la wareegay Goobo ay ku sugnaayeen Kooxda Shabaab.


Maxaa kala heysta dowladda iyo Shabaabka. Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka gaaray dagaalo saaakay ka bilowday woqooyiga magaalada Muqdisho oo ay soo qaadeen maleeshiyaadka Dowladda Ka soo horjeeda.

- Aqriso maqaal sheegaya in Shabaabka kobtoodii kor loo tuuray. : Ciidamada Xoogga Dalka oo galabta la wareegay Goobo ay ku sugnaayeen Kooxda Shabaab. SAWIRO





Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Tuesday, March 9, 2010

Sawirrada Booqashada Amiirka dalka Ka Daawo halkaan


Booqashada uu ku gaaray dalka Ingiriiska Amiirka dalka, ayaa ah mid aad usugu dhacaysa oo heer sare ah. ChatHam House ayuu qudbo dheer ka jeediyay. Sawirro laga soo qaaday booqashada Amiirka ka daawo linkiga hoose.

in reference to: http://videos.dalkanews.com/content/view/490/37/ (view on Google Sidewiki)

Yaa dilay Wadaad Bare Cali Bare? War Xasaasi ah

Dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Masaajidka Abuhureysa ee ku dhex yaala Suuqa bakaaraha, waxaana falkaani uu daba socdaa falal Is qaarijin iyo qaraxyo ah oo bilihii ugu dambeeyey ka dhacayey gudaha iyo daafaha Suuqa bakaaraha.

Halkaaan Ka Gal Warkan
Yaa Dilay Bare Cali Bare of ibn Xizb?

Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Monday, March 8, 2010

Young somali mc, rapper , "sketch" puts out 'The Take Over - SIngle

This is as hot as it gets ladies and gentlemen, this guy Sketch is real and should be watched carefully! - Check out the new single out of his mix tape The Take Over now titled the same! Watch the Take Over here -

in reference to: http://www.somchat.com/2010/03/sketch-ft-kodie-takeover-is-on.html (view on Google Sidewiki)

Sketch ft kodie - the takeover is on!

sketch ft kodie - the takeover.mp4sketch ft kodie - the takeover.mp4sketch ft kodie - the takeover.mp4
WaaTV.com Video: WaaTV - Search New Videos
-----
Young somali mc, rapper , "sketch" , this is the 1st single of "THE TAKEOVER" mixtape out now in all good record shops!!!, filmed by ade from new age vision and edited by rashid. join the facebook fan page and become part of "THE TAKOVER"



Watch Now this Video - Take Over by Sketch


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Sunday, March 7, 2010

Saado Ccali Warsame - Hees - aan Kuu Taliyo aan Wada Tashano aan isku Tashano -

Waxaan Rabay inaan tan gardaadiyo - fadlan daawo heestan hadii aadan weli fiirsan. Waa hees aad u qosol badan. Balse is weydiin waxaa mudan maxay kala jeedaa erayada ay ku hadleyso Saado? Ma wadaninimo mise qabyaaliistenimo? Ma buunbuunin dhibaatada haysata koonfurta dalka? Mise ceebeeyn qabiilka Hawiye oo waxna qabsan karin hadii wax kastaa faraha loo geliyo? Adigu ka hadal markaad heesta aragto - riix linkiga hoose

in reference to: http://www.somchat.com/2010/03/saado-ccali-warsame-hees-aan-kuu-taliyo.html (view on Google Sidewiki)

Saado Ccali Warsame - Hees - aan Kuu Taliyo aan Wada Tashano aan isku Tashano


Saado Ccali Warsame - Hees - aan Kuu Taliyo aan Wada Tashano aan isku Tashano - Yaa yiri fanaaniintu siyaasadda waa ka suulanyihiin. Waxay u egtahay in Saado Cali Warsame ay heer aan caadi ahayn ka gaartay siyaasadda iyadoo farta ku fiiqday xalka iyo sida lagu gaari karo (in kastoo heestaan sida ka muuqata laga diidanyahay). Sii Gal - Halkaan Ka daawo






Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

Dummin Qaran doonisteed dad karaa Dib u dhis Qaran doonisteed way karaan

Odeygii Juxaa ayaa la weydiiyey "yaa fadli badan in naxashka hurtiisa ama dhinacyada ama gadaashiisa la maro?". Waa su'aal baahi loo qabo eysan jirin laakin aadamigu qof ahaan ayuu u sameysan yahay baadi doon iyo galgal fa'ido iyo khasaaro inta uu joogu dunida ; maxaa wacey jiritaankiisa ayaa ku dhisan waqti wareega ah lehna isbedel taabanaya hab socodka nololeed. Jawaabtii Juxaa...




Odeygii Juxaa ayaa la weydiiyey "yaa fadli badan in naxashka hurtiisa ama dhinacyada ama gadaashiisa la maro?". Waa su'aal baahi loo qabo eysan jirin laakin aadamigu qof ahaan ayuu u sameysan yahay baadi doon iyo galgal fa'ido iyo khasaaro inta uu joogu dunida ; maxaa wacey jiritaankiisa ayaa ku dhisan waqti wareega ah lehna isbedel taabanaya hab socodka nololeed. Jawaabtii Juxaa " ha noqon kan ku jira naxashka marna meeshii ku bannaan". Run ahaan qofku wuxuu xeelad iyo xaalad uu hugaamiyo leeyahay inta uusan ku aroorin naxash, waana inta uu qofku mas'uul ka yahay akhiro ka jawaabidda camal wuxuu sameystey iyo ifka nolol karameysan inta uu u dadaaley.

Labada mugdi ee aadamigu uusan u laheyn awood ka wareegidooda waa uurka hooyo iyo eelka qabri. Jiritaan asaasi ah ama nafsaani iyo jiritaan ruuxi ah waa drajooyinka eynu u kala saarno xaalad aragti e muqaal iyo garasho adamiguna misaan ahaan ku kala fa'dilo doonista qiimo iyo qadarin waxaana fure u ah dadaal wax qabsi iyo dadaal cilmi kurursi.

Darajada ruuxiga ah qiimo weyn bey sameysaa madaama ey ka dab qaadatu silsilad ahaan doonis cilmi ku-nafacsigiisu yahay aduun iyo cilmi waxyi rasull la soo direy; laakin garasho hoosaadka (asaasi) ee loo wada simanyahay oo ah barbarinta hooyo oo ku lifaaqan ruuxiga waxay labaduba kubciyaan u dadaalka iyo halganka nololeed. Waxaa cajiib ah in miisanka loo badiyo qima muqaal aduun loona kala dheeriyo aydoo qiimeyntaasu tahay mid aan joogtu aheyn lehna waayid iyo helis ; sameynta qiimo muqaal aduun oo ah run ahaantii lacag aroorin ma noqtu mid fulin karta doonista nabad iyo nidaam la harsadu laguna bad-baadiyo dhamaan qiimu aduun iyo diirimaad jiritaan buuxa. Garasho in eysan jirin wax aan aheyn nolol ama geeri mid saddexeysa ma jirtu aan ka aheyn kan Somaligu maanta ku jiro kuna eedey doonistiisi ee uu dooney..........

Doonisi waa bahi qab la dareemey garasho caqli iyo nafsi. Baahidu waa albaabka hure ee loo maro xaqiijinta rabitaan la dooney in la gaaro ; garashada baahida la qabo qadar ahaan kama bahsana itaal iyo aqoon cilmi , sidoo kale doonista rabitaan wey durugtaa weyna isbeerisaa gaartana kubac ku xiran dadaal iyo waqti Ku magacow waxa aad hergelineysid dooneysidna in aad gaarto magac kasta siina muqaalka aad rabtid marna kama baxeysid howlgel aad ku raadisid. Asaas ahaan shaki kuma jiro in baahida aad qabtid una dooneysid xal ka fiican kana khyr badan xaaladda kugu kalaftey in aad ka wareegtu in ey tahay ka weecasho xaalad culus una wareegid rajo cafimaaad. Si sahlan jahli waxaad u doonta cilmi ; gaajo ka bixid waxaad u doontaa dherig sidii aad ku gaari laheyd ; cudur . colaad, aamni darro. abaar lagu huubtey dhamaan intaaso xaaladood iyo in kalaba waxaad doonta bedelkood.

Madaama xaqiiq garashadu na tustu in is-bedel uu la yimaadu jawi iyo xaalad fursideed keentana rajo iyo degaansho waa muhiim in dareenku ku xirmo ka fogaansho ka daris xaladeed. Dareen oo ah dhadhan rabitaan ee naftu ku muujiso oggolaansho wadci ama deedmo xaalad ey rabto in ey ka baxdu waxaa haga caqli xanbaarsan aqoon una jiheeya barnaamij iyo ahdaaf xaqiijiye ujjeedada.

Ujjeedada:- doonisteeni isbedel ayaa ah in eynu isku furney musiibooyin iyo mashaakilo aad u badan una qutto dheer ; waa markii eynu istusney wadciga ummadeed iyo wadan ee qaranku ku sugnaa 1990-91kii ila burbur dowladdii.

Waqtigaas baahida iyo garashada caqli labaduba aad bey u xaqiijiyeen una taageereen in baahi loo qabey isbedel cadaaladeed oo buxaa iyo bacramin wadaninimo dibna loo tallaalo walaaltinimadii isjeceelkii iyo daris wadaagii lahaa arxanka iyo iska warqabka. Martisuurkii iyo isku garashadii "Waryaa" erey ahaan; xidid wanaag ; ho aan laheyn ilxaan ; dhalanyaro isku duuban isuguna yeera ciyaal xaafad ; isku garashaduna aheyd magac ama neenaas.

Maxaan dooneyney maxaan ka gilgilaney oo aan aqbali weyney? Xanuunkii na hayey muxuu ahaa ; yaase eed naga galey ummad iyo shacab ahaan? Yaa dulmey xaqiini? Maxaan tabaneyney oo naga maqnaa oo eynu raacdada u galney? Yaanse maxaase aan dooneyney in eynu bedelno ; baahida nagu kalaftey in eynu isbedel radino maxay aheyd? Akhristow adiga iyo anniga maxaa qaxooti inaga degey oo eynu galabsanney? Iyo su'aalo baden ????? Waxaa filan-waa ah in loo deersadu tii hure maxaa wacay natiijadaa ka kharaar kana xanuun badan cilladii hure. Ninba xoogiis ha dhaansho dac kufsi iyo burbur, qax intii noga halaagmatey. Xukun dad ku kacsan waa jid laakin dad isleh oo aan is-bixineyn waa yaab.

Isbitaalo daawac iyo kan jiran daryeela, dugsiyadii waxbarasho, dhismihii dawladeed ee lagu maamulilaha shacabka, wadooyin iyo dhamaan hab-dhiskii oo dhan oo la xaaqey. Waxaa cajiib ah kuwii soo jabhadeeyey oo hogaanka isbedel noo hayey ee doonistoodu aheyd in ey isbedel maamul sameeyaan dhisaana dawalad qaran in hurtooda dhamaan xafiisyadii, Bankiyadii iyo dhaamaan inta maamul ku fuliyo maamulkiisa lagu xaaqey laguna bililiqeystey ; balse dhaceefnimada qiyaasteed wey badbaaden waayeen waraaq xafiis ama gal xafiis yaala in ey ummad badbaadiyaanna dhaafee. Mee hoggaankii ey hayeen iyo mas'uuliyadii jahabhadnimo??

Akhristow si ku suurta gashey in doonis isbedel oo loo soo jabhadeeyey dadaalna loo galey naf iyo maalna loo hurey in la xakameyn waayo markii la gaarey lana xaqiijiyey isbedel buuxa iyo guul ?

Dowladii kacaanka bilihii ogu dhanbeeyey ma isku deydey badbaadin iyo xil wareejin; ma la diidey maxaase loo diidey?

Waxaa xaqiiq aheyd qofna inkiri karin mammulkii Siyaad wuxuu la mid ahaa cambi saaran geed aadna u bislaadey una baahna in la ruxo geedka si uu u soo dhaco, Wax walba qaacidu iyo tiirar buu ku taagma kuna taagan yahay, Dowladii Somalia waxay lumisey tiir dhaxaadkii hayey markii ey gashey dagaal 1977-78dii.

Dhamaan Xoogii Dalka , ciidamadii Dawaawiishta qeybo Poliska intas oo dhan waxaa lagu shittey sidii xaabo dagaalkaas 77-78kii.

Dhamaadkii 1984dii wadanku ma laheyn ciidan difaaca wadanka ama dowladda. 1979kii afganbigii dicisoobey waxaa bilowdey lana ansaxiyey u jabhadeyn xukun madaama dhowr jeer oo hure la afganbin waayey maamulkii Siyaad. Xaqiiqdu waxay aheyd ciidan loo adeegsadu afganbi ma jirin kamana harin dagaalkii 1977-78. Daqaalihii wadanku wuu burburey kaalmadii bannaankuna wey yaraatey isku duub wadanku wuxuu galey kooma wuxuuna ahaa bukaan socod leeta gudaha iyo banaankaba aan dadku ogeyn ilaa la baacsadey lana eryey dowladii. Waa ba baryey hal mar wadan iyo ummad aan laheyn maamul iyo dowlad ; jiritaan lumey loona hey badeel.

Caqli ma tahay dadaal iyo jabhadeyn hubeysan in la abooro loona dagaal galo isbedel maamul in la waayo karti lagu dhisu maamul? Maxaa howsha loo galey madaxdii ololeysey hirgelisey u hurtey naf maal iyo waqti in ey gaari waayeen/waayaan hanashada hadafkii loo xusul duubtey?? Xaggii ka xirmi weydey in maamul la dhisu maxaana kalifey in ey isku xirmi waayaan madaama la isku duubna u jabhadeynta maamulka? Waxaa cajiib ah in la garwaaqsadey lana aqbaley "Hebilna gar leh Hebilna gar leh" ummaddii garteedii iyo xaqqiidii aawey? Akhriste yaa dhibane ah ma ummadda oo gashey xaalad adag iyo huug mise siyaasin waayey hadaf siyaasadeed iyo gaaris maamul? Bal adba jaleec wixii la soo marey maxaa wacey waqtigaas buu aboormey in ummaddu u xirnaato koox ama shakhsiyaad loo arkey culeys ciidan in ey leeyihiin arrinta Somalia-na gacanta u gahsey.

Ilaa manta shacabkii kama duwana boorsu lala shir tago si loo mujiyo ka wakiil ahaansho laguna toogsadu si loo helo daqaale. Caqligu-se ma oggolaan karaa in shacabka Somaliyeed yahay mid dulmiysan doorkii ka ciyaarey shacabku burburka iyo dulmiga hareeyey? Shacabka Somaliyeed markii gadaal loo noqdu doorkii ka ciyaarey dacdooyinkii na soo marey? Xasuus 1971dii jidadka Xamar shacab soo baxey oo ku qeylinaaya cod dheer " Jen. Qoorshel qorta gooya" la isma weydiin run ahaan xaq ma tahay. 1972dii shacabku waxay u soo baxeyn feersadeen toogashadii Gabeyre iyo saaxibadiis. 1973dii shacabku waxay feersanayeen sacabna ku dareen toogashadii culumadii diidey mabd'a 8da Mars ee xeerka qoyska.

Shacakbu waa kuwii lahaa "Aabe noolow noona waar". Meesha shacab ma joogu ee waa aalad naf iyo diig leh. Akhriste ha rumeysan gacan shisheeye iyo cadow Somaliyeed ba ka dambeeya dhamaan khalad kasta shaley ilaa maanta maxaa wacay feeri dhibka inta uu xad la'eeg yahay iyo waqtigu inta uu dhan yahay; so ma ahaa labaatan sano oo xariir ah malin iyo habeen marna aan la nasan. Isweydiin ya ku hudmey daqaale ahaan iyo magac ahaan, yaa wax noqdey sii bu wax ku noqdey iyo ka hur muxuu ahaa/maxay ahayeen? Yaa dani ogu jirta maamul iyo nidaam shaqeynaaya; maxaase lagu waayeyaa dhismo nidaam iyo kaladanbeyn leh sharci iyo canshuur la qaado? Ganacsatadu dowr intii la'eeg bey ka ciyaarta xaaladaha Somalia siyaasad ahaan iyo aboor koox hubeysan?? Ganacsatada ma rabaan dowlad leh dhamaan adeegi iyo nidaamkii dowladnimo ee la yaqiin? Waa mowduuc kale.

Ogu dhanbeyn ilaa shacabku shacab ahaan isu arku isuna muuqdu dad ahaan dareemaana jiritaan , diidana ka qeyb qadashada ololo kasta iyo masrax cusub lehna magac cusub laakin ujjeedadu tahay asalkii iyo huugii iyo qax joogta ah. Ilaa shacabku isagu doono doonista ka maqan ee uu lumiyey talo xumi iyo diyaar garow la'aan ; fahmana wuxuu doonaayo iyo sababta ku kaliftey doonis jiritaan isla mar ahaantaas la yimaado dhigana meel barnaamij iyo qorshe uu ku fuliyo xaqiijinta ujadadiisa xal lama gaari doono, Shaley shacabku waxay lahayeen Aabow waxaa xigey geesi halyey ah waxaa loo gudbey mujaahid iyo shahiid waxaa la qaatey Hafidullaahi waxaan loo rugey murtadeen waxaan joogana Abu iyo Amiir goorma ayaan shacab ahaan is arki doona oo eynu iska saari doona buhusha eynu iskiin isugu tuurney??

Wa Billaahi Towfiiq

Dhoore



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

HOT EVENT IN LONDON - Brunel Somali Assosiation Event - By Himilo Media

Brunel Somali Assosiation Event - By Himilo Media . Brunel Somali Students assosiation organised event on 04.March.2010 to bring together number of students from different universities around London. The event covered many aspect of Somali related issues a well as bringing the positive image of somali community. See the Video of the event highlights.

in reference to: http://www.waatv.com//0/video/somali/q0gKc0VxarE.html (view on Google Sidewiki)

Dur Dur - Heesta Afrikaay Madoow - 1990 - Bandhig Faneed iyo Hees aan Caadi Aheyn


Waxay ahayd dhowr sano ka hor qaxii looga kala cararay caasimadda kadib markii jaale Siyaad lagula hertamay, goortii Dur Dur ay u shidneed. Nasiib daro kooxdaan oo xamar ukala xirneed ayaa bugtii ku dhacday, sidaa darteedna jiq ku noqotay talo. Balse intii ay iyagu tumayeen muusiga dhigayeenna bandhig faneedyada lala dhacsanaa wagaas, ayay ahayd xilli qofkastaa oo xiisaaya fanka uu la dhacsanaa sida quman ee Dur Dur iyo Iftin u tartamayeen. Waa tanaa hees 1990, waa wax yar ka hor qixii, la qaaday iyadoo ka mid aheyd heesaha Dur Dur waagaa qaadi jirtay. Hoos ka gal heestan.

in reference to: http://www.waatv.com/ (view on Google Sidewiki)

Tuesday, March 2, 2010

Dhulgariir ka Dhacay Dalka Chile oo Qasaaro Xoog Leh Keenay


Ka daawo video-gan sawirrada dhibaatada heysata dalka Chile kadib markii dhulgariir 8.8 rs oo ka dhacay dalkaas dhamaadkii bishii feebaraayo. Hoos ka daawo video-ga ku tusaya qasaarooyinka farabadan ee dalkaas ku yimid

in reference to: http://www.waatv.com//0/tag/KAKbWfU4nGw.html (view on Google Sidewiki)

Monday, March 1, 2010

How to Make Money with Google Adsense using Free Tools

Google Adsense is changing how people make money on the Internet these days, that is no doubt. But the surprising fact is that this wave of free money grabbing is done by small web site such as blogs, personal hobby web sites and even adsense income sharing web sites.



Even though major part of the web savvy publishers are earning quantative amount of money from their web sites, they don't all necessesarily use expensive equipment to get their earning sites up and running. In fact there are numerous free tools to get any one started on making money on the Internet. Here are some of the most popular free tools used on web sites that earn money from adsense.

a) Distribute Articles to Free Article Directory Sites (Google Adsense picks up on these too)


If you're new to making money on the Internet, let this be an important lesson to you. Clicks rule! The more traffic, the more clicks. The more clicks, the more money! - With that in mind, it comes apparent that link building for your adsense web site is the number way to increase traffic and generate income from Google Adsense clicks. One way to do it is to have other web sites linking to you, and the more web sites that link to your adsense web site, the more potential visitors you get.

One of the easiest ways to getting back links is to submit articles you write to Free Article Submission directories. So, do a search for "article submit directories" and you'll see thousands of them out there.

Of course, you can't just write garbage and try to get links back that way. Here are some tips to getting your articles listed.

1. Write Relevant Articles

The articles you are submitting should contain content that is relavent to the site you're submitting to. Or atleast, the article should match the category which it is submitted under. That is, don't submit an article about How to Make Money on Google Adsense in a category about How To Buy Car Insurance.

If you post an article about Google Adsense to the wrong category, don't be surprised if the Article Submission Directory you're dealing with just rejects it, or if you repeatedly do this, bans your account completely.


c) Word of Mouth - Let others tell about Your Adsense site to their friends etc

If you your buddy to tell others about your site (given it is worth a mention) then you will get a few visitors that way. But, if you take this further and include a signature on your msn hotmail or Google Gmail so anyone whom you send an email sees a link to your site, then the number of visitors to your Google adsense site will also increase. Further, you can add "Tell a Friend" email from to your web pages so that those who visit can also send and email to their friends with your customized message which includes a link back to your Google Adsense web site. The goal here is to get as many clicks as possible. At the very least, the word will get around in the long run and this will increase your earning potential.


d) Ways to make money from Adsense With Your Email signature

People greatly underestimate the power and potential effectiveness of a simple email signature as one of the ways to make money online. Actually this is a viral marketing method because emails get forwarded all the time and are even copied to several other people sometimes.

Do not waste another minute. Go to all your email accounts right now and create a signature that points to your Adsense site or sites.

Writing effective email signatures is a skill that you will have to develop, but I have found that using famous quotes is more effective than a straight advertising message. Always remember that people hate to be advertised to online.

1. Become Google Adsense Blogger

Lets say you come across an interesting article somewhere on the web. You can blog about that article - get a free blog from Google Blogger/blogspot - Then from those blog sites you simply link to your google adsense web site. This should generate more traffic to your site which will hopefully translate into more success.

If you follow the simple tips I mentioned above, you're very likely to make money with your Google adsense web site. Just be sure you do the work necessary very often.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat