
Dowladda ayaa intaasi ku dartay inay hayso cadeymo muujinaaya in Mrs Antisa Khvichava jirto da’daasi iyadoo ka codsatay Buuga Mucjisada Caalamka ee Guinness World Records diinwaangalinta Antisa, taasoo hadii ay dhacdo ka dhigaysa ruuxa ugu cumriga dheer aduunka.
Antisa Khvichava waxay dhalatay 1880, iyadoo 130 sano ay u dhamaan doonto 8-da July ee sanadkan.
TV-yada dalkaasi Georgia ayaa muujiyay Antisa iyadoo la joogta caruurteeda qaar ka mid ah, caruur ay ayeeyo koobaad, labaad iyo sedexaadba u tahay maalintii dorraad ahayd oo ku aadanayd Maalinta Haweenka Aduunka.
Xasan Cadde
Isha Dhacdooyinka Caalamka
laacib143@hotmail.com
xigasho www.dhacdo.com
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.