What you may have missed

Sunday, March 7, 2010

Dummin Qaran doonisteed dad karaa Dib u dhis Qaran doonisteed way karaan

Odeygii Juxaa ayaa la weydiiyey "yaa fadli badan in naxashka hurtiisa ama dhinacyada ama gadaashiisa la maro?". Waa su'aal baahi loo qabo eysan jirin laakin aadamigu qof ahaan ayuu u sameysan yahay baadi doon iyo galgal fa'ido iyo khasaaro inta uu joogu dunida ; maxaa wacey jiritaankiisa ayaa ku dhisan waqti wareega ah lehna isbedel taabanaya hab socodka nololeed. Jawaabtii Juxaa...




Odeygii Juxaa ayaa la weydiiyey "yaa fadli badan in naxashka hurtiisa ama dhinacyada ama gadaashiisa la maro?". Waa su'aal baahi loo qabo eysan jirin laakin aadamigu qof ahaan ayuu u sameysan yahay baadi doon iyo galgal fa'ido iyo khasaaro inta uu joogu dunida ; maxaa wacey jiritaankiisa ayaa ku dhisan waqti wareega ah lehna isbedel taabanaya hab socodka nololeed. Jawaabtii Juxaa " ha noqon kan ku jira naxashka marna meeshii ku bannaan". Run ahaan qofku wuxuu xeelad iyo xaalad uu hugaamiyo leeyahay inta uusan ku aroorin naxash, waana inta uu qofku mas'uul ka yahay akhiro ka jawaabidda camal wuxuu sameystey iyo ifka nolol karameysan inta uu u dadaaley.

Labada mugdi ee aadamigu uusan u laheyn awood ka wareegidooda waa uurka hooyo iyo eelka qabri. Jiritaan asaasi ah ama nafsaani iyo jiritaan ruuxi ah waa drajooyinka eynu u kala saarno xaalad aragti e muqaal iyo garasho adamiguna misaan ahaan ku kala fa'dilo doonista qiimo iyo qadarin waxaana fure u ah dadaal wax qabsi iyo dadaal cilmi kurursi.

Darajada ruuxiga ah qiimo weyn bey sameysaa madaama ey ka dab qaadatu silsilad ahaan doonis cilmi ku-nafacsigiisu yahay aduun iyo cilmi waxyi rasull la soo direy; laakin garasho hoosaadka (asaasi) ee loo wada simanyahay oo ah barbarinta hooyo oo ku lifaaqan ruuxiga waxay labaduba kubciyaan u dadaalka iyo halganka nololeed. Waxaa cajiib ah in miisanka loo badiyo qima muqaal aduun loona kala dheeriyo aydoo qiimeyntaasu tahay mid aan joogtu aheyn lehna waayid iyo helis ; sameynta qiimo muqaal aduun oo ah run ahaantii lacag aroorin ma noqtu mid fulin karta doonista nabad iyo nidaam la harsadu laguna bad-baadiyo dhamaan qiimu aduun iyo diirimaad jiritaan buuxa. Garasho in eysan jirin wax aan aheyn nolol ama geeri mid saddexeysa ma jirtu aan ka aheyn kan Somaligu maanta ku jiro kuna eedey doonistiisi ee uu dooney..........

Doonisi waa bahi qab la dareemey garasho caqli iyo nafsi. Baahidu waa albaabka hure ee loo maro xaqiijinta rabitaan la dooney in la gaaro ; garashada baahida la qabo qadar ahaan kama bahsana itaal iyo aqoon cilmi , sidoo kale doonista rabitaan wey durugtaa weyna isbeerisaa gaartana kubac ku xiran dadaal iyo waqti Ku magacow waxa aad hergelineysid dooneysidna in aad gaarto magac kasta siina muqaalka aad rabtid marna kama baxeysid howlgel aad ku raadisid. Asaas ahaan shaki kuma jiro in baahida aad qabtid una dooneysid xal ka fiican kana khyr badan xaaladda kugu kalaftey in aad ka wareegtu in ey tahay ka weecasho xaalad culus una wareegid rajo cafimaaad. Si sahlan jahli waxaad u doonta cilmi ; gaajo ka bixid waxaad u doontaa dherig sidii aad ku gaari laheyd ; cudur . colaad, aamni darro. abaar lagu huubtey dhamaan intaaso xaaladood iyo in kalaba waxaad doonta bedelkood.

Madaama xaqiiq garashadu na tustu in is-bedel uu la yimaadu jawi iyo xaalad fursideed keentana rajo iyo degaansho waa muhiim in dareenku ku xirmo ka fogaansho ka daris xaladeed. Dareen oo ah dhadhan rabitaan ee naftu ku muujiso oggolaansho wadci ama deedmo xaalad ey rabto in ey ka baxdu waxaa haga caqli xanbaarsan aqoon una jiheeya barnaamij iyo ahdaaf xaqiijiye ujjeedada.

Ujjeedada:- doonisteeni isbedel ayaa ah in eynu isku furney musiibooyin iyo mashaakilo aad u badan una qutto dheer ; waa markii eynu istusney wadciga ummadeed iyo wadan ee qaranku ku sugnaa 1990-91kii ila burbur dowladdii.

Waqtigaas baahida iyo garashada caqli labaduba aad bey u xaqiijiyeen una taageereen in baahi loo qabey isbedel cadaaladeed oo buxaa iyo bacramin wadaninimo dibna loo tallaalo walaaltinimadii isjeceelkii iyo daris wadaagii lahaa arxanka iyo iska warqabka. Martisuurkii iyo isku garashadii "Waryaa" erey ahaan; xidid wanaag ; ho aan laheyn ilxaan ; dhalanyaro isku duuban isuguna yeera ciyaal xaafad ; isku garashaduna aheyd magac ama neenaas.

Maxaan dooneyney maxaan ka gilgilaney oo aan aqbali weyney? Xanuunkii na hayey muxuu ahaa ; yaase eed naga galey ummad iyo shacab ahaan? Yaa dulmey xaqiini? Maxaan tabaneyney oo naga maqnaa oo eynu raacdada u galney? Yaanse maxaase aan dooneyney in eynu bedelno ; baahida nagu kalaftey in eynu isbedel radino maxay aheyd? Akhristow adiga iyo anniga maxaa qaxooti inaga degey oo eynu galabsanney? Iyo su'aalo baden ????? Waxaa filan-waa ah in loo deersadu tii hure maxaa wacay natiijadaa ka kharaar kana xanuun badan cilladii hure. Ninba xoogiis ha dhaansho dac kufsi iyo burbur, qax intii noga halaagmatey. Xukun dad ku kacsan waa jid laakin dad isleh oo aan is-bixineyn waa yaab.

Isbitaalo daawac iyo kan jiran daryeela, dugsiyadii waxbarasho, dhismihii dawladeed ee lagu maamulilaha shacabka, wadooyin iyo dhamaan hab-dhiskii oo dhan oo la xaaqey. Waxaa cajiib ah kuwii soo jabhadeeyey oo hogaanka isbedel noo hayey ee doonistoodu aheyd in ey isbedel maamul sameeyaan dhisaana dawalad qaran in hurtooda dhamaan xafiisyadii, Bankiyadii iyo dhaamaan inta maamul ku fuliyo maamulkiisa lagu xaaqey laguna bililiqeystey ; balse dhaceefnimada qiyaasteed wey badbaaden waayeen waraaq xafiis ama gal xafiis yaala in ey ummad badbaadiyaanna dhaafee. Mee hoggaankii ey hayeen iyo mas'uuliyadii jahabhadnimo??

Akhristow si ku suurta gashey in doonis isbedel oo loo soo jabhadeeyey dadaalna loo galey naf iyo maalna loo hurey in la xakameyn waayo markii la gaarey lana xaqiijiyey isbedel buuxa iyo guul ?

Dowladii kacaanka bilihii ogu dhanbeeyey ma isku deydey badbaadin iyo xil wareejin; ma la diidey maxaase loo diidey?

Waxaa xaqiiq aheyd qofna inkiri karin mammulkii Siyaad wuxuu la mid ahaa cambi saaran geed aadna u bislaadey una baahna in la ruxo geedka si uu u soo dhaco, Wax walba qaacidu iyo tiirar buu ku taagma kuna taagan yahay, Dowladii Somalia waxay lumisey tiir dhaxaadkii hayey markii ey gashey dagaal 1977-78dii.

Dhamaan Xoogii Dalka , ciidamadii Dawaawiishta qeybo Poliska intas oo dhan waxaa lagu shittey sidii xaabo dagaalkaas 77-78kii.

Dhamaadkii 1984dii wadanku ma laheyn ciidan difaaca wadanka ama dowladda. 1979kii afganbigii dicisoobey waxaa bilowdey lana ansaxiyey u jabhadeyn xukun madaama dhowr jeer oo hure la afganbin waayey maamulkii Siyaad. Xaqiiqdu waxay aheyd ciidan loo adeegsadu afganbi ma jirin kamana harin dagaalkii 1977-78. Daqaalihii wadanku wuu burburey kaalmadii bannaankuna wey yaraatey isku duub wadanku wuxuu galey kooma wuxuuna ahaa bukaan socod leeta gudaha iyo banaankaba aan dadku ogeyn ilaa la baacsadey lana eryey dowladii. Waa ba baryey hal mar wadan iyo ummad aan laheyn maamul iyo dowlad ; jiritaan lumey loona hey badeel.

Caqli ma tahay dadaal iyo jabhadeyn hubeysan in la abooro loona dagaal galo isbedel maamul in la waayo karti lagu dhisu maamul? Maxaa howsha loo galey madaxdii ololeysey hirgelisey u hurtey naf maal iyo waqti in ey gaari waayeen/waayaan hanashada hadafkii loo xusul duubtey?? Xaggii ka xirmi weydey in maamul la dhisu maxaana kalifey in ey isku xirmi waayaan madaama la isku duubna u jabhadeynta maamulka? Waxaa cajiib ah in la garwaaqsadey lana aqbaley "Hebilna gar leh Hebilna gar leh" ummaddii garteedii iyo xaqqiidii aawey? Akhriste yaa dhibane ah ma ummadda oo gashey xaalad adag iyo huug mise siyaasin waayey hadaf siyaasadeed iyo gaaris maamul? Bal adba jaleec wixii la soo marey maxaa wacey waqtigaas buu aboormey in ummaddu u xirnaato koox ama shakhsiyaad loo arkey culeys ciidan in ey leeyihiin arrinta Somalia-na gacanta u gahsey.

Ilaa manta shacabkii kama duwana boorsu lala shir tago si loo mujiyo ka wakiil ahaansho laguna toogsadu si loo helo daqaale. Caqligu-se ma oggolaan karaa in shacabka Somaliyeed yahay mid dulmiysan doorkii ka ciyaarey shacabku burburka iyo dulmiga hareeyey? Shacabka Somaliyeed markii gadaal loo noqdu doorkii ka ciyaarey dacdooyinkii na soo marey? Xasuus 1971dii jidadka Xamar shacab soo baxey oo ku qeylinaaya cod dheer " Jen. Qoorshel qorta gooya" la isma weydiin run ahaan xaq ma tahay. 1972dii shacabku waxay u soo baxeyn feersadeen toogashadii Gabeyre iyo saaxibadiis. 1973dii shacabku waxay feersanayeen sacabna ku dareen toogashadii culumadii diidey mabd'a 8da Mars ee xeerka qoyska.

Shacakbu waa kuwii lahaa "Aabe noolow noona waar". Meesha shacab ma joogu ee waa aalad naf iyo diig leh. Akhriste ha rumeysan gacan shisheeye iyo cadow Somaliyeed ba ka dambeeya dhamaan khalad kasta shaley ilaa maanta maxaa wacay feeri dhibka inta uu xad la'eeg yahay iyo waqtigu inta uu dhan yahay; so ma ahaa labaatan sano oo xariir ah malin iyo habeen marna aan la nasan. Isweydiin ya ku hudmey daqaale ahaan iyo magac ahaan, yaa wax noqdey sii bu wax ku noqdey iyo ka hur muxuu ahaa/maxay ahayeen? Yaa dani ogu jirta maamul iyo nidaam shaqeynaaya; maxaase lagu waayeyaa dhismo nidaam iyo kaladanbeyn leh sharci iyo canshuur la qaado? Ganacsatadu dowr intii la'eeg bey ka ciyaarta xaaladaha Somalia siyaasad ahaan iyo aboor koox hubeysan?? Ganacsatada ma rabaan dowlad leh dhamaan adeegi iyo nidaamkii dowladnimo ee la yaqiin? Waa mowduuc kale.

Ogu dhanbeyn ilaa shacabku shacab ahaan isu arku isuna muuqdu dad ahaan dareemaana jiritaan , diidana ka qeyb qadashada ololo kasta iyo masrax cusub lehna magac cusub laakin ujjeedadu tahay asalkii iyo huugii iyo qax joogta ah. Ilaa shacabku isagu doono doonista ka maqan ee uu lumiyey talo xumi iyo diyaar garow la'aan ; fahmana wuxuu doonaayo iyo sababta ku kaliftey doonis jiritaan isla mar ahaantaas la yimaado dhigana meel barnaamij iyo qorshe uu ku fuliyo xaqiijinta ujadadiisa xal lama gaari doono, Shaley shacabku waxay lahayeen Aabow waxaa xigey geesi halyey ah waxaa loo gudbey mujaahid iyo shahiid waxaa la qaatey Hafidullaahi waxaan loo rugey murtadeen waxaan joogana Abu iyo Amiir goorma ayaan shacab ahaan is arki doona oo eynu iska saari doona buhusha eynu iskiin isugu tuurney??

Wa Billaahi Towfiiq

Dhoore



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.