What you may have missed

Thursday, March 11, 2010

Waa maxay Macnaha iyo Macaanka Nabadda iyo Ayaatiinka Dalka Aaway?


Bal fiiri ilmahan aad ugu nastay dalka shisheeye oo ay ku soo koreen halka kuwii dalkeenii ku noolaa ay ku dhex jiraan barakac is baas. Aduunyoow xaal kaa ba'. Waa calool xumo in ilmaheena loo naxaariisan waayay har iyo habeena lala dul taagan yahay qaxitaan iyo cabsi aan dhamaad lahayn. Ilmahan video-gan aad ka dhex arki doonto waa caruur sida ka muuqata lagu soo korshay Australia. Waxaa sii dheer in caruurtaas ay ku koreen meel ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas iyagoo weliba u dhashay cid xoolo dhaqato ah.


Nabaddu waa lama huraan. Maxaa yeelay qofka bani aadamku waxa ugu horeysa ee uu u baahan yahay waa cunto, kadibna waxa uu raadiyaa hooy ama meel uu ku nagaado. Markii labadaa la helo uun baa waxii kale aduunyadu ku siiso la raadin karaa. Nabad la'aantu waxa ay kaa hor istaagee labadaas daruuriga nafta bani'aadamnka u ah.

Waxyaabaha caruurteenu gafaan, dagaalada dalka ka socday labaatan sano ku dhowaad, waxa ka mid ah wax barashada. Milaayiin caruur ah ayaa meeshii ay iskuulada u dhaqaajin lahaayeen, beryahaan la geeyaa foronyada dagaalada kuwaasoo halkaa ama ku dhinta amase wax ku laaya.

Hadaadan wax barasho uba soo jeedin, waxaan 'qoriyaan leeyahay' ahayn oo kaloo la sameeyo maba jirto. Hadii ay nasiib leeyihiin beryahaan dambe waa nasiib hadey helaan macalin quraanka bara, maadaama dugsiyadii iyo masaajidyadiiba la isku leynayo.

Filmkan gaaban ee aad halkaan ku arki karto waxaad ka fahmi kartaa macnaha macaanka nabadda. Waa ilmo ku nool guri ku yaala meel banaanada Australia kuwaasoo kuu sharaxaya sida loo dhaqo xoolaha, gaar ahaan sida loo bacrimiyo doorada loogana aruursado ukumaha ay dhasho.


Watch : Somali Farm Kids in Australia Interview



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.