What you may have missed

Monday, March 29, 2010

Abaabulka dagaal ee ASWJ ha hoos yimaado DKMG-da Si garab Cusub oo Dagaal usoo degin Caasimadda

Warar ayaa sheegaya in ASWJ garabka Muqdisho waddo abaabul ay ciidamo ku uruurinayaan Muqdisho kuwaasoo raba inay ka aarsadaan Alshabaab kadib markii la faagay qabriyo ku yaala caasimadda. Maxaan ka qabaa arinkaas?


Marka hore, aniga waxaan aamin sanahay in qofkii laga gardaran yahay gartiisa la siiyaa. Su'aasha waa sidee gar ama xaal loo heli karaa iyadoon qori la qaadan?

Maanta xaalka Soomaaliya ku sugan yahay waan la soconaa. Dagaal, isqaarijis, barakicin iyo madfac isku gumaad ayaa ka mid waxyaalaha dadka ku soo dhaca markii caasimadda laga hadlo. Qabuuro faagistu waa wax dadkeena (iyo caalamka Islaamkaba) ku cusub. Ma aha wax lagu yaqaan dadka isku sheega Muslimiinta ee waa ficilka xawayaanku ku kacaan. Sidaa darteedna ninkii Aabihii lafahiisii lasoo faago, waa inuu yur ka yiraahdaa xayawaankii faagay oo ood ku wareejiyaa qabrigaas. Marka maanta oodii ayaa isku bedeshay weerar dagaal maadaama ay dad waalani qodeen qabriyadii oo lafaha keyd ku guranayaan.

Dagaalka ASWJ ay leeyihiin waa abaabuleynaa muqdisho ayaana ka dagaalamaynaa waa mid aniga ila roon in ay joojiyaan. Maxaa yeelay, Muqdisho uma baahna koox cusub ee dagaal. Waxaa horey u jira Xisbul Islaam, Alshabaab, AMISOM iyo Dowladda. Shacabka reer Muqdisho ma u adkeysan karaan inay koox hor leh afartaas geesood kusoo biiraan oo iyaga dhinac ka degaan magaalada.

Waxaan kula talin lahaa garabka dowladda inay la wareegaan dhamaan abaabulka ASWJ Muqdisho ka waddo kadibna u yeelaan magac dowladeed si dagaalka garabkaasi qaado u noqdo mid sharciyaysan oo dowladda hoos yimaadda.

Ma laha wax isweydiin ah in hadii abaabulka aswj la shariyeeyo noqon karo mid leh waxtar wanaagsan kasoo shacabka reer Muqdisho ee ka daalay gumaadka kooxaha mucaaradku ay ka qayb qaadan karaan.




Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.