What you may have missed

Tuesday, March 16, 2010

Miisaaniyadda 2010 ee Puntland oo Kaa Yaabineysa

Miisaniyadda uu Madaxweyne faroole iyo Wasiirkiisa Maaliyadu u gudbiyeey in lagu dhaqmo halka sanno ee 2010, waxa ka muuqatay sidaan horey usoo bayaaminayba inaan la isku hawlin oo saacadda u dambeysa inta tii hore la soo qaato lambarada uun la kala beddelay iyada oo aan cidna la gala tashan khaasatan wasaaradaha iyo golayaasha ay khuseeyso.


Miisaniyadda uu Madaxweyne faroole iyo Wasiirkiisa Maaliyadu u gudbiyeey in lagu dhaqmo halka sanno ee 2010, waxa ka muuqatay sidaan horey usoo bayaaminayba inaan la isku hawlin oo saacadda u dambeysa inta tii hore la soo qaato lambarada uun la kala beddelay iyada oo aan cidna la gala tashan khaasatan wasaaradaha iyo golayaasha ay khuseeyso.

In Miisaasiydda 2010 ee maamulka Puntland tahay mid dano gaar ahaneed loo dejiyey waxaa cadayn inoogu filan, maamulku isaga oo aan soo bandhigin kharashka runta ah (actual) ee baxay sannadkii hore 2009 si loo ogaado loona naqdiyi karo faraqa (deficit or surplus) u dhexeeya miisaniyadda mala’awaalka ah (estimate) iyo kharashka runta ah. Ayuu soo gudbistay oo Golaha wakiilada ka ansaxsaday Miisaaniyda 2010 oo wax badan ka badan tii uu dejistay 2009 iyadoo aan xisaab celintii Miisaaniyadii 2009 cidiba is weydiin in Goleheena Barlamaanka aqoontooduba halkaa ma gaarsiisnee!!

Waxa ka muuqata miisaniyadda 2010, been-abuur cad sida miisaniyadda loo qoondeeyay gurmadka deg dega ah iyo gurmadka abaaraha oo aan wax caqliga geli kara aheyn;
ta loo qoondeeyay kharashka madaxtooydu ku bixiso dabaal degyada, Gadasha Gaadiidka iyo Qalabka, Taakulaynta saxaafada, Marti galin iyo Dhowaynada; ta loo qoondeeyay safarada dibada oo aan midna waxba ka jirin (hoos ka daalaco) iyo kuwa kale oo la mid ah. Haddaba waxaan hoos ku soo bandhigayaa dhaliilaha ka muuqda miisaniyadda 2010

Gurmadka iyo Abaaraha la Hafraayo
Kharashka miisaniyadda ugu jira Gurmadka Deg Dega ah iyo Gurmadka Abbaaraha wuxuu dhan yahay oo loo qoondeeyey in bilkasta lagu baxsho:
Gurmadka Deg Gega ah 2,500,000,000 So Shillings
Gurmadka Abaaraha 150,000,000 So Shillings
Isugaynta Wadarta 2,650,000,000 So Shillings

Waa kharaj isugayntiisa bileed hadii doollar laga dhigo dhan tahay $81,583 bilkasta, hadaba su’aasha muhiimka ahi waxay tahay Puntland waa tan oo aynu xogteedaba haynee sadexdii billed oo aynu 2010 ka soo dhaafnay dawladu ma samaysay kurmad deg deg ah ama taakulay abaareed, lacagtiise waa tanoo baxdaye, yaa qaatay?

Maansha Allaa haddii xoolo dhaqatadeena markay abaari hesho iyo dan yarteena bilkasta lacagtan $81,583, (Sodon iyo Sadex kun Sided Boqol iyo Aftan iyo Lix Kun oo Doolar)meel loo dhigi lahaa oo loogu gurman lahaa markay baahidoodu timaado waxaynu la mid noqon lahayn wadamda horumaray.

Kharashka la yaabka leh
Safarada dibada 1,100,000,000 So Shillings
Marti galin iyo Dhowaynada 800,000,000 So Shillings
Kharashka Dabaaldegyada 70,000,000 So Shillings

Waa cajiib waana wax lagu qoslo runtii in Madax weyne faroole oo intii uu xilka hayeyba 3 jeer dibada u baxay uu hadana bilkasta labaxo lacag dhan $33,846 (sodon iyo sadex kun sided boqol iyo aftan iyo lix kun oo doolar) taas oo hadii uu boxo iyo dadii uu joogoba laboxo lacagtaas, kaba darane Puntland waayo cida ay bilkasta marti gelinta iyo soo dhowaynta ugu samaysaa $ 25,000 (labaatan iyo dhanta kun oo doolar)

waa layaabe bilkastana ma dabaal degbaa?
Dabaal degii Kowdii Ogosto ee 2009 waa markii kali ahaa ee Puntland dabaal degtay, kharajkii ku baxayna waa mid ay isu xil saareen qaar ka tirasan golaha wasiirada sida: Wasiiru dawlaha Maamul wanaaga, (Mr Gaashaan) Wasiiradda Wasaarasa Haweenka (Caasho Geele) iyo Wasiirad ku xideennadii hore ee Wasaaradda Qorshaynta ( Saynab Ugaas) kharajkaas oo dhamaantii Wasaaradaha laga dhex qaaraamay oo addeegooda bil ahaaneed laga jaray.
Hadaba xagee ayeey martaa lacatan bilkasta dabaal dega lagu magac daro?

Deynka.
In kasta oo Madaxweyne Faroole la wareegay Maamul dhisan, nidaam iyo kala danbayn ka jirto, hanti badan oo maguurto ah maamula, hadana wuxuu ku dhawaaqay in aanu aqbili doonin wax dayman ah oo maamuladdi hore lagu lahaa,
Garanay oo maamuladii hore waxaa xiliyada qaybtood soo wajahay arrimo colaadeed oo kharaj badani ku baxay sida: Gobolka Sool iyo Mudug (Bandiirad leey)
Hadii Madaxweynuhu waxba kama jiraan aanu isagu shaqo ku lahayn ku tilmaamay daymankii maamuladdii hore shacabku ku lahaa maxay yihiin daymanka uu bilkasta bixiyaa? goorma ayaa la amaahday? yaase laga amaahday?
Dastuurka waxa ku qeexan in wixii deyn ah ee magaca Maamulka lagu gelaayo waa ina uu golaha Barlaanku ansixiyaa. Taasina ma dhicin oo daymanka aan lagalin oo bilkasta bixintoodu taagan tahay golahaba abbid lama horgayn!!

Su’aasha Qormada 4aad:

Lunsiga Hantida umadeed yaa iska leh Mas’uuliyadeeda. ?

 Ma isimada iyo cuqaash Baarlamaanka ku soo xulay hebel Ciyaalka haku korsado ayaa iska leh?
 Mise shacabkii arintaas ka dhiidhiyi waayey oo marin habaabintii Isimada iyo Cuqaasha raaliga ka noqday baa iska leh?


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.