What you may have missed

Thursday, March 18, 2010

Wasaaradda Garsoorka oo muujisay in Dowladdu dadkeena Ku Dhaqeyso Shareecada


Inkastoo kooxaha mucaaradka ay markastaa ku celceliyaan in dowladda KMG ah ay shareecada islaamka si xuub saar ah u ansixisay oo ayna ku talo gelin inay dadka ku dhaqdo, hadana waxaa jira dhaqdhaqaaqyo badan oo ay dowladu, siiba wasaarada cadaaladda iyo garsoorku, ay ku muujinayaan in dowladdu shareecada Islaamka ku dhaqankeedu dhab ka tahay. Maxaa ka mid ah waxyaalaha cadeynaya ujeedada dhabta ee DKMG ah ka leedahay ansixintii shareecada Islaamka?




Dhowaan ayaa waxaa waxaa dhoola tus ama shir ay qabatay wasaaradda cadaaladu ay kaga hadashay hoolalka maxkamadda oo ay fureen kuwaasoo ah kuwo dadka loogu garsoorayo iyagoo lagu kala bixnayo looguna garsoorayo shareecada Islaamka. Video warbixin ah oo ay UniversaltV ka soo diyaarisay shirkaas hoos ka daawo halkaan.

Hoolal loo furay Maxkamadda Ku dhaqanka Shareecada islaamka ee Soomaaliya

Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.