What you may have missed

Saturday, March 13, 2010

Xuubsireed iyo Rag Ka Harey Kooxdii Asmara oo Amiirka Safarkiisa Ka Xumaaday

Zakariye Max'ud Xaaji iyo Xuubsireed oo ku fashilmay shirar iyo borobagaan ay ku carqaladeyn lahaayeen safarka taarikhiga ah ee madaxweyne Shariif ku marayo dalka Ingiriiska.



Zakariye Max'ud Xaaji oo caan ku ah siyaasadaha aan fadhin ee saldanad raadiska ku dhisan ayaa cod qeylo ah ku sheegay inuu xil ka rabo dawladda madaxweyne Shariif kadib is arag ay sameeyeen isaga iyo laba nin oo kala tirsan isbahaysigii laga kala tagay ee Asmara.

Zakariye oo hada ku soo aruuray qaadashada lacagaha Ceryta ah ee ay siiso dawladda Ingiriiska maadama uu siyaasada ku fashilmay aya caan ka noqday fadhi ku dirirada ay Soomalida Birmingham isugu yimaadaan , waxaana dad badan ay ku sheegeen in salfudeyd aan lagu aqoon Zakariye lagu arkay iyo hadalo uu ogaal la'aan isaga hadaaqo tan iyo markii uu ka haray dawladda Shariif.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in uu hamiyey inuu kulamo siyaasadeed iyo borobagaan ku carqaladeeyo safarka madaxweyne Shariif ku maraa dalka Ingiriiska ha yeeshee gudiga qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha oo ka war helay abaabulka Zakarkiye ayaa isugu daray digniin iyo hanjabaad ku aadan hawlaha uu ku damacsanaa carqaladeynta safarka madaxweynaha.

Zakariye Xaaji oo wali sheegta hogaanka ururka lagu kala tagay ee isbaheysiga Asmara ayaa caro iyo madax xanuun ka qaaday sidii magaalooyinka Ingriiska loogu soo dhaweeyey madaxweynaha Soomaliya oo xili ay iskala tirsanaayeen isbaheysigi Asmara lagu unkay.

Zakariye ayaa wali waxaa uu damac kaga jiraa inuu siyaasada meel uun ka soo galo maadama uu jaranjarada ka dhacay xili xasaasi ah iyo isagoo u bukay xil.

Dadka yaqaaana Zakariye ayaa ku mcineeyey sababaha uu u seegay calafkii uu ka heli lahaa dawladda Shariif isagoo fudfudud iyo ka been sheegidiisa waxa uu aaminsanyahay , waxaana ay ku sheegeen nin matala Itoobiyaan naceyb iyo wadan jaceyl ha yeeshee marka gadaal loo sii aqriyo ayaa la sheegay inuu yahay nin intaas oo dhan isaga dhigayey inuu xil helaa kaliya.

Zakariye oo ka soo jeeda Puntland waxaa la rumeysanayhay inuu siyaasadii isbaheysiga markuu soo galayey uu sheegay inuu u soo galay xabashi naceyb ha yeeshee la ogaaday inuu baxsad ka ahaa C/laahi Yuusuf oo diidanaa in ay kawada dhex muuqdaan hogaanka beesha bari.

Dhinaca kale Xuubsireed oo ah C/laahi Yuusuf seedigiis ayaa isna ku hubgoobay hadalo uu fadhi ku dirirada ka waday oo uu ku damacsanaa in taagerayaasha taliskii liicay ee C/laahi Yuusuf uu uga dhaadhiciyo iney abuuraan qorshayaal looga hor imaan karaa safarka madaxweynaha laakin waa uu hungoobay isagoo soo dhaafi waayey inuu isticmaalo bogag ku shaqeeya siyaasado aan la aqoon oo fikradaha dawladnima diidnimada mar walbaa ku shaqeeya.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.