What you may have missed

Friday, September 26, 2008

R/wasaare N/Cadde iyo wafdi uu hogaaminayo oo saakay Muqdisho kasoo dagay

Waxaa saakay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kasoo dagay wafdi uu hogaaminayo ra,iisal wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade), wafdigaasoo diyaaradii siday ay si nabadgalyo leh usoo cagadhigatay dabadeedna uga duushay garoonka iyadoo aan wax hoobiyayaal ah lagu tuurin .

Wafdiga ra`iisal wasaaraha ayaa waxaa uu ahaa mid horay loo shaaciyey, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen masuulyiin ka tirsan xukumadiisa iyo weliba ilaalada Gaarka ah ee ra'isul wasaaraha.

Ra'isul wasaare Nuur Cadde oo hoogaaminayey wafdigii dowlada Somaliya uga qeyb galay wadahadaladii Mucaaradkaee Jabuuti ayaa waxaa Imaanshihiisa Muqdishu ku soo aadaysaa xili koox diimeedka Al-Shabaab 13/09/2008 soo saareen hanjabaad ah in aysan haba yaraatee wax diyaarad ah ka soo degi karin garoonka kana duuli Karin.

Arintan ayaa waxa ay meesha gabi ahaanba ka saareysaa hanjabaadii aheyd in aysan garoonka Muqdishu ka soo degi karin wax diyaarado ah, iyadoo ey sidoo kalena diyaarado kale ey kasoo dageen garoonkaasi ka hor safarkan wafdiga ra`iisal wasaaraha balse kuwaasi hoobiyayaal lagu tuuray iyo kuwo loogu soo jawaabayba ey galaafteen nolosha dad badan oo rayid ah.

Afhayeenka ciidamada Amisom ayaa waxaa uu shabakada Calanka u xaqiijiyaya in wafdiga raiisal wasaarahu si nabadgalyo kusoo gaareen garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoo aan wax duqeyn ah loo geesan sidii laba jeer oo horeyba dhacday.

Bayaankii ey ku xireen garoonka Muqdisho kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ey ku sheegeen in garoonkaasi ey isticmaalaan waxa ey ugu yeereen cadowga sidaas darteedna ey hanjabaadda usoo saareen balse arintan ayaa saameysay oo kaliya diyaaradaha rakaabka ee dadka rayidka ah raacaan maadaama kuwii "cadowgu" ey habeen iyo maalinba ey si caadi ah u isticmaalaan garoonka.

Go`aankan "lagu xiray" garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa Cambaareyn kala duwan u jeediyey ururo kala duwan oo ey u horeeyaan Ururka Mucaaradka ee la baxay Dib u Xoreynta Dalka..

Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma shaacin in uu garoonka xiranyahay ama uu furanyahay, waxaana maanta magaalada Muqdisha ay tahay mid degen walow uu soconaayo qax xoogan oo looga barakacayo xaafadaha ka agdhow suuqa Bakaaraha.

Wednesday, September 10, 2008

Somali MP Shot Dead In Baidao

The Transitional Federal Government lost a Member of Parliament earlier today on September 9, 2008 after he was shot with a pistol at a close range three times by an unidentified Gunmen In Baidao, the interim Capital of the war-torn Somalia.

Several witnesses said the killers shot MP Mohammed Usman Maye near Dahabshiil office in Baidao. He died at the scene while the assassins escaped un-confronted by anyone. It is rare that the culprits are caught in assassinations like this, said one witness.

According to Dalkanews.com the dead MP complained about his safety in Baidao recently as he was threatened by other TFG government members. Recently, there were threats on his life coming from other MPs such as MP Shati Gudud and Sh. Aden Madobe.

The city's residents have seen a surge of assassinations, bombings, and armed clashes between the TFG and anti-goverment forces. Currently, the city is surrounded by Al-Shabab fighters in all corners while the Parliament is surrounded by a mix of Ethiopian and TFG forces for the security of the MPs. However, all over the city, Al-Shabab fighters walk about freely.

Contrary to the believes of Baidao's residents - that the city is not safe - MP Shati Gudud who is from Baidao told the press after MP Mohammed Usman Maye's assassination that the city is safe for everyone to live in.

So far, no one claimed responsibility which is in line with previous assassinations in Somalia.
Click On Title To Read Full Story

Tuesday, September 9, 2008

Ex-Somali President Met with South African President to Better Situation of Somalis in His Country

The former Somali President, Dr. Abdul-Qasim Salad Hassan recently met the South African President Thabo Mbeki in South Africa. The the Presidents discussed in a long meeting the current instability in the Horn of Africa with regards to the Somali people's continuing struggle with civil wars and now foreign intervention.

The two also brought to the meeting table the harassment by Mbeki's people on the Somali refugees in South Africa.

Dr. Abdul Qasim told Mr. Mbeki that the Somali refugees do not deserve the kind of treatment they get from their African brothers while they are in their home land. He reminded the African President about the days of civil injustice when the whites ruled the South African people and how they ill treated the black people in Africa with no dignity. The former Somali President brought into Mr. Mbeki's attention that the Somali people gave full support to South African people during their past ANC struggle.

Now, it is South Africa's turn to assist the Somali people in their struggle, suggested the former President of the TNG of Somalia. He condemned acts of robbery, murders and harrasments against Somali refugees in South Africa.
Click on Article Title


Sunday, September 7, 2008

Simba News web site Hijacked


Simba News, a very popular Somali News web site operating straight from Mogadishu has its web site Hijacked by anonymous hackers. It appears that simbanews.com is displaying pop ups opening third party web sites without the knowledge of the web masters of this high traffic web site.


Basically, when you open a news article on the front page of Simba News, the article loads. In addition one or two more new web browser instances open up on your screen with web sites you normally would not visit. Some times the pages include perfpot-com which is not a very suitable web site for Simba News audience.


I am not sure when the web masters of this Popular Somali News web site will take notice of this, but I hope it does not cause problems for the Somali readers that came to read the news, but find inappropriate pop ups.

Friday, September 5, 2008

Iran urges change in US hostile policies

Tehran would be ready to hold talks with Washington on the basis of "mutual understanding" providing the White House changes its hostile policy towards Iran, said President Mahmoud Ahmadinejad in an interview with the Japanese English channel, NHK.

Ahmadinejad also advised Washington to solve its own problems rather than interfere in the domestic affairs of other countries, IRNA reported.

Tehran and Washington have had no diplomatic ties for nearly thirty years after Iran's Islamic Revolution toppled the regime of the US-backed Shah of Iran in 1979. Since then, the US has imposed various political and economic sanctions against Iran.

The US, Israel and their allies accuse Iran, a signatory to the nuclear Non-Proliferation Treaty (NPT), of following a secret military program. Iran denies the charges and says it only seeks to obtain peaceful nuclear technology within the framework of the NPT.

The UN Security Council, under US pressure, slapped Iran with three rounds of sanctions over its nuclear program, despite International Atomic Energy Agency's (IAEA) confirmation that enriched uranium in Iran does not exceed 3 percent, a rate consistent with the construction of a nuclear power plant.

The UN nuclear watchdog has conducted extensive inspections on Iranian nuclear sites.

The Islamic Republic says the White House uses sanctions and threats as a 'tool to impede' the progress of the Iranian nation.

President Ahmadinejad had proposed to have a debate with the US President George W. Bush during his visit to New York in September 2007. US officials, however, rejected the offer.
Q\ olad .xigasho presstv

Maleysia oo shaaca ka qaaday in si xoog ku soo furan doonto Marka afduub looga heysto xeebaha Somalia.

:- Ra'iisal Wasaare ku xigeenka dowladda Maleysia, Najib Razak oo maanta u waramayey saxaafadda ayaa sheegay in dowladdiisu si xoog ah ku soo furan doonto marka laga lee yahay dalkaasi oo afduub loogu heysto xeebaha Somalia, hadii ay ka dhago adeegaan in wada hadalo lala galo kooxaha gacanta ku haya markabkaasi sida ay sheegtay Maleysia.

Najib Razak ayaa intaasi ku daray in xeebaha Somalia u soo diri doonaan illaa seddex Markab nooca dagaalka si ay u soo furtaan markabka afduubka loo heysto ee laga lee yahay dalka Maleysia, iyadoo sarkaal u hadlay wasaaradda difaaca Maleysia uu xaqiijiyey warkan.

Hadalka ka soo yeeray dowladda Maleysia in ay si xoog ku furan doonto Markab ay leedahay ayaa ku soo beegmaya xilli biyaha Somalia afduub loo heysto inka badan tobar Markab oo ay la socdaan shaqaale iyo waliba dalxiisayaal shisheeye ah.



Q\ olad

Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya oo Wafdigii ugu Cuslaa u diray Gudaha Dalka Soomaaliya (Qaas ahaan Magaalada Kismaayo).

Wafdi aad u balaaran oo ka socda Isbahaysiga Dib u xoreynta Somalia Ahna kii ugu Cuslaa tan iyo intii lagu dhawaaqay Isbahaysiga ayaa ka dhoofay Caasimadda dalka Eratera ee Asmara, Iyaga oo ku sii jeeda Gudaha dalka Somalia Gaar ahaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose oo ay dhawaan gacan ku heynta maamulkeeda ay la wareegeen Mujaahiddiinta is garabsaneysa, Wafdigan oo ka kooban 7 Xibnood oo kala ah:-
Sh Hassan Mahdi xoghayaha Caddaaladda iyo Garsoorka



Dr Mohamed Axmed Maxamed Dr Maxamed Dheere Xoghayaha Caafimaadka.



Dirshe axmed Wacays (diriye) Xoghayaha arimaha gudaha.



Abdinaasir Seerar Maax Xogahayaha Golaha dhexe.



Muuse Abdi Arale Xogahayaha Arrimaha Bulshada.


Maxamed A Adeec Xoghaya ku xigeenka dib u heshiisiinta.



Ismail Xaaji Addow Xoghayaha Daryeelka iyo Arrimaha Kheyriga.

Wafidigaas ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulumo isdaba joog ah la qaato Sh Xassan Turki iyo Maamulka 3da gobol, Sidoo kale waxay gacan ka geysan doonaan Wafdigan Dhisitaanka Maamullada la rajeynayo in laga sameeyo Jubbooyinka.


Wafdigan ayaa ka wada Dhambaallo Khaas ah oo Saaxibtinnimmo iyo Shaqaba Gudoomiyaha Isbahaysiga Sh Hassan Dahir Aweys iyo Dr Cumar Imaan abu Bakar dhambaaladaas oo ah sida la sheegay kuwa Qaaska ah waxa ay si toos ah ugu socdaan Sh Hassan Turki.

Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u Xoreynta Somalia Sh: Xasan Dahir Aweys oo wafdigan ku sii sagootiyay Gegida Dayuuradaha ee Magaalada Asmara ayaa sidoo kale Wafdigaas ku wareejiyay shixnado daawooyin ah oo loo wado Isbitaalka Kismaayo si loogu dabiibo dadka ku taabalaysan Gobollada Jubbooyinka .

Sidoo kale Dr Mohamed Dheere oo ah xoghayaha Caafimaadka ahna dhaqtar waxuu si mutadawacnimo ah u xoojin doonaa isla markaana gacan gacan ka geysan doonaa Isbitaalka Magaalada Kismaanyo oo la rajeynayo inuu in Muddo ah ka shaqeyn doono Isbitalka, Madaama ay dhaqaatiirtu ku yartahay.

Wafidigan ayaa wuxuu kaloo sharaxi doonaa isbedelka ku dhacay Usbaheysiga iyo Go, aanka adag ay gaaren in aysan la hadleynin qolada ku biirtay Embagati ee ka leexday hadafkii Gobannimadoonka ahaa .
Q\ olad

European Court of Justice annuls Al-Barakat assets ruling

Somali blogs and news  will keep you posted on any additional reports coming of out of Mogadishu about this story. 
Somchat would like to publish your story.  Please send us your link so we can review it and publish it!
Sponsor Promotion
Start Answering Questions and Get $2.00 or More per Survey:
Europe's highest court has overturned a ruling to freeze the funds of a Sweden-based foundation that used to be one of Somalia's biggest money transfer firms.

The European Court of Justice has given the EU three months to inform al-Barakaat International Foundation why its funds were frozen.

Read on BBC News. Court Annuls Somali Assets Ruling

 
Source: Somalia blogs and news 
Technology  Somali Blogs  http://windowsandlinuxwebhost.blogspot.com/

Sports > http://torontobasketballfans.blogspot.com/

 Additional Somali Sources

Af Soomaali blog | Somalia Blog | YouSomali | Number 1 Somali Blogs |  Mogadishu News | Current Somali News  |  Somali News Articles | United Islamic Courts Blog | Somali News Blog | Somali By Somalis | Somali Cities Blogs | US Agenda In Somalia | Somali Music

Other Somali Sources Amin Arts Discussions | Somali News and Blogs 

 

Thursday, September 4, 2008

Somali Civilian Killed For His Mobile

The copy-Ethiopia TFG militia killed an unarmed civilian near City View hotel in Mogadishu. In light of casual argument the victim tried to retake his mobile phone which was confiscated by the armed bandits, he was sprayed with bullets of an automatic AK47 and dropped dead on the spot.

The killings by the TFG militia are very common in Mogadishu. During the past month or so, since the new armed bandits who were trained in Ethiopia and known as copy-Ethiopia, arrived in Mogadishu, they killed people in broad day light perhaps sensing they were given the licence to kill.


The young man killed today was accompanied by a friend whose mobile was also robbed by the same TFG robbers while they travelled together at Florence and Hararialle Intersection. Apparently, he did not try to get his mobile back so he survived. But unfortunately, his friend died trying to get his cell phone back.

The two men ran away earlier from Bakaraha market which was hit continuously with artillery by the TFG militia that were attacked yesterday near Somali Villa, the Presidential palace.

Wednesday, September 3, 2008

Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gelinkii dambe ee shalay gaaray

Wafdi baaxad weyn oo uu hogaaminayo gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed ayaa Shalay gelinkii dambe soogaaray magaalada Nairobi. Safarkaan uu gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ee uu kuyimi Nairobi waxaa kuwehlinayay xubno kamid ah isbaheysiga waxaana xubnahaasi kamid ahaa gudoomiyaha gola dhexe shariif xasan sheekh Aadan iyo xubno kale.

Wafdigan oo soo dhaween heer caalami ah loogu sameeyay Hotelka Safari Park ayaa waxaa dadkii soo dhaweeyay kamid ahaa ganacsato culumaa'udiin aqoonyahano siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadii lagu soo dhaweenayay wafdiga ayaa waxaa ka hadley gudoomiyaha golaha dhexe isbaheysiga shariif xasan sheekh aadan gudoomiyaha waxa uu sheegey iney ay soomaalida gacmaha is qabsadaan isla markaana ay ka tashadaan mustaqbalka iyo ayaha danta umada soomaaliyeed isagoo ilaahey uga baryey munaasabada bisha ramadaan aawgeeda in umada soomaaliyeed uu ka saaro dhibaatada ay ku jiraan nabada ay taageeraan umada soomaaliyeed.



Gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreenta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu iftiimiyay in ay muhiim tahay in lataageero dadaalada nabadeed ee haatan soconaya waxaauuna daboolaka kaqaaday in nabadu aytahay mida kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta oo kadhalata dalka ay colaaduhu dishadeen ee soomaaliya.

Article Posted on Alqaadisya.com









Somalia - ICU Shuts Down Restaurants In Beledweyne


Members of the ICU in Beledweyne shut down local restaurants where Ethiopian troops are said to have been buying and eating their meals during the fasting hours of holly month of Ramadan.

As the Ramadan started two days ago, the Islamic Courts Union fighters vowed to destroy any restaurant or shop selling ready food for eating at site, specially those located at near or at the areas the Ethiopian troops control. They also warned anyone found in the act - eating at the restaurant- will be detained.

The Ethiopian troops and the ICU fighters both occupy the capital city of the Hiiraan. Beledweyne has been a fighting front for the two forces for some time now and it seems neither one of them is in full control of the city during the Ramadan.

In some parts of the City, restaurants are seen open during the day hours to serve non-fasting secular individuals as well as members of the occupying Tigre troops. The majority restaurants, however, located in areas under the ICU control are closed during the fasting hours.

Sidee baynu u qaabilnaa Bisha Ramadaan ee Barakaysan

Ilaahay ayaa mahadle Calamiinta oo dhan Rabigooga, waxa qirayaa in illaahay mooyaane alle kale jirin cibaadadana cid kale ku lamaanay mayno, waxa kaloo aan qirayaa in maxamed yahay adoon alle iyo Rasuul alle soo dirayba (N.N.K.H).
Q\ olad


Waxaynu Halkan kaga warami doonaa sidee bay tahay in aynu u qaabilno Bisha Ramadaan ama qaabkii iyo dariiqii aynu u soo dhowayn lahayn Ramadaanta, Muxuuse yahay Micnaheedu, Muxuuse illaahay uga fadilay bishan dhammaan bilaha kale?



Waxaanu kaloo kaga warami doona arimo badan oo la xidhiidha Bishan Barakadaysan iyo sidii ay asxaabtii ay u gudan jireen.



Waxay ahaayeed dadkii hore ee muslimiinta ahaa ee ka mid ahaayeen Asxaabtii Rasuulka (CSW) kuwo garanaayeen qiimaha ay leedahay bisha ramadaan, inagana ku dayasho ayaa inooga sugan, si aynu u raacno dhaqankii wanaagsanaa ee ay ka dhexleen Rasuulka (CSW).



Hadaba waxay ay ku hamiyi jireen bisha ramadaan, waxayna ku farxi jireen bisha ramadaan, markay ay bilaabmato waxayna illaahay ay ka beryi jireen in uu gaadhsiiyo bisha ramadaan, marka ay gaadhaan waxay illaahay ay waydiisan jireen inuu ka aqbalo soonka iyo cibaadoonyinka kale, waxayna soomi jireen ramadaanta maalin kastoo ka mid ah iyagoo aad iskaga ilaalinaya waxyaaba soonka daciifiya sida laqwiga, dheel dheelka, xanta, isku dirka dadka iyo beenta. Asxaabtu waxay habeenkooga ay ku noolayn jireen Salaatu layl iyo Qur'aanka akhriskiisa, waxayna u sama fali jireen ama ay u naxariisan jireen dadka masaakiinta ah iyo faqarada, iyagoo siinayay cunto iyo waxyaabo ay ku soomaan. Waxay nafahooda ay kula jihaadi jireen adeecida illaahay, cadowga islaamkana waxay kaga jihaadayeen siday kalmada illaahay ay u sarayso.



Hadaba Bisha Ramadaan maaha bil dheel dheel, hurdo iyo caajisnimo sida dadka qaar u haystaan, laakiin bisha ramadaan waa bishii jihaadka iyo cibaadada iyo camalka fiican. Sidaa darteed ayay waajib inagu tahay in aynu u qaabilno si farxad iyo karaamayn leh.



Bishan Ramadaan Illaahay (SW) ayaa u doortay oo nagu waajibiyay in aynu soono, waana bishii la soo dajiyay Quraanka Kariimka ah si dadka looga saaro mugdiga iyo dulmiga looguna yeedho xaqa iyo nuurka. Hadaba sidee baynu ugu farxeen bisha ramadaan? Waa bisha la furo albaabada janada, kuwa naartana la xidho, Shayaadiintana la xidho. Waa bil xasanaadka la laban laabo, muumiintana darajooyinkooga la dalacsiiyo dhinaca illaahay gafafka iyo danbiyadana laga dhaafo.



Waxa inala gudboon in aynu ka faa’iidaysano fursada nolosha ee caafimaadka iyo shabaabnimada ay ka mid yihiin, inagoo uga faa’iidaysanayna illaahay adeecidiisa iyo wanaajinta cibaadada illaahay, kana faa’iidaysanayna farsada bisha ramadaan ee barakaysan.



Waa in aynu cusboonaysiina balankaynu illaahay la galnay, inagoo la imanayna toobad dhab ah oo aynu markasta ka toobad keeno dunuubteena inagoo ku sugnaanayna adeecida illaahay, u hogaansanaata amaradiisa iyo ka fogaanshaha waxyabaha la inaga reebay si aynu uga mid noqono kuwa liibanay.



“Maalinta aynan ina anfaceen maalka iyo ubadku mid la yimaada qalbi wanaagsan mooyane” Ilaahay run ayuu sheegay koreeye markuu yidhi “ninka adeeca illaahay iyo rasuulkiisa ayaa liibanay liibaan wayn”



Hadaba waa in aynu ku dadaalno waxyaabaha illaahay inagu waajibiyay iyo waxyaaba laga jecel yahay illaahay agtiisa oo aynu ka dheerano waxyaaba la inaga xaarantimeeyay bisha ramadaan ee barakaysan iyo wakhtiyada kaleba, inagoo raacayna oo hadalka illaahay “Rabigaaga caabud ilaa inta ay yaqiintu kuu imanayso” ilaa aad dhimanayso “waxa aad tidhaahdaa salaadayda wax gawricidayda, noloshayda iyo dhimashadaydaba illaahaybay u sugnatay rabiga caalamiinta, cidna shariig yeeli maayo sidaas baana la i amray, waxaana ahaanayaa kuwa ugu horeeya muslimiinta”.



Waxa inala gudboon in aynu ku qaabilno Bisha Barakaysan go’aan dhab ah soomideeda iyo soo jeedkeedaba, inagoo rumaysan illaahay oo isaga agtiisa naxariis iyo danbi dhaaf ka rajaynayna, waa in aynu ka soonnaa hadalka kiisa xun, indhaha iyo araggooga, dhegaha iyo maqalkooga, cuntada iyo cabida la inaga xaarantimeeyay si aynu illaahay agtiisa uga helno danbi dhaaf oo aynu uga mid noqono kuwa naarta laga xoreeyay, waxa inala gudboon in aynu xafidno eedaabta soonka ee ay ka mid tahay suxuurta oo dib loo dhigo iyo afurka oo la soo dedejiyo marka aynu ogaano in ay cadceedu ay dhacday, camalada wanaagsan iyo khayrka oo la siyaadiyo.



Qofka sooman oo haddii cidi aflagaadaysay ku yidhaa “anigu waan soomanahay” iskana ilaaliya in uu isaguna caayo cidii cayday, waa in aanu qofka soomani qofka xumaan kala horyimaada xumaan kale ka hor geeyn ee ha ugu jawaabo kalmad wanaagsan, si uu u dhamaystirmo soonkiisu camalkiisana loo aqbalo. Waxa inala gudboon in aynu hawl kasta oo aynu qabanayno u qabano illaahay dartii, soonkeena, salaadeena iyo dhammaan camaladeena. Waayo Illaahay (SW) camalna ma aqbalo wixii aan ahayn mid ilaahay wiji laga doonayo, camalka wanaagsan ee illaahay dartii loo qabto ayuunbaa waafaqsan sunaha Rasuulka (CSW).



Waxa inala gudboon haddii aynu nahay dad islaam ah in aynu xafidno salaada taraawiixda inagoo ku dayanayna Nebiga (CSW) iyo asxaabtiisa illaahay ka rajaynayna ajar iyo xasanaad, Nebigu (CSW) waxa uu yidhi “Ninka u kaca bil ramadaan cibaadada illaahay isagoo illaahay rumaysan wanaagna ka rajaynaya illaahay wuxuu ka dhaafa danbiyadiisi hore”



Waa in aynu ku noolayno bisha ramadaan tobanka habeen ee ugu danbeeya salaad, iyo qur'aanka oo aynu akhrino, xuska illaahay oo aynu badino iyo inagaa illaahay wanaag waydiisana oo xumaan iyo ciqaabtiisana ka magan galayna, inagoo raacayna sunaha rasuulka CSW.



Waxa Bisha Ramadaan ku jira habeen laylatu khadri ah oo ka khayr badan 1000 bilood oo u dhiganta 83 sanadood iyo 4 bilood, waa habeen barakaysan oo illahaay ku sharfay soo dajintii qur'aanka, waxa hebeenkaa soo dega malaa igta oo malaku jibriilna ku jiro. Waa habeen qofka cibaado ku soo jeeda illaahay uu ka dhaafo danbiyadii uu galay oo dhan. Hadaba waxa la gudboon qof kasta oo muslim ah in uu habeen kasta ku dadaalo cibaadada illaahay, toobada, xuska illaahay, ducada, danbi dhaafka iyo isagoo illaahay waydiisanaya janada naartana ka magan gelaya.



(Nebigu (CSW) tabanka dambe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuu u adkaysan jiray ehelkiisana wuu toosin jiray) inaga waxa inagaga sugan Rasuulka illaahay ku dayasho wanaagsan.



Qofka muslimka ah ee sooman waxa ka mabnuuca ah in uu u dhowaada dumarka, waxa la gudboon qofka muslimka ah ee sooman in uu ku dadaalo qur'aanka akhriskiisa isagoo u fiirsanaya oo ka fikiraya macna qur'aanku xamaarsan yahay si uu xujo ugu noqdo maalinta qiyaame oo uu illaahay uga shafeeco qaado. Illaahay waxa uu kafaala qaaday ninka qur'aanka akhriyaa ee ku camal fala in aanu halaabin aduunyada aakhirana aanu halaagsamin illaahay baa yidhi “Qofka raaca hanuunka ma halaaba mana xumaado.”



Waxa inala gudboon in ay darisno qur'aanka si aynu ugu liibaano afartan arimood ee Nebigu (CSW) kaga waramay (Qoom guri iskuguma yimaadan ka mid ah guryaha illaahay iyagoo ku akhrinaya kitaabka illaahay oo ku baranaya, haddii ay dhacdana waxa ku soo degta xasiloonan, waxa daboosha raxmad waxaana ku wareegta malaa’ig, illaahayna waxa uu xasuusiya cid agtiisa ah”



Waxa la gudboon qofka islaamka ah in u badiyo ducada iyo danbi dhaafka uu illaahay waydiisanyo habeen iyo maalinba marka uu sooman yahay, marka uu saxuuranayo. Wakhtiyada illaahay aqbalo ducooyinka waxa ka mid ah adoonku marka uu sooman yahay ilaa inta uu afurayo, illaahay waxa uu inagu amray in aan isaga barino, waanu kafaalo qaaday inuu naga aqbalayo markuu yidhi “I barya waan idinka aqbaliyee”.



Waxa la gudboon qofka muslimka ah in uu xafido wakhtiyada nolashiisa ee gaaban ee weliba xadidan oo uu ku dabaqo wixii anfacaya iyo cibaadada illaahay ee kala duwan, kana dheerado wixii dhibaya diintiisa, aduunyadiisa iyo aakhiradiisa, gaar ahaan bisha ramadaan ee fadliga badan, taas oo kuwa aan qiimaheeda garanayn ku markaati furaysaa kuwa diiday illaahay adeecidiisa, waxayna ku markhaatu furtaa kuwa caasiyiinta ah iyo kuwa kaafiriinta ah.



Waxa inala gudboon in aynu nidaamino wakhtigeena si aynu uga faa’iidaysano oo aynu u xisaabino wakhtigeena, waxaynu qabanaynaa waa in uu ahaada wax ina anfaca illaahay agtiisa.



Nidaaminta Wakhtiga.

Waxa aan ku isku dayayaa in aan ku sawiro khad gaaban oo aad kaga faa’iidaysato wakhtigaaga bisha ramadaan ee barakaysan wax laga yaaba in aad uga faa’iidaysato bilaha kale ee nolashaadan gaaban. Waxa kula gudboon marka aad tukato salaada subax in aad masaajidka fadhiisato oo qur'aanka akhrisato iyo wardiga subaxii la akhristo oo illaahay xus intay cadceedu soo baxayso ilaa rubuc saaco ka dib inta ay cad ceedu soo baxdo, marka la soo gaadho wakhtiga la nahiyay salaada la tukado ama ilaa intii illaahay doonay waxa aad ku liibanaysaa in aad hesho ajar la mid ah adoon Xaj iyo Cimra dhamaystiran soo gutay. Xadiiskaa waxa soo wariyay Tarmiidi.



Rasuulka illaahay waxa inoogu sugan ku dayosho wanaagsan, asxaabta rasuulka oo ku dayanaya Nabigeeni Suubana (CSW) markay tukadaan salaada subax illaahay ayay xusi jireen ilaa inta ay cad ceedu soo baxayso, qofka muslimka ahi marka uu fadhiisto meesha uu ku tukanayay, hadii uu seexdo inta uu shaqo tagayo ka dibna uu shaqadiisa tago kiiyo wakhti kasta qalbigiisa uu ku jiro xasuusta illaahay oo shanta salaadoodana wakhtigooga jamaca la tukada, kaas agtiisa may ahaanin camal uga khayr badan inuu duhurka dabadii yara nasto.



Salaada casar ka dib marka uu akhristo wixii u fududaada ee quraan ah ama ducooyin ah, makhribka dabadii uu tukado cishaa'iga iyo taraawixda salaada taraawixda ka dibna uu soo qabsado hawlaha daruuriga ah ee nolol maal meedkiisa muda laba saacadood ku sugan ka dibna iska seexda ilaa suxuurta, ka bacdina soo kaca isagoo xusuusta illaahay qalbigiisa ku jirto ka dibna wayseesta ee tukada wixii lagu waajibiyay suxuurta horteed, suxuurta ka dibna uu bilaabo xuska illaahay iyo ducooyina uu illaahay ku baryaayo isagoo danbi dhaaf iyo tooban waydiisanaya illaahay ilaa ay gaadho salaada subax.



Waxa la gudboon qofka muslimka ah inuu rajeeyo raxmada illaahay kana cabsado ciqaabtiisa, ahaadana adoonkii illaahay wakhti kasta si muuqata iyo si qarsoonba u joogteeyo xuska illaahay isagoo taagan isagoo fadhiya sidii illaahay ku tilmaamay muuminiinta.

Q\ahmed said olad xigasho halgamn radio

Fanaanadda caanka Faadumo Haldhaa oo fanki ka fariisatay una weecatay xaga diinta

Fanaanada caanka ah ee Faadumo Cali Cilmi (Faadumo Haldhaa), ayaa la sheegay inay gebi ahaanba ka baxday badweynta fanka oo ay u diga-rogatay barashada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.



Fanaanada Faadumo-Haldhaa oo ahayd fanaanad cod macaan oo ay inta badan Soomaalidu heesaheeda xiisayso, waxa la sheegay inay ka guurtay magaalada London oo ay hore u daganayd, una guurtay magaalada Barakaysan ee Makkah Al Mukaramah, halkaas oo ay uga dhawaatay barashada diinta Islaamka.

Dad xog-ogaal ah oo ku dhow dhow Faadumo Haldhaa ayaa u sheegay wargeyska Geeska oo ka soo baxa Hargeysa in fanaanadu mudooyinkii u dambaysay ka niyad-jabsanayd hawsha fanka ee ay mudada dheer ku dhex-jirtay.
Faadumo waxa ay fanka ku biirtay sanadkii 1975-kii, xilligaas oo ay qaaday heeso tiro badan oo ku saabsanaa gobonimo-doonkii wadanka Jabuuti.

Sidoo kalena waxay ka qayb-gashay riwaayado caan ah oo dalkii Soomaaliya lagu dhigay, kuwaas oo ay ka mid ahayd riwaayadii (Masiibadu Aduunyada iyadaa u macalin ah) oo uu alifay Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganey). Waxaanay riwaayadaas kaga jirtay kaalin muhiim ah iyada oo difaacaysay dhaqanka Soomaalida ee salka ku haya diinta Islaamka.

Faadumo Haldhaa iyo Cadar Axmed Kaahin ayaa riwaayadaas metelayay dhaqanka hablaha Soomaaliyeed, halka ay Kinsi Xaaji Aadan iyo Khadiija Hiiraan metelayeen kaalinta ilbaxnimada iyo dhaqanka casriga ah.

Faadumo Haldhaa waxa ay magaca Haldhaa kula baxday qaybta ay ku leedahay heestan ay riwaayadaas ku difaacaysay dhaqanka haweenka Soomaalida iyada oo ay odhanayso:

Haldhaa baa lay yidhaa
Heensihii baan weli sitaa
Hiddii lay wada yiqiin
Asluubtii hooyaday
Hormood baan dhaqan u ahay
Inaan hirgashaan jeclahay

Huf iyo been kuma lug go’o
Hirkaa qaawanida dhalay
In lagu hogtaan ogahay
Habowdaye waxaan ku idhi
Hugaaga iyo kaan xidhnahay
Labada kee haybad wacan
Hilbana keenee asturan

Heesaha kale ee ay ku luuqayso waxa ka mid ah; Xidhmadan ubaxa ah xabiibi gudoon Qalbigayga xogtiisa xabiibi gudoon

Iyo waliba heeso kale oo tiro badan. Faadumo waxa ay hadda sida sawirka ka muuqata qaadatay xijaabka diinta Islaamku ku waajibisay haweenka muslimiinta, si ay isu asturaan.

Fanaanada Qamar Cabdilaahi Harawo ayaa iyaduna hore uga baxday badweyntii fanka oo u noqotay diinta Islaamka:
Q\ ahmed said olad

Dowladda Nuur Cadde oo Kalsooni La Siiyey iyo Go'aan Laga Gaari Lahaa C/laahi Yusuf oo La Sugayo

Warar iminka nagasoo gaaray xarunta barlamaanka magaalada Baydhabo oo ey maanta ka socde mooshin ka dhan ah xukuumadda ra`iisal wasaare Nuur Cadde , kaasoo lasoo hordhigay dhawaan golaha Barlamaanka ayaa waxaa ey sheegayaan in ku dhwaad 200 oo xildhibaan ey codka kalsoonida siiyeen xukuumadda Nuur Cadde.

Golaha Barlamaanka oo ey maanta soo xaadireen tiro kor u dhaafeysa 200 oo xildhibaan ayaa sida aanu wararka ku heleyno waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, kaasoo ku dhawaaqay markii danbe natiijada mowshinkii maanta horyaalay barlamaanka.

Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay in xukuumadda Nuurcadde si caqlabiyad leh la isugu raacay in ey sii shaqeyso, waxaana uu intaa raaciyay in ey kalsoonida siiyeen ku dhawaad 200 oo xildhibaan halka 7-xildhibaan ey u diideen kalsoonida.

Waxaa sidoo kale horyaala sida uu horay uga dhawaajiyayba gudoomiyaha Barlamaanka mooshin kale oo ka dhan ah madaxweynaha kaasoo isna la filayo in cod loo qaado, laakiinse ma cadde xiliga codka loo qaadayo.

Labadan mooshin ee is bar-bar socda ayaa lasoo hordhigay Barlamaanka kadib markii khilaafaad siyaasadeed soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra`iisal wasaara, kuwaasoo ey soo abaabuleen xildhibaano kala taageersan labada dhinac.

Khlaafkii labada masuul ee ugu sareysa dowladda federalka ayaa lagu soo xaliyay magaalada Addis-Abeba kadib markii ey halkaasi ku sugnaayeen mudo 12-casho ah oo la isku mari waayay shuruudaha

by ahmed said olad








Dowladda oo ka hadashay heysashada Kismaayo

Wasiirka dib u heshiisiinta, Cabdirisaaq Ashkir, ayaa sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay dib u qabsashada magaalada Kismaayo ee Jubadda Hoose.
Warkaan oo dhan oo aan idiin soo bandhigi doono dhowaan.

Somali Blogs and News Adds a New Team Member

Somchat.com would like to announce a new team member. Ahmed Said Olad joined the Somchat team after extensive screening by the management. He brings forward a unique portfolio of journalism experience and outstanding attitude towards our valued readers.

Ahmed is a student of BSc. in Mysore studying Computer Science at the University of Mysore, and he plans to pursue a Masters degree in the coming years. He has an excellent background in reporting the Somali news having worked at local radio stations in Mogadishu in the early 2000s. Now he is taking journalism classes as part time while he attends his full time BSc. classes at the University of Mysore.

Ahmed's responsibilities will include preparing and publishing Somali News in Somali language. He will also be the primary editor of Somchat.com as he will be refining editorial elements of our web pages. He will also be conducting many forth coming researches in the Somali media to bring our web site in parallel with the most popular websites of the Somali News category.


Somali Blogs and News, http://www.somchat.com/ welcomes Ahmed with open arms. We expect that our readers will enjoy the content and expertise Ahmed brings to our web site.

Tuesday, September 2, 2008

Somchat.com Somali Blogs and News to Bring you Somali News in English and Somali Medium

New Announcement:

As Muslims around the world begin to observe the holly month of Ramadan, Somali Blogs and News decided to add more resources for our visitors to enjoy. As of today, the 2nd day September 2008, we will be posting Somali News in Somali Language as well as English language. We think this is important to our visitors and to encourage interest for our site's promotion.

It is not a secret that there is a huge number of Somali news web sites already publishing Somali news in their mother tongue. We think this isolates the world body that needs to hear about the current situation is Somalia, but doesn't speak the Somali language. Those who do not speak Somali will be served with news in English while our Somali audience gets to enjoy the latest news in Somali language.


As you may have noticed, we also discuss technology and have personal blogs on our web site from time to time. The technology articles are usually a 'how to' lessons. We will extend these articles to include technology news as well. Furthermore, both the blogs and tech articles will be published both in English and Somali languages.


For now, we wish you Ramadan Mubarak!



Somali blogs and news will keep you posted on any additional reports coming of out of Mogadishu about this story.

Somchat would like to publish your story. Please send us your link so we can review it and publish it!
Sponsor Promotion
Start Answering Questions and Get $2.00 or More per Survey:



Source: Somalia blogs and news
Technology Somali Blogs http://windowsandlinuxwebhost.blogspot.com/

Sports > http://torontobasketballfans.blogspot.com/


Additional Somali Sources


Af Soomaali blog Somalia Blog YouSomali Number 1 Somali Blogs Mogadishu News Current Somali News Somali News Articles United Islamic Courts Blog Somali News Blog Somali By Somalis Somali Cities Blogs US Agenda In Somalia Somali Music


Other Somali Sources Amin Arts Discussions Somali News and Blogs


Monday, September 1, 2008

Ethiopian Troops Leave Mogadishu

Ethiopian troops in Tanker military vehicles depart their Mogadishu's residential base today. At least 18 military vehicles carrying Ethiopian troops were seen leaving Mogadishu taking the road from Mogadishu to Baidoa.



It is not clear their destination, or how many of them still remain in Mogadishu as the number of Ethiopian troops left Mogadishu is unknown. However, sources indicate two different scenarios for their departure from the Capital city of Somalia.

Some sources claim the Ethiopian army's departure of Mogadishu is a first step to Ethiopia's withdrawal from Somalia, a scenario hinted by Melez Zenawi earlier last week. Other sources contradict that the Tigres are simply moving their infantry to new bases for better security of their army. One should note there is still a large number of Ethiopian troops in Mogadishu.

It was not long ago that the Transitional Federal Government and the leaders of the liberation army agreed to sign a peace deal which dictates the Ethiopian troops to leave residential areas as whole. It is possible this may be why the Tigre army is vacating their bases in Mogadishu.