What you may have missed

Wednesday, September 3, 2008

Dowladda Nuur Cadde oo Kalsooni La Siiyey iyo Go'aan Laga Gaari Lahaa C/laahi Yusuf oo La Sugayo

Warar iminka nagasoo gaaray xarunta barlamaanka magaalada Baydhabo oo ey maanta ka socde mooshin ka dhan ah xukuumadda ra`iisal wasaare Nuur Cadde , kaasoo lasoo hordhigay dhawaan golaha Barlamaanka ayaa waxaa ey sheegayaan in ku dhwaad 200 oo xildhibaan ey codka kalsoonida siiyeen xukuumadda Nuur Cadde.

Golaha Barlamaanka oo ey maanta soo xaadireen tiro kor u dhaafeysa 200 oo xildhibaan ayaa sida aanu wararka ku heleyno waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, kaasoo ku dhawaaqay markii danbe natiijada mowshinkii maanta horyaalay barlamaanka.

Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay in xukuumadda Nuurcadde si caqlabiyad leh la isugu raacay in ey sii shaqeyso, waxaana uu intaa raaciyay in ey kalsoonida siiyeen ku dhawaad 200 oo xildhibaan halka 7-xildhibaan ey u diideen kalsoonida.

Waxaa sidoo kale horyaala sida uu horay uga dhawaajiyayba gudoomiyaha Barlamaanka mooshin kale oo ka dhan ah madaxweynaha kaasoo isna la filayo in cod loo qaado, laakiinse ma cadde xiliga codka loo qaadayo.

Labadan mooshin ee is bar-bar socda ayaa lasoo hordhigay Barlamaanka kadib markii khilaafaad siyaasadeed soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra`iisal wasaara, kuwaasoo ey soo abaabuleen xildhibaano kala taageersan labada dhinac.

Khlaafkii labada masuul ee ugu sareysa dowladda federalka ayaa lagu soo xaliyay magaalada Addis-Abeba kadib markii ey halkaasi ku sugnaayeen mudo 12-casho ah oo la isku mari waayay shuruudaha

by ahmed said olad








No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.