What you may have missed

Showing posts with label Warka Afsoomali Ah. Show all posts
Showing posts with label Warka Afsoomali Ah. Show all posts

Wednesday, September 3, 2008

Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gelinkii dambe ee shalay gaaray

Wafdi baaxad weyn oo uu hogaaminayo gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed ayaa Shalay gelinkii dambe soogaaray magaalada Nairobi. Safarkaan uu gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ee uu kuyimi Nairobi waxaa kuwehlinayay xubno kamid ah isbaheysiga waxaana xubnahaasi kamid ahaa gudoomiyaha gola dhexe shariif xasan sheekh Aadan iyo xubno kale.

Wafdigan oo soo dhaween heer caalami ah loogu sameeyay Hotelka Safari Park ayaa waxaa dadkii soo dhaweeyay kamid ahaa ganacsato culumaa'udiin aqoonyahano siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadii lagu soo dhaweenayay wafdiga ayaa waxaa ka hadley gudoomiyaha golaha dhexe isbaheysiga shariif xasan sheekh aadan gudoomiyaha waxa uu sheegey iney ay soomaalida gacmaha is qabsadaan isla markaana ay ka tashadaan mustaqbalka iyo ayaha danta umada soomaaliyeed isagoo ilaahey uga baryey munaasabada bisha ramadaan aawgeeda in umada soomaaliyeed uu ka saaro dhibaatada ay ku jiraan nabada ay taageeraan umada soomaaliyeed.



Gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreenta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu iftiimiyay in ay muhiim tahay in lataageero dadaalada nabadeed ee haatan soconaya waxaauuna daboolaka kaqaaday in nabadu aytahay mida kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta oo kadhalata dalka ay colaaduhu dishadeen ee soomaaliya.

Article Posted on Alqaadisya.com









Sidee baynu u qaabilnaa Bisha Ramadaan ee Barakaysan

Ilaahay ayaa mahadle Calamiinta oo dhan Rabigooga, waxa qirayaa in illaahay mooyaane alle kale jirin cibaadadana cid kale ku lamaanay mayno, waxa kaloo aan qirayaa in maxamed yahay adoon alle iyo Rasuul alle soo dirayba (N.N.K.H).
Q\ olad


Waxaynu Halkan kaga warami doonaa sidee bay tahay in aynu u qaabilno Bisha Ramadaan ama qaabkii iyo dariiqii aynu u soo dhowayn lahayn Ramadaanta, Muxuuse yahay Micnaheedu, Muxuuse illaahay uga fadilay bishan dhammaan bilaha kale?



Waxaanu kaloo kaga warami doona arimo badan oo la xidhiidha Bishan Barakadaysan iyo sidii ay asxaabtii ay u gudan jireen.



Waxay ahaayeed dadkii hore ee muslimiinta ahaa ee ka mid ahaayeen Asxaabtii Rasuulka (CSW) kuwo garanaayeen qiimaha ay leedahay bisha ramadaan, inagana ku dayasho ayaa inooga sugan, si aynu u raacno dhaqankii wanaagsanaa ee ay ka dhexleen Rasuulka (CSW).



Hadaba waxay ay ku hamiyi jireen bisha ramadaan, waxayna ku farxi jireen bisha ramadaan, markay ay bilaabmato waxayna illaahay ay ka beryi jireen in uu gaadhsiiyo bisha ramadaan, marka ay gaadhaan waxay illaahay ay waydiisan jireen inuu ka aqbalo soonka iyo cibaadoonyinka kale, waxayna soomi jireen ramadaanta maalin kastoo ka mid ah iyagoo aad iskaga ilaalinaya waxyaaba soonka daciifiya sida laqwiga, dheel dheelka, xanta, isku dirka dadka iyo beenta. Asxaabtu waxay habeenkooga ay ku noolayn jireen Salaatu layl iyo Qur'aanka akhriskiisa, waxayna u sama fali jireen ama ay u naxariisan jireen dadka masaakiinta ah iyo faqarada, iyagoo siinayay cunto iyo waxyaabo ay ku soomaan. Waxay nafahooda ay kula jihaadi jireen adeecida illaahay, cadowga islaamkana waxay kaga jihaadayeen siday kalmada illaahay ay u sarayso.



Hadaba Bisha Ramadaan maaha bil dheel dheel, hurdo iyo caajisnimo sida dadka qaar u haystaan, laakiin bisha ramadaan waa bishii jihaadka iyo cibaadada iyo camalka fiican. Sidaa darteed ayay waajib inagu tahay in aynu u qaabilno si farxad iyo karaamayn leh.



Bishan Ramadaan Illaahay (SW) ayaa u doortay oo nagu waajibiyay in aynu soono, waana bishii la soo dajiyay Quraanka Kariimka ah si dadka looga saaro mugdiga iyo dulmiga looguna yeedho xaqa iyo nuurka. Hadaba sidee baynu ugu farxeen bisha ramadaan? Waa bisha la furo albaabada janada, kuwa naartana la xidho, Shayaadiintana la xidho. Waa bil xasanaadka la laban laabo, muumiintana darajooyinkooga la dalacsiiyo dhinaca illaahay gafafka iyo danbiyadana laga dhaafo.



Waxa inala gudboon in aynu ka faa’iidaysano fursada nolosha ee caafimaadka iyo shabaabnimada ay ka mid yihiin, inagoo uga faa’iidaysanayna illaahay adeecidiisa iyo wanaajinta cibaadada illaahay, kana faa’iidaysanayna farsada bisha ramadaan ee barakaysan.



Waa in aynu cusboonaysiina balankaynu illaahay la galnay, inagoo la imanayna toobad dhab ah oo aynu markasta ka toobad keeno dunuubteena inagoo ku sugnaanayna adeecida illaahay, u hogaansanaata amaradiisa iyo ka fogaanshaha waxyabaha la inaga reebay si aynu uga mid noqono kuwa liibanay.



“Maalinta aynan ina anfaceen maalka iyo ubadku mid la yimaada qalbi wanaagsan mooyane” Ilaahay run ayuu sheegay koreeye markuu yidhi “ninka adeeca illaahay iyo rasuulkiisa ayaa liibanay liibaan wayn”



Hadaba waa in aynu ku dadaalno waxyaabaha illaahay inagu waajibiyay iyo waxyaaba laga jecel yahay illaahay agtiisa oo aynu ka dheerano waxyaaba la inaga xaarantimeeyay bisha ramadaan ee barakaysan iyo wakhtiyada kaleba, inagoo raacayna oo hadalka illaahay “Rabigaaga caabud ilaa inta ay yaqiintu kuu imanayso” ilaa aad dhimanayso “waxa aad tidhaahdaa salaadayda wax gawricidayda, noloshayda iyo dhimashadaydaba illaahaybay u sugnatay rabiga caalamiinta, cidna shariig yeeli maayo sidaas baana la i amray, waxaana ahaanayaa kuwa ugu horeeya muslimiinta”.



Waxa inala gudboon in aynu ku qaabilno Bisha Barakaysan go’aan dhab ah soomideeda iyo soo jeedkeedaba, inagoo rumaysan illaahay oo isaga agtiisa naxariis iyo danbi dhaaf ka rajaynayna, waa in aynu ka soonnaa hadalka kiisa xun, indhaha iyo araggooga, dhegaha iyo maqalkooga, cuntada iyo cabida la inaga xaarantimeeyay si aynu illaahay agtiisa uga helno danbi dhaaf oo aynu uga mid noqono kuwa naarta laga xoreeyay, waxa inala gudboon in aynu xafidno eedaabta soonka ee ay ka mid tahay suxuurta oo dib loo dhigo iyo afurka oo la soo dedejiyo marka aynu ogaano in ay cadceedu ay dhacday, camalada wanaagsan iyo khayrka oo la siyaadiyo.



Qofka sooman oo haddii cidi aflagaadaysay ku yidhaa “anigu waan soomanahay” iskana ilaaliya in uu isaguna caayo cidii cayday, waa in aanu qofka soomani qofka xumaan kala horyimaada xumaan kale ka hor geeyn ee ha ugu jawaabo kalmad wanaagsan, si uu u dhamaystirmo soonkiisu camalkiisana loo aqbalo. Waxa inala gudboon in aynu hawl kasta oo aynu qabanayno u qabano illaahay dartii, soonkeena, salaadeena iyo dhammaan camaladeena. Waayo Illaahay (SW) camalna ma aqbalo wixii aan ahayn mid ilaahay wiji laga doonayo, camalka wanaagsan ee illaahay dartii loo qabto ayuunbaa waafaqsan sunaha Rasuulka (CSW).



Waxa inala gudboon haddii aynu nahay dad islaam ah in aynu xafidno salaada taraawiixda inagoo ku dayanayna Nebiga (CSW) iyo asxaabtiisa illaahay ka rajaynayna ajar iyo xasanaad, Nebigu (CSW) waxa uu yidhi “Ninka u kaca bil ramadaan cibaadada illaahay isagoo illaahay rumaysan wanaagna ka rajaynaya illaahay wuxuu ka dhaafa danbiyadiisi hore”



Waa in aynu ku noolayno bisha ramadaan tobanka habeen ee ugu danbeeya salaad, iyo qur'aanka oo aynu akhrino, xuska illaahay oo aynu badino iyo inagaa illaahay wanaag waydiisana oo xumaan iyo ciqaabtiisana ka magan galayna, inagoo raacayna sunaha rasuulka CSW.



Waxa Bisha Ramadaan ku jira habeen laylatu khadri ah oo ka khayr badan 1000 bilood oo u dhiganta 83 sanadood iyo 4 bilood, waa habeen barakaysan oo illahaay ku sharfay soo dajintii qur'aanka, waxa hebeenkaa soo dega malaa igta oo malaku jibriilna ku jiro. Waa habeen qofka cibaado ku soo jeeda illaahay uu ka dhaafo danbiyadii uu galay oo dhan. Hadaba waxa la gudboon qof kasta oo muslim ah in uu habeen kasta ku dadaalo cibaadada illaahay, toobada, xuska illaahay, ducada, danbi dhaafka iyo isagoo illaahay waydiisanaya janada naartana ka magan gelaya.



(Nebigu (CSW) tabanka dambe ee bisha ramadaan wuu soo jeedi jiray guntiga ayuu u adkaysan jiray ehelkiisana wuu toosin jiray) inaga waxa inagaga sugan Rasuulka illaahay ku dayasho wanaagsan.



Qofka muslimka ah ee sooman waxa ka mabnuuca ah in uu u dhowaada dumarka, waxa la gudboon qofka muslimka ah ee sooman in uu ku dadaalo qur'aanka akhriskiisa isagoo u fiirsanaya oo ka fikiraya macna qur'aanku xamaarsan yahay si uu xujo ugu noqdo maalinta qiyaame oo uu illaahay uga shafeeco qaado. Illaahay waxa uu kafaala qaaday ninka qur'aanka akhriyaa ee ku camal fala in aanu halaabin aduunyada aakhirana aanu halaagsamin illaahay baa yidhi “Qofka raaca hanuunka ma halaaba mana xumaado.”



Waxa inala gudboon in ay darisno qur'aanka si aynu ugu liibaano afartan arimood ee Nebigu (CSW) kaga waramay (Qoom guri iskuguma yimaadan ka mid ah guryaha illaahay iyagoo ku akhrinaya kitaabka illaahay oo ku baranaya, haddii ay dhacdana waxa ku soo degta xasiloonan, waxa daboosha raxmad waxaana ku wareegta malaa’ig, illaahayna waxa uu xasuusiya cid agtiisa ah”



Waxa la gudboon qofka islaamka ah in u badiyo ducada iyo danbi dhaafka uu illaahay waydiisanyo habeen iyo maalinba marka uu sooman yahay, marka uu saxuuranayo. Wakhtiyada illaahay aqbalo ducooyinka waxa ka mid ah adoonku marka uu sooman yahay ilaa inta uu afurayo, illaahay waxa uu inagu amray in aan isaga barino, waanu kafaalo qaaday inuu naga aqbalayo markuu yidhi “I barya waan idinka aqbaliyee”.



Waxa la gudboon qofka muslimka ah in uu xafido wakhtiyada nolashiisa ee gaaban ee weliba xadidan oo uu ku dabaqo wixii anfacaya iyo cibaadada illaahay ee kala duwan, kana dheerado wixii dhibaya diintiisa, aduunyadiisa iyo aakhiradiisa, gaar ahaan bisha ramadaan ee fadliga badan, taas oo kuwa aan qiimaheeda garanayn ku markaati furaysaa kuwa diiday illaahay adeecidiisa, waxayna ku markhaatu furtaa kuwa caasiyiinta ah iyo kuwa kaafiriinta ah.



Waxa inala gudboon in aynu nidaamino wakhtigeena si aynu uga faa’iidaysano oo aynu u xisaabino wakhtigeena, waxaynu qabanaynaa waa in uu ahaada wax ina anfaca illaahay agtiisa.



Nidaaminta Wakhtiga.

Waxa aan ku isku dayayaa in aan ku sawiro khad gaaban oo aad kaga faa’iidaysato wakhtigaaga bisha ramadaan ee barakaysan wax laga yaaba in aad uga faa’iidaysato bilaha kale ee nolashaadan gaaban. Waxa kula gudboon marka aad tukato salaada subax in aad masaajidka fadhiisato oo qur'aanka akhrisato iyo wardiga subaxii la akhristo oo illaahay xus intay cadceedu soo baxayso ilaa rubuc saaco ka dib inta ay cad ceedu soo baxdo, marka la soo gaadho wakhtiga la nahiyay salaada la tukado ama ilaa intii illaahay doonay waxa aad ku liibanaysaa in aad hesho ajar la mid ah adoon Xaj iyo Cimra dhamaystiran soo gutay. Xadiiskaa waxa soo wariyay Tarmiidi.



Rasuulka illaahay waxa inoogu sugan ku dayosho wanaagsan, asxaabta rasuulka oo ku dayanaya Nabigeeni Suubana (CSW) markay tukadaan salaada subax illaahay ayay xusi jireen ilaa inta ay cad ceedu soo baxayso, qofka muslimka ahi marka uu fadhiisto meesha uu ku tukanayay, hadii uu seexdo inta uu shaqo tagayo ka dibna uu shaqadiisa tago kiiyo wakhti kasta qalbigiisa uu ku jiro xasuusta illaahay oo shanta salaadoodana wakhtigooga jamaca la tukada, kaas agtiisa may ahaanin camal uga khayr badan inuu duhurka dabadii yara nasto.



Salaada casar ka dib marka uu akhristo wixii u fududaada ee quraan ah ama ducooyin ah, makhribka dabadii uu tukado cishaa'iga iyo taraawixda salaada taraawixda ka dibna uu soo qabsado hawlaha daruuriga ah ee nolol maal meedkiisa muda laba saacadood ku sugan ka dibna iska seexda ilaa suxuurta, ka bacdina soo kaca isagoo xusuusta illaahay qalbigiisa ku jirto ka dibna wayseesta ee tukada wixii lagu waajibiyay suxuurta horteed, suxuurta ka dibna uu bilaabo xuska illaahay iyo ducooyina uu illaahay ku baryaayo isagoo danbi dhaaf iyo tooban waydiisanaya illaahay ilaa ay gaadho salaada subax.



Waxa la gudboon qofka muslimka ah inuu rajeeyo raxmada illaahay kana cabsado ciqaabtiisa, ahaadana adoonkii illaahay wakhti kasta si muuqata iyo si qarsoonba u joogteeyo xuska illaahay isagoo taagan isagoo fadhiya sidii illaahay ku tilmaamay muuminiinta.

Q\ahmed said olad xigasho halgamn radio

Fanaanadda caanka Faadumo Haldhaa oo fanki ka fariisatay una weecatay xaga diinta

Fanaanada caanka ah ee Faadumo Cali Cilmi (Faadumo Haldhaa), ayaa la sheegay inay gebi ahaanba ka baxday badweynta fanka oo ay u diga-rogatay barashada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka.



Fanaanada Faadumo-Haldhaa oo ahayd fanaanad cod macaan oo ay inta badan Soomaalidu heesaheeda xiisayso, waxa la sheegay inay ka guurtay magaalada London oo ay hore u daganayd, una guurtay magaalada Barakaysan ee Makkah Al Mukaramah, halkaas oo ay uga dhawaatay barashada diinta Islaamka.

Dad xog-ogaal ah oo ku dhow dhow Faadumo Haldhaa ayaa u sheegay wargeyska Geeska oo ka soo baxa Hargeysa in fanaanadu mudooyinkii u dambaysay ka niyad-jabsanayd hawsha fanka ee ay mudada dheer ku dhex-jirtay.
Faadumo waxa ay fanka ku biirtay sanadkii 1975-kii, xilligaas oo ay qaaday heeso tiro badan oo ku saabsanaa gobonimo-doonkii wadanka Jabuuti.

Sidoo kalena waxay ka qayb-gashay riwaayado caan ah oo dalkii Soomaaliya lagu dhigay, kuwaas oo ay ka mid ahayd riwaayadii (Masiibadu Aduunyada iyadaa u macalin ah) oo uu alifay Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Ganey). Waxaanay riwaayadaas kaga jirtay kaalin muhiim ah iyada oo difaacaysay dhaqanka Soomaalida ee salka ku haya diinta Islaamka.

Faadumo Haldhaa iyo Cadar Axmed Kaahin ayaa riwaayadaas metelayay dhaqanka hablaha Soomaaliyeed, halka ay Kinsi Xaaji Aadan iyo Khadiija Hiiraan metelayeen kaalinta ilbaxnimada iyo dhaqanka casriga ah.

Faadumo Haldhaa waxa ay magaca Haldhaa kula baxday qaybta ay ku leedahay heestan ay riwaayadaas ku difaacaysay dhaqanka haweenka Soomaalida iyada oo ay odhanayso:

Haldhaa baa lay yidhaa
Heensihii baan weli sitaa
Hiddii lay wada yiqiin
Asluubtii hooyaday
Hormood baan dhaqan u ahay
Inaan hirgashaan jeclahay

Huf iyo been kuma lug go’o
Hirkaa qaawanida dhalay
In lagu hogtaan ogahay
Habowdaye waxaan ku idhi
Hugaaga iyo kaan xidhnahay
Labada kee haybad wacan
Hilbana keenee asturan

Heesaha kale ee ay ku luuqayso waxa ka mid ah; Xidhmadan ubaxa ah xabiibi gudoon Qalbigayga xogtiisa xabiibi gudoon

Iyo waliba heeso kale oo tiro badan. Faadumo waxa ay hadda sida sawirka ka muuqata qaadatay xijaabka diinta Islaamku ku waajibisay haweenka muslimiinta, si ay isu asturaan.

Fanaanada Qamar Cabdilaahi Harawo ayaa iyaduna hore uga baxday badweyntii fanka oo u noqotay diinta Islaamka:
Q\ ahmed said olad

Dowladda Nuur Cadde oo Kalsooni La Siiyey iyo Go'aan Laga Gaari Lahaa C/laahi Yusuf oo La Sugayo

Warar iminka nagasoo gaaray xarunta barlamaanka magaalada Baydhabo oo ey maanta ka socde mooshin ka dhan ah xukuumadda ra`iisal wasaare Nuur Cadde , kaasoo lasoo hordhigay dhawaan golaha Barlamaanka ayaa waxaa ey sheegayaan in ku dhwaad 200 oo xildhibaan ey codka kalsoonida siiyeen xukuumadda Nuur Cadde.

Golaha Barlamaanka oo ey maanta soo xaadireen tiro kor u dhaafeysa 200 oo xildhibaan ayaa sida aanu wararka ku heleyno waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, kaasoo ku dhawaaqay markii danbe natiijada mowshinkii maanta horyaalay barlamaanka.

Sh. Aadan Madoobe ayaa sheegay in xukuumadda Nuurcadde si caqlabiyad leh la isugu raacay in ey sii shaqeyso, waxaana uu intaa raaciyay in ey kalsoonida siiyeen ku dhawaad 200 oo xildhibaan halka 7-xildhibaan ey u diideen kalsoonida.

Waxaa sidoo kale horyaala sida uu horay uga dhawaajiyayba gudoomiyaha Barlamaanka mooshin kale oo ka dhan ah madaxweynaha kaasoo isna la filayo in cod loo qaado, laakiinse ma cadde xiliga codka loo qaadayo.

Labadan mooshin ee is bar-bar socda ayaa lasoo hordhigay Barlamaanka kadib markii khilaafaad siyaasadeed soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra`iisal wasaara, kuwaasoo ey soo abaabuleen xildhibaano kala taageersan labada dhinac.

Khlaafkii labada masuul ee ugu sareysa dowladda federalka ayaa lagu soo xaliyay magaalada Addis-Abeba kadib markii ey halkaasi ku sugnaayeen mudo 12-casho ah oo la isku mari waayay shuruudaha

by ahmed said olad








Dowladda oo ka hadashay heysashada Kismaayo

Wasiirka dib u heshiisiinta, Cabdirisaaq Ashkir, ayaa sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay dib u qabsashada magaalada Kismaayo ee Jubadda Hoose.
Warkaan oo dhan oo aan idiin soo bandhigi doono dhowaan.