What you may have missed

Wednesday, September 3, 2008

Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gelinkii dambe ee shalay gaaray

Wafdi baaxad weyn oo uu hogaaminayo gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed ayaa Shalay gelinkii dambe soogaaray magaalada Nairobi. Safarkaan uu gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed ee uu kuyimi Nairobi waxaa kuwehlinayay xubno kamid ah isbaheysiga waxaana xubnahaasi kamid ahaa gudoomiyaha gola dhexe shariif xasan sheekh Aadan iyo xubno kale.

Wafdigan oo soo dhaween heer caalami ah loogu sameeyay Hotelka Safari Park ayaa waxaa dadkii soo dhaweeyay kamid ahaa ganacsato culumaa'udiin aqoonyahano siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadii lagu soo dhaweenayay wafdiga ayaa waxaa ka hadley gudoomiyaha golaha dhexe isbaheysiga shariif xasan sheekh aadan gudoomiyaha waxa uu sheegey iney ay soomaalida gacmaha is qabsadaan isla markaana ay ka tashadaan mustaqbalka iyo ayaha danta umada soomaaliyeed isagoo ilaahey uga baryey munaasabada bisha ramadaan aawgeeda in umada soomaaliyeed uu ka saaro dhibaatada ay ku jiraan nabada ay taageeraan umada soomaaliyeed.



Gudoomiyaha isbaheysiga dib u xoreenta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu iftiimiyay in ay muhiim tahay in lataageero dadaalada nabadeed ee haatan soconaya waxaauuna daboolaka kaqaaday in nabadu aytahay mida kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta oo kadhalata dalka ay colaaduhu dishadeen ee soomaaliya.

Article Posted on Alqaadisya.com









No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.