What you may have missed

Friday, September 5, 2008

Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya oo Wafdigii ugu Cuslaa u diray Gudaha Dalka Soomaaliya (Qaas ahaan Magaalada Kismaayo).

Wafdi aad u balaaran oo ka socda Isbahaysiga Dib u xoreynta Somalia Ahna kii ugu Cuslaa tan iyo intii lagu dhawaaqay Isbahaysiga ayaa ka dhoofay Caasimadda dalka Eratera ee Asmara, Iyaga oo ku sii jeeda Gudaha dalka Somalia Gaar ahaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/Hoose oo ay dhawaan gacan ku heynta maamulkeeda ay la wareegeen Mujaahiddiinta is garabsaneysa, Wafdigan oo ka kooban 7 Xibnood oo kala ah:-
Sh Hassan Mahdi xoghayaha Caddaaladda iyo Garsoorka



Dr Mohamed Axmed Maxamed Dr Maxamed Dheere Xoghayaha Caafimaadka.



Dirshe axmed Wacays (diriye) Xoghayaha arimaha gudaha.



Abdinaasir Seerar Maax Xogahayaha Golaha dhexe.



Muuse Abdi Arale Xogahayaha Arrimaha Bulshada.


Maxamed A Adeec Xoghaya ku xigeenka dib u heshiisiinta.



Ismail Xaaji Addow Xoghayaha Daryeelka iyo Arrimaha Kheyriga.

Wafidigaas ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulumo isdaba joog ah la qaato Sh Xassan Turki iyo Maamulka 3da gobol, Sidoo kale waxay gacan ka geysan doonaan Wafdigan Dhisitaanka Maamullada la rajeynayo in laga sameeyo Jubbooyinka.


Wafdigan ayaa ka wada Dhambaallo Khaas ah oo Saaxibtinnimmo iyo Shaqaba Gudoomiyaha Isbahaysiga Sh Hassan Dahir Aweys iyo Dr Cumar Imaan abu Bakar dhambaaladaas oo ah sida la sheegay kuwa Qaaska ah waxa ay si toos ah ugu socdaan Sh Hassan Turki.

Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u Xoreynta Somalia Sh: Xasan Dahir Aweys oo wafdigan ku sii sagootiyay Gegida Dayuuradaha ee Magaalada Asmara ayaa sidoo kale Wafdigaas ku wareejiyay shixnado daawooyin ah oo loo wado Isbitaalka Kismaayo si loogu dabiibo dadka ku taabalaysan Gobollada Jubbooyinka .

Sidoo kale Dr Mohamed Dheere oo ah xoghayaha Caafimaadka ahna dhaqtar waxuu si mutadawacnimo ah u xoojin doonaa isla markaana gacan gacan ka geysan doonaa Isbitaalka Magaalada Kismaanyo oo la rajeynayo inuu in Muddo ah ka shaqeyn doono Isbitalka, Madaama ay dhaqaatiirtu ku yartahay.

Wafidigan ayaa wuxuu kaloo sharaxi doonaa isbedelka ku dhacay Usbaheysiga iyo Go, aanka adag ay gaaren in aysan la hadleynin qolada ku biirtay Embagati ee ka leexday hadafkii Gobannimadoonka ahaa .
Q\ olad

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.