What you may have missed

Friday, September 5, 2008

Maleysia oo shaaca ka qaaday in si xoog ku soo furan doonto Marka afduub looga heysto xeebaha Somalia.

:- Ra'iisal Wasaare ku xigeenka dowladda Maleysia, Najib Razak oo maanta u waramayey saxaafadda ayaa sheegay in dowladdiisu si xoog ah ku soo furan doonto marka laga lee yahay dalkaasi oo afduub loogu heysto xeebaha Somalia, hadii ay ka dhago adeegaan in wada hadalo lala galo kooxaha gacanta ku haya markabkaasi sida ay sheegtay Maleysia.

Najib Razak ayaa intaasi ku daray in xeebaha Somalia u soo diri doonaan illaa seddex Markab nooca dagaalka si ay u soo furtaan markabka afduubka loo heysto ee laga lee yahay dalka Maleysia, iyadoo sarkaal u hadlay wasaaradda difaaca Maleysia uu xaqiijiyey warkan.

Hadalka ka soo yeeray dowladda Maleysia in ay si xoog ku furan doonto Markab ay leedahay ayaa ku soo beegmaya xilli biyaha Somalia afduub loo heysto inka badan tobar Markab oo ay la socdaan shaqaale iyo waliba dalxiisayaal shisheeye ah.



Q\ olad

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.