What you may have missed

Saturday, April 30, 2011

Farxiyo Fiska oo Aroostay Hanuuniye - 2011

Aqriso Sheekada guurka Fiska iyo Hanuuniye Riix Halkaan
Fanaanada Farxiya Axmed Cadaawe Fiska oo waayahan ah fanaanada ugu sidata gabdhaha Soomaaliyeed ee heesa Isla Mar Ahaantaana Muran Weyn Dhex Dhigatay Qaar Ka mid Ah Wariyaasha Soomaaliyeed oo la dhacay qaab dhismeedkeeda Iyo habka aay ugu dhex muuqato fanaaninta ayaa waxey calafkiisa noqotay Bashiir Hanuuniye oo ah fanaan iyo Muusikiiste oo uu dhalay Fanaankii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Cabdalla Yusuf Hanuuniye.

Bashiir iyo Fiska ayaa si rasmi ah isku Guursaday iyadoo ay labadoodaba isku Qorteen cinwaanadooda Facebook halkaasoo ay dadka taageerayshooda ay ugu wada hambalyeynayeen.


Ilo ku dhaw dhaw lamaahan ayaa sheegaya inay xeriir dheer lahaayeen muddo sanado ah balse maanta si weyn usoo shaacabaxay maadaama ay isdoorteen inay noqdaan Laba nolosha qeybsada oo isguursada.


Fiska ayaa Todobaadkaan soo dhaweysay guurka Cusub ee Bashiir ay ku calmatay waxaana ay u qaadday hees lagu magacaabo Daadihi Jaceylka taas oo uu Bashiir laftiisu Muusigga u tumay , waxaana ay u muuqatay heestaasi Mid dardaaran ah.
Just married Bashka iyo Fiska


Dadka ka faalooda arrimaha fanka ayaa sheegay in labadaan Fanaan guurkooda uu horumar weyn u keeni doono mihnahooda faneed iyadoo la xasuusto fanaantii Soomaaliyeed ee lamaanayaasha isku soo noqday sida ay uga hormarsanayeen kuwa kale , waxeyna iska caawin doonaana sooo sarista Heesaha maadaama ay Fiska heshay Muusikeeste garaaci kara qalabka ama noocyada kala duwan ee Muusiga.


Bulshada iyo Nomadlyrics ayaa waxey u hambalyeynayaan fanaaniintaan waxaanu leenahay noqda kuwii isku waara Ubadna kala hela.


Sido kala waxaa Todobaadka Fooda Nagu soo haayo la filaaya In fanaanada Nimco Cabdi oo loo yaqaan Nimco dareen La aqal Gasho Wariye caan ka ah dalka Soomaaliya sida aan dhawaan aan Ku helnay xog Hoose.