
C/laahi Yuusuf ayaa sheegay in shirkani ay qabteen dowlado iyo dad aan dooneyn in dalka Soomaaliya helo xernimo iyo kala dambeyn, waxaana uu intaa raaciyay in arrintan oo kale ay sabab u aheyd waxyaalihii uu shaqada kaga tagay.
Mowqifka ay shirkani ka qaadatay dowladda Soomaaliya ayuu taageeray, waxaana uu sheegay in ay ku saxsanaayeen arrintaasi.
M/weynihii hore oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da, laanta afka soomaaliga ayaa cambaareeyay xubnihii soomaalida ahaa ee ka qeyb galay shirkaasi.
Waxa uu si gaar ah u cambaareeyay go`aankii uu qaatay gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan kaasoo isaga oo aan la tashan dowladda inteeda kale kaligiis iska tagay shirka.
Shariif Xasan, gudoomiyaha baarlamaanka ayuu sheegay in ay u cad yihiin wax laga balan qaaday, isagoona intaa ku daray in uusan wax dan ah u hayn ama usoo wadin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday m/weyne Faroole oo isna shirkaasi ka qeybgalay, waxaana uu sheegay in uusan shakhsiyan la dirirsaneyn isaga balse uu kasoo horjeedo wax alle iyo wixii wax u dhimaya midnimada, qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.
Shacabka reer Puntland ayuu ugu baaqay in ay ka fiirsadaan go`aanada m/weyne Faroole qaadanayo isagoona u sheegay in ay kala eegaan in mid shakhsi u ah isaga yahay iyo in mid u dan ah shacabka yahay.
Ugu dambeyn C/laahi Yuusuf ayaa ugu baaqay soomaalida in ay hurdada ka kacaan oo ay tashadaan, isagoona horta sheegay in argagixisada dalka laga tir-tiro, dabadeedna dalka gudishiisa shir ku qabsadaan.
Cambaareynta shirkan ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli diidmo badan iyo mucaaradnimo laga muujiyay shirkii ka dhacay magaalada Nairobi 12-13 ka bishaanSomali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat