What you may have missed

Saturday, May 14, 2011

MANCHESTER UNITED Oo Loo Caleemo Saaray Horyaalkeedii 19aad Ee Priemer League

Kooxda Manchester United ayaa si rasmi ah ugu guuleysatay horyaalkeedii 19aad ee dalka Ingariiska ka dib markii dhibicdii ay u baahneyd ka heshay kulankii Blackburn kaasoo ku dhamaaday barbar 1-1 ah.



Blackburn ayaa goolka ku hormartay oo ka nixisay Manchester United, balse rigoore uu dhaliyay ciyaaryahan Wayne Rooney ayaa ugu filneyd inay Manchester United noqoto kooxda ugu guulaha badan horyaalka dalka Ingariiska.

Kooxda Red Devils, ayaa u baahneyd hal dhibic kaliya labada kulan ee u hartay si ay xajistaan horyaalkooda, waxaana ay barbar 1-1 ah ay la galeen Blackburn Rovers, waxaana ay ku guuleysteen afar jeer shantii xilli ciyaareed ee u danbeysay.


Iyadoo haatan ku guuleysatay horyaalkeeda 19aad, waxa ay United ka hormartay kooxda Liverpool oo hore rikoorkan ku heysay 18 koob. Sir Alex Ferguson ayaa cadeeyay 1986di markii uu Old Trafford qabanayay inuu doonayo inuu ka saramaro Liverpool.

Tababaraha reer Scotland waxa uu qirtay todobaadkii hore inuusan fileynin inuu ka hormarayo rikoorkii Liverpool, lakiinse waxa uu haatan ku guuleystay horyaalka 12 jeer, waana 9 jeer in ka badan tababare kale.

Inkastoo horyaalkan ay kula soo tartameen kooxaha Arsenal iyo Chelsea, hadana United inta badan iyada ayaa hogaanka u soo heysay, waxaana horyaalkooda ay xaqiijisteen markii ay 2-1 kaga badiyeen Chelsea todobaadkii hore.

Manchester United ayaa horyaalka ku dhameysatay iyadoo badisay shan ka mid ah 19 kulan oo ay marti ahaayeen horyaalka Ingariiska, lakiine intaas ayaa ugu filneyd inay jabiyaan rikoorkii Liverpool oo aheyd kooxdii ugu guulaha badneyd horyaalka Ingariiska.

Manchester United ayaa haatan waxa ay heystaan 19 koob oo horyaalka Ingariiska ah, halka Liverpool ay heysato 18 koob oo horyaalka Ingariiska, waxaana todobaadka danbe ay Manchester Old Trafford kula ciyaari doontaa kooxda Blackpool, waana kulanka ugu danbeeya horyaalka.

Maadaama ay haatan Manchester United xaqiijisatay horyaalka Ingariiska, waxa ay diirada saari doontaa kulanka 28ka May ee finalka Champions League oo ay Wembley kula ciyaarayan kooxda Barcelona oo iyadana horyaalka dalkeeda Spain ku guuleysatay.

Sida ay kooxaha u kala qaadeen horyaalka Ingariiska:

19 – Manchester United

18 – Liverpool

13 – Arsenal

9 – Everton

7 – Aston Villa, Sunderland

5 – Newcastle United

4 – Chelsea, Sheffield Wednesday

3 - Huddersfield Town, Leeds United, Wolverhampton Wanderers, Blackburn Rovers

2 – Portsmouth, Preston North End, Burnley, Manchester City, Tottenham Hotspur, Derby County

1 - Sheffield United, West Bromwich Albion, Nottingham Forest, Ipswich Town