What you may have missed

Friday, May 7, 2010

Maxamad Maxamuud: Wariye Qaxay oo Doontii Saarnaa Badda Ku Qaribantay

Dagaalada socday 20 sano ayaa keenay in journalist-yaal farabadan ay ka cararaan dalka Soomaaliya, badankood, kadib markii in la khaarijinayo loogu dhaartay. Laga bilaabo 2009kii, ilaa 10 wariye ayaa la toogtay. In ka badan 150 wariyena waxaa laga saaray dalka iyagoo naftooda la carar lagu yiri. Waxay ahayd 4tii bishan markii la dilay saxafigii ugu dambeeyay marxuum Shiikh Nuur Maxamed Abkeey isagoo sida wararku sheegeen dilkiisa lagu eedeeyay ururka Al-shabaab. Alaha u naxariistee, marxuumkaas ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wariyayaal iyo suxufiyiin badan ayaa ka cararay dalka siiba magaalada Muqdisho. Dhalin yarta naftooda inay badbaadiso u cararay waxaa ka mid ahaa Maxamuud Maxamad oo 35 jir ah. Maxamuud waxa uu haatan ku nool yahay dalka Giriiga. Maxamuud oo ahaa wariye u shaqeynayay raadio caalami ah oo dibadda laga lahaa kana howl geli jiray magaalada Muqdisho ayaa waxaa u dhaartay dabley ka tirsan ururada ka dagaalama magaalada Muqdisho. Cabsi awgeed, maxamuud wuxuu soo bilaabay safarkiisii uu kaga badbaadi lahaa wax magaratada dadka iska leysa.

Sida uu yiri Maxamuud Maxamed, waxuu kasoo qaxay Muqdisho bilaawgii bishii April kadib markii dhowr mar la daandaansaday, loona dhaartay in la khaarijinayo. Mar marka qaar, inta lasoo waco ayaa la dhihi jiray waa inaad warkeena maanta noo shaacisaa. Hadii aad diido, waxaa lagu marsiinaa jidkii saaxiibadaa horey u mareen.

Markii Maxamuud ugu darneyd, sida uu sheegay, waxay ahayd mar nin la xukumay lagu dilayay dhagax. Maxamuud ayaa subuxaas gurigiisa laga watay si fagaaraha fulinta howsha. Waxa uu yiri waxuu ka naxsanaa ninkaas la dilayay ee uu hadana ku qasban yahay inuu warkiisa ka sheego raadiyaha uu ka shaqeeyo.

Markuu arkay suxufi Maxamed Maxamuud in xaaladiisu ay qatar ku sugan tahay oo weliba si isdaba joog ah loo handado loona dhaarto isagoo taleefoonkiisa laga soo waco ayaa sii batay argaxaxiisa, waxuusa bilaabay inuu qorsheysto sidii uu u dhuuman lahaa ugana bixi lahaa dalka.

Markii magaalada Muqdisho uu ka soo safray ayuu gaaray Turkiga. Halkaas waxaa joogay soomaali badan oo iyaguna leen raadinaayay. Laba isbuuc markii uu ku nastay Turkiga ayuu Maxamuud raacay doon dalka Giriiga si tahriib ah u galeysay. Nasiib daro doontii markii ay sii socotay afar beri ka yar, ayay badda dhexdeeda ku halaawday taasoo keentay in isaga iyo soomaali badan oo saarneed ay ku caafimaad beeleen. Maxamuud wuxuu ku dhex suuxay doontaas.

Markii uu soo kacay miyirkisana ku soo laabtay, wuxuu dhex yaalay Isbitaal Giriiga ku yaala waxaana ka surnaa Faleebo. Sida uu gadaal ka ogaaday Maxamuud, waxaa si gargaar ah uga soo gaaray doontii uu saarnaa, doon kale oo laga leeyahay dalka Giriiga. Labadoon waxa ay wax yar u jireen dalka Giriiga sidaa darteedna ay soo galeen dalkaas.

Wariyayaasha iyo suxufiyiinta kasoo carara dalka Soomaaliya badankood waxa ay ku rafaadaan dibadaha iyagoo aanan helin wax shaqo ah oo la mid tii ay ka hayeen dalka Soomaaliya. Qaar waxa ay ku dambeeyeen inay lacagaha loo yaqaano ceyrta ku adkeeyaan iyagoo iska fadhiista maqaayada Soomaalidu fadhi ku dirirka ku qabtaan.Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat