What you may have missed

Sunday, May 9, 2010

Maxaad ka ogtahay waxqabadki xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaliyeed ee uu hogaaminayey madaxweyne Dr:C/Nur Darmaan tan iyo xiligi la doortay june 2003?

Bilawgii bishi June sanadki 2003 waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay dawladi uu madaxweynaha ka ahaa Dr:C/Nur Darmaan oo loo doortay madaxweynaha Soomaliya isagoo ay doorteen xildhibaano kor u dhaafayey 250 xildhibaan kuwaas oo u badnaa xildhibaanadi la kufay mas'uuliyadi ay ka soo qaadeen tuulada Carta ee dalka Jabuuti sanadki 2000.

Maxaad ka ogtahay waxqabadki xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaliyeed ee uu hogaaminayey madaxweyne Dr:C/Nur Darmaan tan iyo xiligi la doortay june 2003?
 
Bilawgii bishi June sanadki 2003 waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay dawladi uu madaxweynaha ka ahaa Dr:C/Nur Darmaan oo loo doortay madaxweynaha Soomaliya isagoo ay doorteen xildhibaano kor u dhaafayey 250 xildhibaan kuwaas oo u badnaa xildhibaanadi la kufay mas'uuliyadi ay ka soo qaadeen tuulada Carta ee dalka Jabuuti sanadki 2000.
 
Bisha June waxaa aad loo xasuustaa markii Muqdisho looga dhawaaqay dawladda madexweyne Darmaan oo dad badan ay u sacab tumeen , waxaana xiligaas aad ugu hambalyeeyey inta badan shacabka K/Soomaliya kadib markii uu u sameeyey balanqaadyo u badnaa horumarinta adeegyada bulshada.
Dr:C/Nur Darmaan tan iyo markii xilkaas loo doortay waxaa uu bilaabay inuu isbadalo sameeyo haba ugu badnaadeeen xiriirki uu la soo sameeyey dawladaha ka shaqeeya arimaha Soomaaliya.
 
Waxqbadka madaxweyne Darmaan lagu xasuusto waxaa ka mid ah inuu isla sanadki la doortay u qaaday waxbarashada darajada jaamacadeed arday badan oo tira ahaan ka badneyd 200 oo fursado u heli weysay iney dhaqaala ahaan bixiyaan lacaga dhoofka , waxaana Dr:Darmaan oo kala geeyey ardeydaas dalal ay ka mid ahaayeen Masar , Urdun iyo Suudaan isagoo walibana ka bixiyey qarashaadki diyaarada iyo passporadi ay ku safri lahaayeen.
 
Isla sanadki xigay 2004 waxaa uu qaaday arday la mid ah kuwi sanadki ka horeeyey uu qaaday , waxaana dhamaantood maanta ay joogaan dacalada aduunyada ayagoo waxtari kara dalkooda hooyo halka qaarkoodna ay dalki dib ugu laabteen oo ay xiligaan adag ka shaqeeyaan.
 
Madaxweyne Darmaan ayaa sidoo kale adeegyo horumarino caafimaad ka sameeyey G/Sh/Hoose oo uu dayactir ku sameeyey garoonki macmalka ee Balidoogle isagoo injineero wax dayactira ku sameeya kaga keenay dalal fog fog .
 
Sanadki 2005 ayuu bilaabay safaro uu ku sahminayo gobolo maalgalin lagu sameyn karo , waxaana socdaalkiisaas sahanka ah uu ku tagay Gobolada Galguduud , Sh/hoose iyo Mudug ku wehlinayey saraakil shishieeya ah oo qiimeyn ku sameeya habka tacbashada beeraha iyo aburida kanaalada waraabyada .
 
Safarkiisi degmada Xarardheere ee dekeda ah waxaa uu ku balanqaaday inuu dayactir sameynayo inkatoo ayadoo uu isu diyaariyey ay isbadalo siyaasadeed dalka ka dhaceen.
 
Waxyaabaha lagu xasuusto waxqabadka dawladi Dr:Darmaan waxaa ka mid ah sanadki 2008 in uu dalka Turkiga xabsiyo ka daayey 280 qof oo Soomaali ah kuwaas oo isugu jiray hooyooyin watay caruur gabdho yar yar , dhalinyaro iyo waayeelo ka soo cararay dhibaatada dalka ka jirtay maadama xiligaas ay ciiadamadi Itoobiya dalka joogeen , waxaana saxaafada gudaha iyo dibada ay tabisay in uu xilkiisa kula xaajooday madaxda turkiga taas oo suuragalisay iney dadkaas sii daayaan oo ay xurnimo helaan isagoo dhinaca kale dadkaas oo xabsiyada ka furdaamiyey siiyey lacago gacan qabsi ah oo ay ku gaaraan meelihi ay Yurub ka rabeen.
 
Bishi March 2004 markii ay ku geeriyootay dalka Holland fanaanada Xaliimo Khaliif Magool ee laga soo saari waayey garoonka Amistardam sababo cilado dhinaca dukumiintiyada waxaa la xasuustaa in uu Darmaan ka soo saaray uuna keenay ilaa Muqdisho .
 
Taarikhaha dhaxalgalay ee aan la ilaabi karin waxaa ka mid ah ayadoo Dr:Darmaan oo si xurnimo ah ku joogay Muqdisho xiligii ciidamada Itooboiya iyo C.laahi Yuusuf isagoo waliba sheegayey wax uu aaminsanaa ee aheyd in ciidamada shisheeye ay soo duuleen loona baahanyahay in dalka laga xureeyo , ma jirin cid arinkaas u aaneysay waxaana uu warbaahinta si isku mid ah u cambaareyn jiray falalki ay ku kacayeen ciidamada Itoobiya.
Oraahyada caan baxay ee laga hayo Dr:Darmaan waxaa ka mid ah in shisheeye aaney xal u aheyn arinka Soomaliya ha ahaadaan Amisom , Itoobiya , AU , iyo UN , waxaana hadalkaas uu haad u muuqdaa mid sax ah oo rumoobay maadama faragalinta ay sii cusleysa xaalada jirta hada.
 
2009 waxaa iyana aad loo bogaadiyey talaabadi uu Dr:Darmaan kaga hortagay qorshihi dawladda madaxweyne Shariif ay heshiiska iibsiga badda Soomaliya kula gashay dawladda Kenya kaas oo uu Dr:Darmaan ahaa mas'uulki ugu horeeyey ee ka digay khatarta arintaas ay leedahay , waxaana uu wareysi siiyey wakaalada wararka caalmiga ah .
 
Maamulka Dr:Darmaan oo dhameystiran ayaa bisha soo socota isu diyaarinaya dabaaldaga sanadguuradoodi 8-aad taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho sida ay ku waramayaan saraakisha xisbiga madaxweyne Darmaan.
Dr:Darmaan oo maalmahan safaro ku maraya dalalka Yurub gaar ahaan bariga Yurub ayaa ugu hambalyeeyey taagerayaashiisa sanadguurada ku soo dhaw , waxaana sidoo kale uu umada Soomaliyeed ilaah uga baryey in ay helaan nabad waarto iyo cadaalad.