What you may have missed

Thursday, April 8, 2010

Munaasabad ay xilka ku kala wareegayaan Maamulkii hore ee dekada Magaalada Muqdisho iyo Maamulka Cusub ee dowlada KMG dhawaan ay u magacowday dekada Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ay ka dhacdey gudaha dekada Magaalada Muqdisho.

Xaflada Xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Dekedaha C/casiis Maxamed, Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow, Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida ayaa waxaa halkaas xilka ku kala wareegay Maareeyaha cusub iyo Maareeyihii hore.

XOOG MAAHA XIL WAREEJINTAAN XASAN IYO CABDINA WAA IS XIGAAN
 
Xaflada Xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Dekedaha C/casiis Maxamed, Wasiirka Lacagta Eng. Yariisow, Taliyaha Booliska iyo Nabadsugida ayaa waxaa halkaas xilka ku kala wareegay Maareeyaha cusub iyo Maareeyihii hore.

Maareeyahay cusb ee dekada magaalada Muqdisho Xasan Macalin Cali iyo  mareeyihiihore  C/Jinoow Calasoow ayaa  xaflada waxa ay  isku dhaafsadeen dukuments ay kala saxiixdeen.

Cabdi Jiinow Calasow oo ka hadlay Munaasabada xil wareejinta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xilka ka qaadista lagu sameeyay, waxaan uu tilmaamay inuu la shaqeyn doono Maareeyaha cusub.

Shaqaal laha ee Dekada  Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay  ayaa  kor u qaatay maareeyihii hore ee dekada magaalada Muqdisho C/jiinoow ka dib marii uu ku dhwaaqay in uu xilka wareejiyyey
 
 Xili  C/jinoo Waxa uuna qaar ka mid ah shaqaladah degakad ee uu gacan  qaday u sheegay in uu la shqeeyndoona
Xasan Macalin Cali oo ah maareeyaha cusub Dekada magaalada Muqdisho ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ayaa wuxuu sheegay in uu si daacad ah u gudan doono waajibkiisa shaqo,

Maalin ka hor ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha xilka looga qaaday Cabdi Jiinow Calasow, oo tan iyo sanadkii 2007-dii xilkaas haayay, kadib markii ay magacowday Xukuumadii Cali Maxamed Geeddi uu madaxda ka ahaa

Muuse Maxamuud Jiisow 
Muqdisho Bakaaro Somalia 
00252-1-5576666
00252-50-907666  

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.