What you may have missed

Friday, April 9, 2010

Kooxda al-shabaab oo raadineysa nin la sheegay inuu diidey inuu lacag siiyo.

Nin ka mid ahaa ganacsatada yar yare e suuqa bakaarahaee magaalada Muqdisho lana yiraahdo Omar Warsame Addow, ayaa la sheegay ineey ku raadjoogaan kooxda Al shabaab ee ka talisa inta badan koofurta soomaaliya .
Omar warsame ayaa la sheegay inuu ku lahaa bakhaar aad u yar oo uu qutulyoonka ilmihiisa ka raadsan jiray suuqa bakaaraha, hase ahaatee waxaa dhacday in dhawr jeer aay kooxda al shabaab weeydiiyeen inuu bixiyo lacago uusan awoodin, oo uusanba bakhaarka soo saarin, markii uu ku yiri lacagtaa ma heli karana , waxaa dhacday in Omar Warsame lagu riday xukun ah in qoorta laga jaro ,iyaga oo ku eedeeyey inuu kazoo horjeedo jihaadka iyo halganka aay ku jiraan al shabaab, sida uu sheegay nin ka mid ah ganacsatada suuqa bakaaraha oo codsaday inaan magaciisa la sheegin . Ninkaa ganacsatada ah ayaa sheegay in isaga iyo rag kale oo ka mid ah ganacsatada suuqa bakaaraha aay isugu dareen waxoogaa kharash ah Omar warsame si uu wadanka uga baxsado. Omar warsame ayaa la sheegay haatan inuu ka cararay magaalada Muqdisho, mudo bil ku dhaw ka hor, waxaana si aad ah u baadi goobaya Kooxda Al Shabaab, oo sida la sheegay ku riday xukun qoorgoyn ah.

Dhanka kale waxaa iyana la sheegay in qoyskii Omar Warsame ee xaaskiisa iyo ilmahiisa aay dhuumasho ku jiraan, iyaga oo ka baqanaya in hadii la ogaado laga yaabo in iyagana qoorta laga jaro.

Qaar ka mid ah ehelada Omar Warame oo lala xiriiray ayaa sheegay ineey aad uga walaacsan yihiin xaalada iyo meesha uu ku danbeeyey Omar Warsame , oo la aaminsan yahay inuu u cararay wadamada deriska la ah Soomaalia midkood.

Dadka yaqaanay Omar Warsame ayaa sheegaya inuu ahaa nin aan la dhacsaneyn habka iyo nidaamka aay Al Shabaab ula dhaqmaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada suuqa bakaaraha.


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

1 comment:

  1. Dear friends of Somalia:
    I'm argentine sport journalist and I'm looking for a Somali football blogger, journalist or simply a friendly football fan. I wan to write an article about football in different African countries and I need be in touch with people from your lovely country.
    If you know one, please, write me to contact him.
    Best regards from Buenos Aires
    Aro Geraldes

    My site: International football journalism. Please, visit it, is a honour to me be a Somali reader...

    ReplyDelete

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.