What you may have missed

Thursday, April 8, 2010

Maxaad Ka Taqaanaa Jaamacadda USIM ee dalka Malaysia Warbixin Kooban oo Laga Diyaariyay Daawo Sawirada.


Tani waa warbixin kooban oo ku saabsan USIM ee Malaysia. Halkaan ka aqriso daawo sawirrada Jaamacadda iyo barnaamijyada kala duwan ee ay bixiso.

Jaamacada Islaamiga Sayniska ee Malaysia (USIM) waxaa la furay 1998, waxay ku taalla magaalada Nilai oo u jirta caasimada dalka 40 KM. Jaamacada oo ah Jaamacad Saynis ah ayaa waxay bixisaa kuliyado badan oo isugu jira Diini iyo Maadiba. Ardayda dibada waxaa loo ogolyahay oo kaliya kuliyadaha sare (Masters iyo PHD) iyadoo bixiso Master iyo PHD aad u qiima jaban.

Kuliyadaha ay USIM bixiso ayaa waxaa laga xusi karaa

  1. Kuliyada Quraanka iyo Sunada
  2. Kuliyada Caafimaadka iyo Qaliinka
  3. Kuliyada Ilkaha
  4. Kuliyada Sayniska iyo Tiknoolajiyada
  5. Kuliyada Luqadaha Carabiga iyo Sayniska
  6. Kuliyada Dhaqaalaha
  7. Kuliyada Ganacsiga
  8. Kuliyada Shareecada iyo Qaanuunka
  9. Kuliyada maamulka
  10. Kuliyada Wabarashada sare

Jaamacada ayaa sidoo kale leh xarumo sida xarunta dowliga ee Fatwada, xarunta tamhiidiga iyo xarunta maamulka waxbarashada sare.

USIM oo ah jaamacad tayo wanaagsan leh ayaa waxay lagu tilmaamaa mid ka mid ah jaamacadaha dalka Malaysia kuwa ugu quruxda badan.

Wixii faah faahin intaas dheer kala xiriir aqoon114@hotmail.com

 

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.