What you may have missed

Tuesday, August 18, 2009

Xisbul Islaam oo sheegtay iney dagaallada sii wadaayaan

Afhayeenka Dhanka Howlgallada ee Ururka Xisbul Islaam Maxmed Cismaan Caruus oo maanta ka hadlayay shirsaxaafadeed uu ku qabtay Magaaladan Muqdisho ayaa waxaa uu ku sheegay inay ururkoodu uu sii wadii doonohowlgallada ka dhanka ah Ciidamada Midowga Afrika ka jooga Magaalada Muqdisho ee loogu yeero AMISOM iyo kuwa taageersan Dowladda KMG ah .

Afhayeenkan ka tirsan Xisbul islaam ayaa intaasi ku sii daray inaaney jirin wax wada xaajood ah oo usoconaya iyaga iyo Dowladda oouu isagu ugu yeerayay Riddada waxaanu sii raacsaday Xisbiga marna ka weecan maayoDhabbaha toosan ee uu horeba u sii qaaday taasoo uu sheegay sida uu warka u dhigay iney tahay mid ay Alle ugu dhawaanayaan.

Maxamed Cismaan Caruus sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday in Bish barakeysan ee Ramadaan oo inyar uun ay naga xigaan iney aad usii kordhin doonaan howlagallada ay wadaan sida uu sheegay Muqdisho iyo qaar ka tirsan Gobollada dalka.

Hadalkan kasoo yeeray Xisbul islaam ayaa imaanaya xilli maalmahan ay dhanka Dowladduna qorsheynaheen howlgallo sida la sheegay lagu sugayo amniga caasimadda kuwaasoo maalintii shalay aheydna ay kaba billaabeen ciidamada dowladdu degmooyin xamar katirsan iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in ladoonayo howlgallaasi ay dowladdu wado inay ku sii fidiso xaafado kale oo horleh, lamana garanayo sida ay wax noqon doonaan mar hadii dhinacyada soo kala horjeedaahi ay mid walbaa goonideeda u sheegayso iney fulineyso howlgallo.

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.