What you may have missed

Tuesday, August 18, 2009

Ahlu Sunna oo Mar Labaad Sheegtay Gacan Kuhaynta Wabxa

Culumaaudiinka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa maanta markale waxay sheegteen iney la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Webxo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunnada oo lagu magacaabo Sheekh C/laahi Sheekh C/raxmaan Abuuqaadi oo uga warramayay warbaahinta dagaal uu sheegay inuu halkaasi ku dhexmaray Ciidamadooda iyo ciidammo ay leeyihiin Uruka Xarrakada Shabaabka ayaa waxa uu sheegay in si rasmi ah ay ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Webxo oo katrsan Ceelbuur ee gobolka Galgaduud,isagoo sheegtayna iney qasaare ballaran u geysteen ciidamadii ka soo horjeeday ee horayna halkaasi u sii joogay.

Degaankan iminka ay sheegeen iney lawareegeen Culimada Sunnada ayaa kamid ahaa degaanno dhowr ah oo ka tirsan gobollada Dhexe oo dhowr jeer ay isku fara saareen labada dhinac,mana jirto illaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dhanka shabaabka.

Waa sheegashadii labaad oo ku aaddan degaanno ay la wareegeen Ahlu Sunna mar hadii maalintii shalay aheydna ay sidan oo kale Ahlu sunna shaaciyeen iney la wareegeen gacankuhaynta magaalada Beledxaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.