What you may have missed

Saturday, August 15, 2009

Xaflad Sagootin Dowladda u Dhigtay Taliyihii Hore ee AMISOM

Xafladdan oo ka dhacaday xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta ugu Sarreysa Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya,taasoo lagu macneeyay inaytahay mid lagu sagootinayo taasoo lagu macneeyay inay tahay mid lagu sagootinayo taliyihii hore ee Ciidamada Midowga Afrika ee kusugan magaalada muqdisho looguna yeero AMISOM Jenaral Fracis Okello kaasoo dib ugu noqonaya waddanka Ugandha kadib markii xilkii uu hore uga hayay ciidankan loo magacaabay jenan kale oo isla reer Ugandha ah laguna magacaaboNathan Moangishu .


Xafladdan oo ay kamuuqatay qabanqaabo sarreysay ayaa dhammaanba masuuliyiintii Dowladda ee ka hadashay waxay aad ugu ammaaneen Jenaral Okello sidii wacneyd ee uu gutay madadii uuhowsha ka waday Somaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho,iyagoo sidoo kalena soo hadal qaaday inuu ahaa nin aad u jecel deggenaan iyo horumar iney helaan Shacbiga Soomaaliyeed .

Jenanka oo isna xafladda Sagootiskiisa ka hadlayay ayaa mar ilmeeyay isagoo ay ka muuqatay xamaadad sarrereysa oo laga dheehan karay jaceylka uu uhayay dadka soomaalida ah waxaanu umahad celiyay Dowladad Ururrada Bulshada rayadka ah iyo Hoggaamiyayaasha dhinaca dhaqanka ee Soomaalida isagoo ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen waa sida uu warka udhigaye manaka labedelay oo sii hadlayay ayaa dadka soomaliyeed urajeeyay mustaqbal wanaagsan isagoo dowladda Madaxweyne Shariifna kula darddaarmay iney isku duubnaadan.

Madaxwene Shariif ayaa ugu dambeyntiina kuddoonsiiyay jen,Okello Hadiyado dhinaca Dhaqanka Soolaalida ka turjumayay kuwaasoo uu siaad ah ugu farxay Majer Jenaral Okello oo isla maantaba ka duulay Gegida Muqdisho

Somchat.com
Muqdisho Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.