What you may have missed

Friday, August 14, 2009

Shaaweeye iyo Qaybdiid oo Amni Darada Muqdisho Dusha Loo Saaray

Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Soomaaliya oo eedeynmo ka dhan ah Amniga Muqdisho ah u soo jeediyay Shaqsiyaad Xilal ka haya Boliska iyo G.Banaadir.


Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku eedeeyeen taliyaha Ciidanka Boliska Somaliya Jen.Cabdi Qeybdiid iyo kuxigeenka 1aad ee guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/fitaax Sebriye Shaawey iney had iyo goor ka shaqeynayaan Ammaan xumida iyo dagaallada ka dhex dhaca ciidamada Dowladda,kuwaasoo ay dusha ka saareen iney iyagu leeyhiin mas’uuliyadda dagaallo dhowr jeer dhexmaray ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda,oo kii ugu dambeeyay uu shalay ka dhacay inta u dhexeysa KM5 illaa iyo Ex Kontarool Afgooye.

Xubnahan ka tirsan Golaha Wassiirrada ayaa sidoo kale waxay soo jeediyeen in xil kaqaadis lagu sameeyo labadaas nas’uul ee ay ku eedeeyeen iney kulug lahaayeen dagaalladii ay isaga soo horjeesteen ciidamada dowladda iyagoo ku hanjabayna in shirka ugu soo horreeya ee uu Golaha xukuumaddu yeelanayo ay arrintan iyada ah hor dhigi doonaan .

Dhanka kalena goobigii ay shalay ku dirireen Ciidamada Dowladda ayaa maanta deggenaa iyadoo aaney jirinna xal la ogyahay oo laga gaaray sababihii keenay gacan kahadalka.

Somchat.com
Muqdsho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.