What you may have missed

Friday, August 14, 2009

Sh. Aadan Madobe oo Tabliiqa Uga Diga Soomalaliya

Gudoomiyaha Baarlamanka KMG-ah ee Somaaliya oo Culumaa’udiinka Tabliiqa ee Caalamka uga digay Soomaaliya. Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur{ Madoobe} ayaa oo maanta ka hadlayay shir ay lahaayeen qaar ka mid ah Guddiyada Baarlamanka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falkii lagu laayay Culumo Tabliiq ahaa oo rag wejiyada soo qarsaday ay ku dileen Magaalada Gaalkacyo ee Xaurnta Gobalka Mudug.


Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu intaasi ku sii daray in arrintani tahay mid dhaawacaysa sumcadda iyo sharafta dadka Soomaaliyeed isagoo ku tilmaamayna iney aheyd dhacdo nasiibdarro ah oo lagu waxyeeleeyay dad uu ku sheegay iney ahaayeen Muslimmiin misana socoto ah ,kuwaasoo aan marna xaq ulaheyn dhibaatada loo geystay.


Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe waxaa uu kusii nuuxnuuxsaday in dadkii falkani geystay aan looga hari doonin gooray noqotaba sharcigana la horkeeni doono,isagoo ugu baaqayna dhammaanba shucuubta muslimiinta ah gaar ahaanna Culimadan Tabliiqa loogu yeero iney ka digtoonaadan imaanshiyaha dalkan Soomaaliya oo uu ku sheegay inaaney jirin xaalad iminka dalka lagu imaan karo oo usaamaxeysa sidii ay waajibaadkooda diiniga ah uga gudan lahaayeen.

Hadalkan Gudoomiyaha ayaa ku soo beegmaya kadib dil xanuunbadnaa oo magaalada Gaalkacayo loogu geystay Shan ka mid ahaa culimada Tabliiqa iyadoo wara kale oo lagu kalsoonaan karana ay sheegayaan in labo kale oo kamid ahaa Afar isla Tabliiqan ah oo weerarkii shalay ku dhhawacantay ay iminka u geeriyoodeen dhaawacyadii ka soo gaaaray rasaatii lagu weeraray.

Somachat.com
Muqdisho-Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.