
Weerarkan oo lagu dilay Shan ka mid ahaa sagaalka wadaad oo wararka qaar ay xaqiijinayaan iney udhasheen waddanka Bakistan ayaa waxaa uu ka dhacay Masjid ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaaladaasi Gaalkacayo iyadoo Afarta kalena uu ka soo gaaray weerarkaasi dhaawacyo kala duwan oo iminkana ay uyaallaan Cisbitaalka magaaladaasi.
Warsaxaafadeedkani kasoo baxay Xafiiska R/wasaare Sharma’arke oo warbaahinta uu u aqriyay Sheeq C/Risaaq Maxamed Qeyloow oo ah afhayeenka ciidamada Daraawiishta ee dowladda KMG ah ayaa lagu sheegay in Dowladdu ay aad uga xuntahay weerarkaasi iayadoo waliba ku tilmaantay inuu ahaa mi wuxuushnimmo ah oo aan loo baahneyn in lagula koco dad muslimiin ah ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dowladdu ay usaartay guddi ka kooban Wassiirro iyo xubno xildhibaanno ah kuwaasoo gacan ku siin doona ciidamada Amniga ee sida lagu sheegay warkani baaritaanka ku haya dadka ka dambeeyay weerarkaa dhibaatada loogu geystay wadaaddadaasi ka tirsanaa Culimada Tabliiqa.
Dowladdu waxay warkeedani Tacsi ugu dirtay qoysaskii ay ka bexeen Shanta ruux eek u dhimatay weerarka iyo dowladda waddanka Bakistan iyadoo kuwa dhaawaca ahna alle uga bariday iney ka kacaan waxyeellada gaadhay .
Lama oga illaa iyo hadeer cida ka dambeysay arrintan iyadoo aaney jirinna sheegasho amuurta ku aaddan hase ahaatee masuuliyiin badan oo isugu jirta Urruro diimeedyo iyo maamullo ayaa aad waxay u cambaareeyeen falkan layaabka lahaa ee dhibka loogu geystay dadka socotada muslimiinta ah
Somchat.com
Muqdisho Somaliya
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat
No comments:
Post a Comment
Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.