What you may have missed

Wednesday, August 12, 2009

Ciidamo Kawada Tirsan Dowladda o Markale Dagaal Ka Dhex Dhacay - 4 DEAD

Dagaal Dhaliyay Dhimasho iyo Dhaawac oo maanta markale ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho. Dagaalkan oo barqannimadii maanta ka qarxay qeybo ka mida Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda KMG-ah ee Somaliya waxaanu dagaalka kadhacayay xooggiisa inta u dhexeysa Ex koontarool Afgooye illaa iyo daarta Zoobe ee ku taalla KM5,.


Dagaalkani ayaa socday muddo dhowr saacaddod ah iyadoo qasaaraha ka dhashayna uu yahay inta laga warhelay dhimashada 4 ruux iyo dhaawac soo gaaray dad kor usii dhaafaya 20 ruux kuwaasoo ubadnaa dad rayad ah oo ku waxyeelloobay Aagga dagaalka.

Waxaa kale oo dhici karto dad iayaguna ay waxyeello ku soo gaartay xaafadaha kabaxsan halka ay dirirtu ka socotay waxaana taasi keeni karay rasaasta calculus ee laysu adeegsanayay oo gaaraysay gobo kabaxsan Aagga dagaalka.

Lama oga sababta dhabta ah ee keentay dagaalkan dhexmaray ciidamo kawada tirsan kuwa Dowladda hase ahaatee warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta dagaalka kuwaasoo qaar kamid ahi ay ku warramayaan inlaysku haysto barta koontarool ee lagu magacaabo Ex kontarol Afgooye, halkaasoo ciidamo hoostaga guddoomiye ku xigeenka Maamulka G.Banaadir ay hore uga qaadi jireen lacago gawaarida wadadaasi istcimaasha,

Warar kale ayaa sheegaya in dagaalku uu yahay mid udhexeeya labo qabiil oo ka mid ah kuwa dega muqdsho oo uu yahayna mid aanooyin hore salka ku haya,hase ahaatee lama hubo illaa iyo iminka sababta rasmiga ah, mana aha markii ugu horreysay ee ay dagaal geysta qasaare nololeed iyo mid dhaawacba uu dhexmaro ciidamada kawada tirsan kuwa Dowladda uu madaxda ka yahay M/wene Shariif Sheekh Axmed,

Mudo hadda laga joogo hal toddobaad ayay aheyd markii sidaan o kale dagaal ku dhex maray agagaaraha KM5 ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda

Somchat.com

Muqdisho-Somaliya



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.