What you may have missed

Wednesday, August 12, 2009

Baarlamaanka oo Gacan Ka Hadal Ka Dhacay

Golaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya oo gacanta isula tegay kadib markii laisku fahmi waayay mudanayaal cusub oo maanta la dhaariyay.


Fadhiga Baarlamaanka ee maanta oo ay soo xaadireen mudanayaal kabadan 390 islamarkaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan kadib markii xidhibaannada loo qeybiyay waraaqo la sheegay iney faahfaahinayaan go’aan uu madaxwene Shariif ku doonayo in dalka lagu geliyo xaalad degdeg ah hase ahaatee kahor intii aan arrinta ku saabsan qoraalkaasi laga wada hadlin ayaa Guddoomiye Sh,Aadan Madoobe waxaa uu u yeeray Shan xubnood oo uu sheegay inloo dhaarinayo xubinnimada baarlamaanka taasoo keentay iney ku kala qeybsamaan mudanayaasha kulansanaa oo weliba laysu soo fakado dabadeedna qaar xildhibaannada kamid ahi ay isu gacan qaadaan,waxayse xaaladu sii murugtay markii ay shirka soo galeen ciidano ka tirsan Boliska iyo kuwa AMISOM oo ku soo baxay sida muuqatay buuqa iyo isjiidjiidka xildhibaannada.

Wuxuu xaalku sidaa ahaadaba waxaa kulanka laga saaray mid kamid ah mudanayaasha diidanaa dhaarinta xubnaha cusub, iyadoo hadal uu gebagebadii shirka halkaas ka jeediyay Sheekh Aadan madoobe uu ku sheegay sida uu uga xunyahay wixii dhacay maanta.

somchat.com
Muqdisho-Soomaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.