What you may have missed

Friday, August 21, 2009

WARAR GOOS GOOS AH OO KU SAABSAN DAGAALLADII MAANTA EE GOBOLKA HIIRAAN.

Shalay gellinkii dambe ayay Ciidammo ka tirsan ku taageersan Dowladda oo ka soo ruqaansaday dhanka magaalada B/weyne waxay soo gaareen meel illaa iyo shan KM dhanka waqooyi kaga aaddan Degmada Buulobarde,waxaana la sheegay in ciidankaasi ay xalay ku baryeen halka loo yaqaanno Buurta Gaalakaroor,iyadoo maantay gellinkii hore ay soo gaareen buundada Degmada buulaay halkaaso uu dagaal ku dhexmaray weliba aad u kululaa Ciidammo katirsan Xarrakada Shabaabka oo iyagu halkaasi horeyba u sii joogay, warka ayaa wuxuu intaasi ku sii darayaa in dagaalka oo soconayay dhowr saacadood oo is xigtay ka dib ay u suuro gashay ciidamada ay leeyihiin shabaabku inay difaacdaan gacankuhaynta magaalada,iyadoo qasaraha dagaalkuna lasoo werinayo Dhimashada illaa 11 ruux oo dhinacyada dagaallamayay ah iyo dhaawac soo gaaray dad rayad ah oo aan tiradooda rasmi ahaan loo xaqiijinin,sidoo kale ilo muhim ah oo jooga Aagga dagaalka waxay xqiijinayaan in ciidamada Dowladda laga furtay gaari kuwa dagaalka ah oo waliba qafilan nuuca Beebaha loo yaqaanana ah.

Dhanka kalana magaalada Beledweyne ayaa dhinaceeda galbeed waxaa gaaray maanta ciidammo ay leeyihiin Xisbul islaam iyo Alshabaab kuwaasoo kadib dagaal aan sidaasi u xoogganeyn oo ay la galeen ciidamada Dowladda gacanta ku dhigay galbeedka mag. Beledweyne,waxaana lagu soo warramayaa inay caawa deggentahay xaaladdu iyadoo ay ciidamada isgarabsanaya ee haatan dib ula wareegayna ay isku fidiyeen dhammaanba xaafadaha ku yaalla Howlwadaag ee galbedka b/weyne.

Wararka laga helaayo isla beledweyne ayaa sheegaya in Ciidamadii Ethiopia ee saaka soo gaaray Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaasi ay maanta gellinkii dambe dib ugu noqdeen Degaanka feerfeer oo ku yaalla sohdinta kala qeybisa somaliya iyo zoonka shanaad ee Dhulka Somalida Ethiopia,lamana oga sababta imaanshahoodii hore iyo mida keentay dib unoqoshadoodaba.

Somchat.com
Muqdisho Somaliya


Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.