What you may have missed

Friday, August 21, 2009

Dagaal geystay Qasaare nafeed oo caawa fiidkii ka dhacay Muqdisho

Dagaalkan oo yimid ka dib markii weerar loo adeegsaday Qoryaha Baasuukayaasha ah iyo kuwa kale fududba lagu qaaday Cadamada Dowladda ee ku sugan wadada Maka al mukaramma gaar ahaana isgoyska Dabka...

Halka Dagaalka ka dhacay ayaa ciidamada dowladda iyo ku AMISOM oo iyaguna ku sugnaa meel aan waxsidaasi ahba ka fogeyn halka la soo weeraray waxay fureen rasaas aad ufara badan oo ay ku jireen madaafiic kuwaasoo ku kala dhacay xaafado ka kala tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag gaar ahaanna waxay si aad ah ugu dheceen madaafiicdu Xaafadaha ku xeeran Suuqa Bakaaraha.

Inkastoo ay aheyd xilli habeen ah oo aan la ogaan karin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan ayaa hadana waxaa qeybo kamid ah magaalada laga maqlayaa dhawaqa murugada badan ee Ampalasta taasii sida muuqataa daadureyneysa dadka ku waxyeeloobay dagaalkan habeennimo.

Warar laga helayo masuuliyiinta amplasta ayaa sheegay iney illaa iyo imnikadan qaadeen tiro dhaawac ah oo kabadan 20 ruux iyadoo xaafado ay la xiriirtay Somchat ay sheegayaan dhimasho ku dhawaad 10 ruux ah inkastoo aan la xaqiijin karin habeennimada darted,hase ahaatee dagaalka oo socday illaa 15 daqiiqadood ayaa si iskiis ah u istaagay xaaladauna iminka wey deggentahay

Somchat.com
Muqdisho-Somaliya



Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.