What you may have missed

Sunday, August 23, 2009

Alshabaab iyo DKMG oo Midba Kan Kale Ku Eedeeyay Inay Dagaalka Bilaabeen

Dowladda KMG-ah iyo mid kamid ah kooxaha kasoo horjeeda oo si kala gooni ah uga hadlay dagaallada Muqdisho. Afhayeenno ukala hadlay Dowladda KMG ah iyo Xarrakada Shabaabka ayaa maanta gellinkii dambe waxay siyaabo kala duwan uga hadleen daggaalka xalay fiidkii ilaa iyo maanta barqadii ka dhacayay qeybaha kamidka ah magaalada muqdisho iyagoo mid walbaana kan kale ku eedeeyay iney Billowday Dagaalka.

Afhayeenno ukala hadlay Dowladda KMG ah iyo Xarrakada Shabaabka ayaa maanta gellinkii dambe waxay siyaabo kala duwan uga hadleen daggaalka xalay fiidkii ilaa iyo maanta barqadii ka dhacayay qeybaha kamidka ah magaalada muqdisho iyagoo mid walbaana kan kale ku eedeeyay iney Billowday Dagaalka.

Afhayeenka Xarakatul Shabaab Almujaahidiin Sheekh Cali Max’uud Raage Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay dhankooda iney guulo ka gaareen dagaalka oo uu sheegay iney soo qaadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo doonayay sida uu warka udhigay iney is ballaarin sameeyaan,hase ahaatee waxaa uu sheegay iney taasi ka hortageen ciidamada Mujaahidiinta ah oo uu isagu ugu yeero ciidamada Shabaabka, waxaanu intaasi ku siidaray Sheekh Cali Dheere iney ciidamadii ka soo horjeeday ku jebiyeen dagaalka oo uu isagu ku tilmaamayay inuu ahaa mid gardarro ahaa oo itaga lagu soo qaaday.

Sidoo kale sheikh Cali waxaa uu soo hadalqaaday in dhammaanba dagaallada ka soconayay beryahan danbe Degaannada kamidka ah gobollaada Galgaduud,Hiiraan iyo Gedo ay ahaayeen kuwo ay gadaal kasoo riixeysay dowladda Ethiopia oo lagu doonaayo in shacabka Soomaaliyeed eek u hoos jira nabadgelyada ay sameeyeen maamullada islaamiga ah lagu carqalaynayo waa sida uu warka u dhigaye.


Dhanka kalana Afhayeenka Ciidamada Daraawiishta ee hoostaga maamulka Dowladda Sheekh C/risaaq Xasan Qeyloow ayaa ku eedeeyay billowga dagaalka iney ka

KU LAABO BOGGA HORE -
Somali News Videos - Somali Blogs - Somali News - Somali Videos - Somali Chat

No comments:

Post a Comment

Faahfaahin, fikrad, falanqayn, iyo waxii aad qabto hoos kusoo qor si aanu Kuula aragno ra'yigaaga.